Maxaa loo baajiyay safar uu duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey Muqdisho ku tagi lahaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis waxa ay rajaynayeen inay booqasho ku tagaan Soomaaliya. Haddaba maxaa dhacay.
WCCO waxay heshay xogo gudaha ah oo qeexaya qorshayaasha duqa magaalada Jacob Frey iyo Taliyaha Booliiska Brian O'Hara ay booqasho todobaad ah ku tagayeen Soomaaliya bishii Febraayo ee ina dhaaftay.
Frey ayaa hogaaminaya magaalada ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka.
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo madaxa booliksa magaalada Brian O’Hara ayaa baajiyey safar qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ku tegaan bishii Febraayo ee la soo dhaafay, waxaa sidaas lagu ogaaday xog soo shaac baxday shalay.
Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis ayaa rajaynayey in socdaalka Muqdisho uu wanaajin doono badqabka bulshada iyo in la dhiso isku xirka bulshada Soomaalida.
Warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa heshay dokumentiyo muujinaya qorshaha Frey iyo O’Hara ay toddobaad booqasho ah ku joogi lahaayeen Muqdisho.
Axadii, waxa uu ka qeyb-galay in Minneapolis ay u dabaaldegto 10 sano oo ay walaalo yihiin (sister city) magaalada Boosaaso.
Email-lo ay heshay warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa muujinaya madaxa shaqaalaha xafiiska Frey oo ku tilmaamay safarka Soomaaliya “safar caalami ah oo [Frey] uu ka tashanayey muddo shan sano ah.”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar wax laga weydiiyey sababta O’Hara uu u raacayo Frey, afhayeen u hadlay xafiiska duqa magaalada, waxa uu yiri, “Saraakiishayada booliiska waxa ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada deegaanka ee Soomaalida ah, safarkani waxa uu fursad u siin lahaa taliyaha in uu wax badan ka ogaado dhaqanka Soomaalida oo la kulmo madaxda muhiimka ah, si uu xiriir ula sameeyo."
Sida ay sheegtay warbaahinta CBS Frey iyo O'Hara ayaa waxay diideen in waraysi lagala yeesho arrintan.
Qaar ka mid ah Soomaalida deegaanka ayaa ka soo horjeestay safarkaas, iyadoo nin ka mid ah uu u qoray golaha deegaanka in lacagta canshuur bixiyayaasha si taas ka wanaagsan looga faa’ideysan karo, waxaana safarkaasi uu sababay kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaaliyeed, ayay qortay warbaahinta.
Hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay taageeraan fikradda booqashada, gaar ahaan haddii ay hagaajineyso xiriirka Booliska Minneapolis iyo dadka deegaanka.
"Waxaa jira farqi weyn, iyo kalsooni darro u dhexeysa booliiska iyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka soo koraya," ayuu yiri Maxamuud Faarax oo ah imaam iyo wariye. "Waana waxyaabaha ay Frey iyo O'Hara dareemi lahaayeen oo ay fahmi lahaayeen kana faa'iidaysan lahaayeen."
Diiwaanada ayaa muujinaya in kharashaadka duullimaadyada Frey, O'Hara iyo laba sarkaal oo kale oo booliska Minneapolis ah ay ku kacayaan $17,928, iyada oo weliba tigidka duqa magaalada lagu soo dalacay xafiiskiisa, tigidada booliiskuna ay ka soo baxeen miisaaniyadda MPD.
Safarka ayaa waxaa la baajiyey kahor saddex maalin inta aanu dhicin, xilli qarash badan oo sugidda amniga Muqdisho ah lagu bixiyey. Xafiiska Frey ayaa sheegay in loo baajiyey cabsi amni darteed, kadib cadaadis iyo cabsi gelin ka timid Soomaalida.












