Sida uu nin 'hooyadii ugu dilay' magaalada Wajeer ee gobolka Soomaalida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Wajeer ayaa waxaa ka dhacday dhacdo ay dad badan aad uga argagaxeen ka dib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay hooyadii, sida ay sheegeen boolisku.
Dhacdadan naxdinta leh oo ka dhacday mid ka mid ah xaafddaha magaalada Wajeer ayaa la sheegay in dilka hooyada uu wiilkani "u adeegsaday baangad".
Ninkan ayaa la sheegay markii uu dilka geystay in dadkii deegaanku qabteen oo booliska u yeedheen.
Waxaana ay boolisku warbaahinta u sheegeen in kolkii ay goobta yimaddeen ay “hooyadu” xilligaas ahayd mid dhimatayba.

Xigashada Sawirka, Wajeer
Sidee Dilku u dhacay?
Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii hubkii uu isticmaalay uu ahaa baangad, taas oo uu “qoorta kaga gooyey” sida ay boolisku kaga warrameen sida wax u dhaceen.
Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee uu falkani ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay in ninka falka gaystay uu goobta uu geystay ay ahayd guriga hooyadii.
Illaa hadda lama xaqiijin sababta uu dilka u geystay.
Guddoomiyaha xaafadda dilku ka dhacay se waxa uu BBC-da u sheegay in “dadku sheegeen in uu muran dhanka lacagta ah dhex maray hooyadii. Isaga oo ninka dilka geystay doonayey in uu tahriibo” ayuu Maxamed Xasan waraysi ku sheegay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ninkan ayaa hore sida oo kale la sheegay in uu xabisga ka soo baxay uun dhawaan.
Waxaana xabsiga uu ku jiray muddo ku dhawaad sannad ah.
"Waxa uu geystay dilal dhowr ah sannadihii la soo dhaafay, waxaana laga sii daayay xabsiga," ayuu warbaahinta gudaha u sheegay taliyaha booliiska.
“Soo bixitaankiisii hore dadkii dhaawacyada uu geystay ayaan sii daba gelin, sida oo kalena hooyada dhashay ayaa u ololaynaysy in la soo daayo” ayuu Guddoomiye Maxamed Xasan BBC-da u sheegay.
Booliiska ayaa dhanka kalena sheegay in uu imika ku jiro gacanta booliiska ninka falkan geystay.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay markii ay qabanayeen uu isaga laftiisu ku sigtay in goobta lagu dilo illaa boolisku ka soo gaadheen oo meeshii ka kaxeeyeen.
Dad aad u badan oo ka cadhaynaa falka uu ka kacay ayaana la sheegay in ay isugu soo baxeen goobtii wax ka dhaceen.
Maydka hooyada dhimatay ayaa la geeyey cisbitaalka Wajeer.
Dhacdooyinka noocan ah ayaa ah kuwo ku cusub deegaanka Waqooyi-bari Kenya.

Xigashada Sawirka, SNTV
Dhacdooyin la mid ah
Sanadkii ayaa magaalada Kismaayo ee dawlad goboleedka Jubbaland waxaa nin ku dilay hooyadiis, sida ay sheegeen maamulku.
Maxkamad ku taalla magaalada Kismaayo ayaa xukun toogasho ku riday ninkaas, inkasta oo qaar ka mid ah eheladiisu oo warbaahinta la hadlay sheegeen in uu dhimirka ka xanuunsanaa. Ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin kartay warkaas.
Maxkamadda Darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ayaa xukunka dilka ah ku fulisay ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaas oo ay sheegtay in dilka hooyadiis uu u adeegsaday toorey, kadib muran la sheegay inuu soo kala dhax galay isaga iyo hooyadiis.
Ninkaan ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee Kismaayo ay sheegtay inuu qirtay dilka uu u geystay hooyadiis, waxaana lagu dilay goob fagaare ah oo ay usoo daawasho tageen qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.













