Miraad Layli: Ugaaska aan ciddi na meydkiisa arag kadib qafaalkii Itoobiya ee loogu magacdaray garoonka Godey

Xigashada Sawirka, Qoyska Ugaas Miraad
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, Weriye, BBC Somali
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa toddobaadkii hore daahfuray garoon diyaarad oo weyn oo laga dhisay magaalada Godey, kaas oo loogu magacdaray Ugaas Miraad.
Ugaaska oo ahaa hoggaamiye dhaqan, mid ciidan iyo siyaasadeed waxa uu ka mid ahaa kuwa ugu saameynta weyn dowlad deegaanka Soomaalida.
Waxa uu halgan hubeysan oo soo tixnaa ilaa 1964dii la galay saddexdii hoggaamiye ee isaga dambeeyay xukunka Itoobiya, Xayle Salaasa, Migisti Xayle Maryam, iyo Raysal wasaarihii dambe Meles Zenawi.
Laakiin qoyska Ugaas Miraad Layli waxay soddon sano kadib weli baadigobayaan meyka Ugaas oo markii ugu dambeysay isgaa oo nool ciidamada Itoobiya ka qafaaleen magaalada Godey oo uu ka ahaa Duqa magaalada 1994tii.
Ugaas Miraad iyo halgankii iyo dagaaladii dhexmaray isaga iyo Itoobiya
Ugaas Miraad, Ugaas Layli, Ugaas Siigaale, oo ku dhashay Elale/Ilaalo 1931 waxa uu ku barbaaray gobolka Shabeele ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, isaga oo 1964tii ku biiray Xisbigii Nasrullaah oo ahaa xisbi gobonimo doon ah oo kasoo horjeeday taliskii Dergi.
Mardambe, heshiis ay wada galeen Xayle Silaase iyo Ugaas Mashkooke Siigaale oo ahaa Miraad Layli adeerkiis oo u dhignaa in Ugaas Mashkooke dadkiisa soo celiyo magaalana loo dhiso ayuu Miraad ka qayb noqday isagoo jabhadii kasoo baxay.
Boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie oo Itoobiya ka talinaayay 1930-kii illaa 1974-tii iyo Ugaas Mashkooke ayaana si wadajir ah u dhagaxdhigay magaalada magaalada Godey.
Ugaas Miraad waxuu qayb ka noqday dhismahii iyo bud-dhigii koobaad ee magaalada Godey kadib adeerkii oo ka teggay deegaanka ayuu Miraad guddoomiye Godey waxaana si rasmi ah loo degay magaalda 1970-kii.
Ugaas Miraad ayaa magaalada ka ahaa duqa magaalada iyo Ugaaska guud ee deegaanka, Ururkii gobonimo doonka ahaa ee Xorreynta Soomaali Galbeed oo weeraro joogto ah ka fulin jiray magaalada Godey dhexdeeda ayay Miraad Layli ciidamadii Itoobiya fareen in uu soo qabqabto isagoo markaas ahaa duqa iyo guddoomiyaha magaalada.
Dhammaadka 1976-diina isagoo ka biyo-diidsan ficilada taliska Itoobiya dhowr mara ay isku dhaceen ayuu si rasmi ah ugu biiray Jabhadii Xorreynta Soomaali Galbeed reerkiisana ayka qaxeen magaalada Godey.
Kadib ku biiristiisii Jabhadda waxuu ciidan uruursi ka bilaabay deegaanada ku xeeran magaalada, isaga oo ay weheliyaan dhallinyaro 150 gaadhaysa ayuu gudaha Soomaaliya lasoo galay waxayna qayb ka noqdeen ciidamadii Jabhadii Xorreynta Soomaali Galbeed ee gudaha Soomaaliya lagu tababari jiray.
Ugaas Miraad iyo dib-qabashadii Godey, iyo noloshii xeryaha qaxootiga

Xigashada Sawirka, Qoyska Ugaas Miraad
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilowga 1977, Miraad Layli oo hoggaaminaya ciidamo ka tirsan Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa guluf kusoo qaaday magaalada Godey.
