Waa kuma Xildhibaanka Soomaali - Ameerikaanka ah ee doorka weyn ku lahaa meelmarinta sharci ay Soomaali badan muddo sugayeen

SHARCIGA LA ANSIXIYEY

Xigashada Sawirka, SIYAAD SAID SALAH

Qoraalka sawirka, Gudoomiyaha gobolka Minnesota, Timothy James Walz, oo saxiixay sharciga

Sharci dajiyeyaasha gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa meelmariyey sharci kor loogu qaadayo khidmada ay helayaan darawallada ku shaqaysta gawaarida tagaasida ee Uber iyo Lift.

Ururro ay hormuud u yihiin Soomaalida gobolka Minnesota ayaa door iyo kaalin weyn ka qaatay in sharcigu meel maro labo sano ka dib. Sidoo kale sharciga waxaa hore diidmo u hor dhigay gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz.

Cumar Maxamuud Faatax, oo ah xildhibaanka ka tirsan aqalka Senate ee Minnesota ayaa loo tiriyey inuu laf dhabar u ahaa in sharcigan la ansixiyo.

Aqalka sanetka ee Minnesota ayaa ka kooban 34 xubnood oo dimuqraadiyiinta ah iyo 33 xildhibaan oo jamhuuriyiinta ah kaas oo ka dhigan in dimuqraadiyiintu leeyihiin aqlabiyad ciriiri ah.

Cumar Maxamuud Faatax, ayaa BBCda u sheegay in muddo labo Sano ah uu ka shaqaynayey sidii sharcigan uu guulaysan lahaa.

“Waxaan la kulmay dhinacyda oo dhan, waqti badan asbuuc kasta marka waxaan doonayey in uusan sharcigan dhiman ee uu meelmaro” ayuu yiri Cumar.

MULDA, oo ah ururka ay ku midaysan yihiin darewallada ka shaqaysta shirkadaha Uber iyo LIfta ee Minnesota ayaa sheegay inay waqti adag ka soo mareen meelmarinta sharciga.

“ Waxay ahayd labo sano oo howl badan iyo halgan dheer an soo marnay, waxaana ka shaqaynay in sharcigan uu guulaysto” ayuu yiri Ciid Yuusuf Cali.

“Dad yar ayaa u dagaalama guusha, balse waxaa tirsada qof kasta, tani waa guul ay gaareen dhammaan dadka reer Minnesota iyo guul ay heleen darawalada” ayey tiri Hodan Xasan oo ka mida aqalka hoose ee gobolka Minnesota, kaalina ka qaadatay meel marinta sharcigan.

Muxuu yahay sharcigu

sharciga la ansixiyey

Xigashada Sawirka, SIYAAD SAID SALAH

Sharcigan ayaa ah mid difaacaya xaquuqda darwallada ay Soomaalidu ka mid yihiin ee adeegsada Appka shirkadaha Uber iyo Lift, kaas oo dhowraya in darawalladu heleen xaquuqaha ay u baahan yihiin.

Sida uu BBCda u sheegay gudoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin qaar ka mida dawarada Minnesota ee MULDA, Ciid Cali, sharciga ayaa ka kooban dhowr qodob ay ugu muhinsan yihiin in dawarada loo kordhiyo khidmada ay ka helayaan dadka ay u adeegayaan, magdhow la siiyo darawallada ay waxyeellada gaarsiiyaan dadka raacaya baabuurta oo gaarsiisan hal milyan oo dollar iyo in shirkadaha aysan si iskooda u cayrin Karin darawallada.

SHARCIGA LOO ANSIXIYEY DARAWADA

Xigashada Sawirka, SIYAAD SAID SALAH

Qoraalka sawirka, Gudoomiyaha ururka darawalada MULDA, Ciid Yuusuf Ciid
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qodobadan ku xusan sharciga hadda ayaan hore u jirin sida uu xusay Ciid, kuwaas oo dhibaato xoog leh ku ahayd darawallada.

Sharciga ayaa diidmo kala kulmay maayarka magaalada Minneapolis iyo gudoomiyaha gobolka Minnesota.

“Waxaan gaynay sharciga aqalka Minneapolis, waxaa ansixiyey toddobo xildhibaan, balse maayarka ayaa saaray diidmada qayaxan,sidoo kale mar kale ayuu mayarku diidmada qayaxan saaray laakiin waan jabinay markii aan helnay sagaal xildhibaan oo awood u lahaa inay burriyaan. Waxaan markaa aan aadnay aqalka sare ee Minnesota halkaas oo gudoomiyuhu uu isna diidmada dul dhigay sharciga, laakiin nama quusin oo waan sii wadanay dadaalkeeda iyadoo doorashadii naga soo dhexgashay laakiin ugu danbayn guushii aan u dhabar adaygnay waa ku guulaysanay” ayuu yiri Ciid Cali.

Sidoo kale sharciga ayaa sida uu BBCda u sheegay Cali Yuusuf Ciid, waxa uu soo maray ansixinta labada aqal ee gobolka Minnesota iyo magaalada Minneapolis.

Gudoomiyaha gobolka Minnesota, Timothy James Walz, ayaa qalinka ku duugay heshiiska iyadoo ay goob joogeen darawaladii cabashada qabay labadii sano ee la soo dhaafay.

Isbeddelada Sharcigu u keenayo darawalada Soomaalidu ka mid tahay

sharciga la ansixiyey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Billowga bisha Disembar ee sanadkan ayuu sharcigu dhaqan gali doonaa gaar ahaan kororka khidmada ay helayaan darawallada kaas oo ah in 1.28 dollar helayaan darawalada halkii Mayl iyo 31 centa daqiiqadii taas oo u dhiganta in la kordhiyey boqolkiiba labaatan khidmada ay heli jireen darawalada.

Qaybaha kale ee sharciga oo uu ku jiro caymiska iyo qodobada kale ayaa dhaqan gali doona bilowga bisha Janaayo sanadka 2025ta.

Ciid Yuusuf Cali, ayaa BBCda u sheegay in hadda shirkadda kale oo ahayn labadii cabashada iyo sharcigaba laga sameeyey ay suuqa soo galeen kuwaas oo kordhinaya tartanka iyo fursadaha shaqadaha ee darawallada.

Waa kuma Cumar Faatax

SHARCIGA LA ASMEEYEY

Xigashada Sawirka, SIYAAD SAID SALAH

Cumar Faatax, wuxuu ku dhashay waddanka Mareykanka, halkaas ayuuna waxbarashadiisa ku qaatay. Ka dib Cumar wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo ardayda aan caddaanka ahayn kuwaas oo uu fursado waxbarasho u raadin jiray.

Faatax, markii dambe waxa uu golaha Minneapolis u noqday qofka u qaabilsan arrimaha bulshada, wuxuuna ka shaqeynayay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya bulshooyinka ka soo jeeda Bariga Afrika ee halkaas ku wada nool.

Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka Minnesota.

2018-kii, Faatax waxa uu u tartamay Aqalka Wakiillada ee gobolka Minnesota, ololihiisa oo kaliya kama uusan shaqeyn ee, wuxuu sidoo kale xoogga saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay dadka Koonfurta Minneapolis wajahayaan.

Cumar Maxamuud Axmed Faatax oo waalidiintiis ay Soomaaliya ka haajireen, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doortay inuu ka mid noqdo Senate-ka gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka.