Waxyaabaha ka baxsan fanka ee bulshadu aysan ka ogeyn Ugbaad Aragsan

Xigashada Sawirka, Ugbaad/Facebook
Fannaanadda caanka ah ee reer Hargeysa, Ugbaad Aragsan, waxana ay kamid tahay fannaaniinta aadka logu jecelyahay sanadahan dambe, iyadoo ku luuqeysay qaar kamida heesaha ugu saameynta badan sanadihii ugu dambeeyay.
Ugbaad, waxa ay fanka si weyn uga dhex muuqatay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, muddadaas oo ay soo saartay heeso cajab geliyay dhallinta maanta.
Heesaha ay qaadday waxaa kamid ah, hees uu halku dhiggeedu yahay, ‘Dhexdeenna jacaylka yaal’ oo ay eraydeeda u dhiibtay abwaanadda iyaduna reer Hargeysa ah ee Ayaan Kaaba.
Heestaas waxa ay kamid tahay heesaha ugu taageerada badan barta Youtube-ka ee ay ku luuqeysay Ugbaad Aragsan iyadoo ay daawadeen in kabadan 10-milyan, erayadeeda ayaan ka xusi karnaa:
Dharaaraha nolosha haray
Haddii ley dhihi lahaa
Halkeed ku dhameysan lahayd
Dhabtaadan oran lahaa
Ee ha iga dhiman geerida horteed.
Hees kale oo hadal heyn badan dhalisay ayey ku luuqeysay Ugbaad, taas oo halku dhiggeedu uu yahay, ‘Intaad sacabka tumi lahayd adba noqo kan loo tumo’, waxaana daawaday ku dhawaad 8-molyan oo taageroyaal ah.

Xigashada Sawirka, Ugbaad/Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyana erayadeeda waxaa kamid ah:
Adna taaj ha daba sidin
Qof tusmeystay tiisii
Adiga oo wax tari kara
Ha tilmaamin ruux kale
Intaad sacabka tumi lahayd
Adba noqo kan loo tumo.
Faraxa maalmaha ciidda iyo dabaal degga munaasibadda ciidul fidriga, waxa aan wareysi la yeelannay Ugbaad Aragsan, iyada oo haatan ka dallacday wakhtigeedii ku koobnaa kaliya fankeeda, oo waxay usii diga rogatay ganacsato
Wariyaha BBC-da Sidiiq Burmad oo kula kaftamay Ugbaad bal in ay dhinaca xisaabaadka kawada hadlaan maadama ay ganacsato noqototay ayey tiri, “War Burmadow marka aad ku biirto ganacsatada wey adagtahay in aad oggolaato in dhinaca qaddaadiicda wax lagaa weydiiyo, xittaa hal doollar haddii uu kaa baxo habeenki seexan kari meysid, marka dhinacaa há igala hadlin”.
Ugbaad waxa ay dukaan lagu iibiyo dharka dumarka iyo waxyaabaha udugga ka furtay magaalada Hargeysa, hase yeeshee waxa ay nala wadaagtay sheeko qosol leh oo ay dhowr mar kala kulantay macaasmiisheda kusoo booqda xarunteeda ganacsi.
“Waxa ugu badan ee aan kala kulmo macaamiisheyda waxa ay tahay inta badan aniga ayey iga hadlaan, qof waxa uu ku leeyahay waad gaabantahay sidan kuma moodi jirin, qof waxa uu leeyahay gabar fur-furan oo wanaagsan baa tahay qofba waxbuu kugu tilmaamayaa, laakiin waan iskala qabsaday.
Waxaase iigu layaab badneyd markii ay ii timid inan yar oo ay igu tiri waan ku jeclahay, laakiin waad i niyad jabisay kuma moodeyn in aad sidan u gaabantahay ee kabo dhaadheer xiro, markaas ayan aad u qoslay laakiin waa kaftanka macaamiisha oo dhib uma arkin”, ayey tiri Ugbaad Aragsan.

Xigashada Sawirka, Ugbaad/Facebook
Waxa ay sharraxaad ka bixisay waxyaabaha kale ee ay jeclaan lahayd in ay kusii tallabsato nolosheena amaba haddii ay macquul tahay in ay eegto dhinacaa iyo siyaasadda.
“Anigu waxan ahay fannaand Soomaaliyeed, dabcan wixii aan siyaasad ka heli lahaana fanka ayaa iiga filan, runtii kuma aanan hammin in aan siyaasad iyo howleheeda galo haddana uma diyaarsani”, ayey tiri Ugbaad Aragsan.
Ugbaad waxa ay tusaale ka bixisay sida magaca ay Fanka ku dhex leedahay uu uga caawiyay in ay hesho macaamiil badano o kala joga dalka iyo dibaddaba.
“Marka aan ku biiray ganacsiga, dadku wey isoo dhaweeyeen, magaca dad badan ayaa iigu yimid, dal iyo dibedba waan isku xirannahay, waxaa xusid in caannimaduna ay wax sii qurxineyso”.
Waxa ay sheegtay in dhinaca fanka oo bilihii lasoo dhaafay ay uga mashquushay xagga ganacsiga, iyadoo ay heeso ugu dambeysay heesta Boqolow oo ay muuqaalkeeda ku duubtay magaalada Dubai oo ay safar faneed ku tagtay.
Sidoo kale bandhigyadii ugu dambeeyay ee ay kasoo muuqatay waxaa kamid ahaa munaasibaddii calema saarka ee madaxweynaha marka labaad loo doortay Puntland ee Siciid Cabdullahi Deni oo ka dhacday magaalada Garowe.