“Annaga oo Ceelbarde deggan magaalada Godeyna isaga qaxnay ayaa bilowgii 1977-dii waxaa xilli habeennimo magaalada nagu maray 61 baabuur oo ciidan ah, waxaana naloo sheegay in ciidamadani ay weerarayaan magaalada Godey Aabbahayna wato,” ayay BBC-da u sheegtay Akhyaar Miraad Layli, gabadha labaad ee ugu weyn carruurta Miraad Layli.
“Muddo 12 berri ah oo dagaalkaasi socdayna Kaarayaasha nasoo maraayay waxaan xasuustaa in ay ku qoraayeen, “Ama gubo, ama Godey qabo!.”
“Intaas dagaalku socdayna Aabbahay meel uu ku noolyahay iyo xaaladiisa maana ogeyn; markii Godey la xorreeyay ayaana ogaanay in Aabbahayo noolyahay,” ayay Akhyaar Miraad Layli.
“Farxad darteed, maalinkii Godey la qabtay; reerkayaga mid walba baabuurta ciidamada ayuu iska soo raacay, annigoo gabadh yar ah ayaa xiitaa aan soo raacin reerkayaga oo carruurta nala qaad layga waayay; janadii in aan ku dhacnay waxii farxad aan maalinkaaas dareemaynay unbay nala ahayd,” ayay tidhi Akhyaar oo maalinkaas xasuusteeda aad ula qiirootay.
Miraad Layli waxuu dib ugu noqday maamulkii magaalada Godey oo markaan xor ah, muddo todoba bilood oo ay magaaladu xor ahayd kadibna magaalada Godey mar labaad waxaa dhacday in Itoobiya dib u qabsato, mar kale ayuuna duurka iyo Jabhadnimo ku noqday, muddo sanad iyo badh ah oo uu duurka joogay isagoo jabhad ah ayuu reerkiisa usoo raray gudaha Soomaaliya, isagoo qoyskiisu ay degeen xeradii qaxootiga ee Qoryooleey.
Miraad waxuu tegay magaalada Muqdisho waxayna dowladii Soomaaliya ku dartay ciidan duqeey ah oo howlgabnimo mushaar ku qaata taas oo u cuntami waydayna waxuu dib ugu soo noqday magaalada Godeey 1984-tii.
Baadigoobka meydka Ugaas soddon sano kadib markii ay qafaaleen ciidamada Itoobiya

Xigashada Sawirka, Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya
Waxuu haddana dib u noqday guddoomiyaha magaalada Godey oo markaas ay ka talinaysay Dhergi oo uu hoggaaminaayay Mengistu Haile Mariam.
Kadib markuu dhacay taliskii Dhergi dibna ay guud ahaan Itoobiya u qabsadeen Jabhaddii TPLF, waxayna imaadeen magaalada Godey oo uu Miraad guddoomiye degmo ka yahay wali, dhowr mar ayay isku dhaceen taliskii ciidamada iyo Miraad, dagaalo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaana dhowr mar ku dhex maray magaalada Godey ciidamadii Tigrayga iyo Miraad.
Markaas deegaanka Soomaalida maamulkooda waxaa gacanta ku hayay ururka ONLF, waxaana jabhad dagaalamaysay ahaa ururkii Al-Itixaad oo howlgalo qorshaysan ka fulin jiray magaalooyinka deegaanka si gaar ahna magaalada Godey oo caasimadii deegaanka ahayd.
Miraad Layli oo ahaa Duqa magaalada, labada urur midna isagu kamid muusan ahayn soo noqnoqashada isku dhaca Miraad iyo ciidamada Itoobiya ayaana ugu danbayn sababay in dagaal dhex maray isaga iyo ciidamadii in ugu danbayn Miraad bannaanka uga baxo isaga iyo ilaalo la socotay magaalada.
“Ugaasku intuuna magaalada ka bixin maalin maalmaha kamid ah ayay ciidamadu soo weerareen, anniga oo wata ciidan 9 nin oo booliis ah ayaana kusoo baxay Miraad oo ay hareereen [ciidankii Tigreyga] wiilashii ila socday baan ku amray in ay ka fujiyaan ugaaska halkii baan isku faro-saarnay; sidii baana Miraad uga sii daayay qoladii soo weerartay,” ayuu yidhi Caddaani Hirmooge oo xilligaas ahaa Taliyaha Booliiska Deegaanka Soomaalida isaga oo la hadlayay BBC.
Markuu magaalada ka baxay Miraad, waxaa ka dabo tegay odoyaal ay direen ciidamadii Itoobiya ee magaalada haystay iyagoo yidhi 'waxba u dirsan maynee shaqadii hakusoo noqdo', sida ay BBC u sheegtay Akhyaar Miraad Layli.
Intuu bannaanka joogayna waxaa la yagleeyay maamul cusub waxaana isaga oo bannaanka jooga oo ay wali isku dhacsanyahiin ciidamadii Tigreega dib loogu doortay Duqa degmada, muddo afar bil ah oo uu banaanka joogay kadibna magaalada ayuu kusoo noqday isagoo odayaasha ka aqbalay codsigoodii ahaa magalaada in uu kusoo noqdo.
Bishii May, 30-keeda 1994-tii Miraad oo guri ku sugan ayay weerareen ciidamadii Itoobiya halkaas ayayna ku qabteen, dibna looma arag raq iyo ruux toona; markii ugu danbaysay dadka aragtidiisa waxay ahayd isaga oo loosii wado garoon ciidamada cirka Itoobiya degganaayeen oo magaalada ku yaalay.
Waxaa sidoo kale magaalada isla bisha May sida aan kasoo xiganay Amnesty Internation magaalada lagu Miraad Sheekh Yuusuf, bishii Julyna waxaa sidoo kale la dilay Mukhtaar Aaden Geedan oo ahaa duq-ku-xigeenkii magaalada Godey.
“Dilkii Ugaas Miraad waxuu qayb ka ahaa dhacdooyin badan oo ka dhacay Qabridahare, Dhagaxbuur, Wardheer, Qalaafe iyo magaalooyin kaleba kuwaas oo lagu beegsanaayay madaxda iyo indheergaradka deegaanka, waana waxyaabahii nagu qasbay ka urur ahaan duurka intaan u baxno in aan dagaalanno,” ayuu yidhi Cadaani Hirmooge oo BBC-da u warramay 1994-tiina ahaa Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Ugaas Miraad Layli, ayaa hadda loogu magacdaray garoonka cusub diyaaradaha ee magaalada Godey, oo ah magaaladii uu aas-aaskeeda qaybta ugu weyn ka qaatay haddana sidii loo qabtay aan dib danbe loo arag isaga loo badiyay, balse reerkiisu muddo badan ka baadigoobayeen dhammaan xabsiyada Itoobiya.
“Aabbahay, maalinkii uu dhintay reer Miraad Layli adduunka ayay u qaybsameen, saamayn baaxadleh ayayna qoyskayaga ku yeelatay, meel walba waanka raadinay Aabbahay. Illaa haddana qoyskayaga dad baan wali samrin oo maalin uun qaba Aabbo in ay arkayaan,” Khadar Miraad Layli.
Daahir Maxamed Cali (Daahir Baasto) waxuu saaxiib la ahaa Miraad Layli waxuuna xiligaas ahaa Xildhibaan lagasoo doorto magaalada Feerfeer oo ku sugan magaalada Godey oo markaas ahayd caasimadda dowlad deegaanka isagoo ka warbixinaya Miraad qofkuu ahaa waxuu yidhi. “Ugaasku waxuu ahaa nin aad u afgaaban, hadal cad, aan cabsan dadku isugu midyahiin geesi ah, waddani ah oo gumeysiga neceb.”
“Aabbo maanta in loogu magacdaro garoonka Godey, waxay ka turjumaysaa in qof walba oo qaddiyadda umadda u taagan uu waligiis magaciisu iyo sharaftiisu ku dhex waarayso bulshada dhexdeeda, waxayna tani tusaale utahay dhammaan geesiyadii qadiyadaan u dhintay ama u dhibtootay,” ayuu yidhi Khadar Miraad Layli oo BBC-da u sheegaya waxay uga dhigantahay in aabbohiisa loogu magacdaray garoonka magaalada Godey.
















