Hooyooyin ku doodaya in hablahooda la gurusado halkii la afduuban lahaa

Xigashada Sawirka, .
Aroos wadareedka 100 gabdhood oo ka dhacayay gobolka waqooyi ee Nigeria ayaa la baajiyay xafladdii halkaa uga socotay qaar ka mid ah haweenkii arooska ahaa.
Goob si weyn loo soo agaasimay oo ku taal gobolka Niger ee dalka Nigeria ayaa madashani ka qabsoomaysay, waxaana ay ahayd madal loo diyaariyey in ay isku guursadaan boqol lamaane, kuwaas oo habka bandhiggoodu soo jiitay indhaha caalamka.
Aroos wadareedka noocan oo kale ah ayaa ku badan waqooyiga Nigeria. Balse kan hadda dhacayey ayaa kaga duwanaa in ay dul hoganaysay eedayn ah, in goobtaas lagu aroosayey hablo aan qaangaadhin.
Aroos wadareedkan ayaa la sheegay in uu kafaalo qaaday qarashka ku baxaya afhayeenka aqalka baarlamaanka dalka Niger Mohammed Abdulmalik Sarin-Daji.
Arrinta hablaha ku goobtaas ku aqalgelaya in aanay qaarkood qaangaadhin ayaa guud ahaan dalka ka dhalisay muran badan.

Xigashada Sawirka, .
Wasiirka haweenka, Uju Kennedy-Ohanye, ayaa ka mid ahayd madaxdii soo farageliyey xaalkaas, iyada oo la socodsiisay afhayeenka Baarlamaanka, sida oo kalena ballanqaadday in baadhitaan lagu samayn doono hablahaas, arooskiina sidaa lagu joojiyey.
Todobaadkan, wakiilka wasiirka ayaa booqday bulshada deegaanks. 100-ka hablood ee dhalinyarada ah ayaa lagu soo bandhigay qasriga madax dhaqameedka ee magaaladaas
Qaar ka mid ah bulshada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegay in haweenka ku jira liiska koowaad ay ku dhawaad tiro gaadhaysay 38 hablood aanay ahay kuwo qaangaadh ahaa.
Boqorka deegaankaas Daaji oo la hadlay weriyaha BBC-da ayaa isna dhankiisa Meesha ka saaray in ay liiska koowaad ku jiraan hablo aan qaangaadhin, markii danbe la soo beddelay.
“Ma jirto aroosad is beddeshay. "Ma yeeli doono tan," ayuu yidhi.
Waxa ay sheegeen in markii ay maqleen warka ah in arooskii la joojiyay in ay dareemeen xaal naxdin iyo u qaadan waa.
Asmau Shehu, oo ah hooyada mid ka mid ah hablihii arooska ahaa ayaa sheegtay “In gabadhayda ay u dhaanto in ay guursato halkii budhcaddu ay bilaash ku qaadan lahaayeen”
Hooyadan oo ka soo jeeda beesha Gulbin Boka ayaa sheegtay in gabadheeda ay da’deedu tahay 22 jir ayna diyaar u tahay inay guursato.
Dhibaatada amni ee ay geystaan budhcaddu iyo xarigga baahsan ee jira awgeed, ma haystaan fursad kale oo aan ahayn in ay guursadaan hablahoodu, sida ay qabaan waalidkani.

Xigashada Sawirka, .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaana ay u arkaan ”halkii budhcad madax furasho ku rabta, ama xoog ku guursadaa heli lahaayeen, in ay ka doorbidayaan in aroos wadareedyadaa ay qayb uga noqdaan”
Gobolkaas, hablo badan ayaa lagu qasbay inay guursadaancid aanay rabin. Fakhriga ayaanaa la xusaa in uu qayb guurka degdegga ee bilaa doorashada ah gobolkaaas.
“Inantayda waxaa laga bixiyeyey 80 Neera, oo lacagta Nayjeeriya, ma aannaan haysan wax kale, lacagtaa yar ayaana nolol ahayd”
Hooyooyinka Asmaa oo kale ah ayaa xaalka ay ku sugan yihiin ku badan yahay deegaanka. Qaar badan oo iyaga ka mid ah raggoodii ayay budhcaddu dileen, carruurtoodiina waa la afduubtay xilliyo kala duwan, halka qaarkood weli afduubkii lagu haysto.
Qoysaska badbaaday ma awoodaan inay carruurtooda wax baraan. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa sheegay in ay iibiyeen guryihii ay ku noolaayeen si ay u noolaadaan.
Afduubka iyo weerarada budhcadda ayaan ku cusbayn gobolka Niger, gaar ahaan bulshooyinka ka fog caasimadda.
Ilo-wareedyo bulsho ayaa BBC-da u sheegay in weerarrada arxan darada ah iyo xabsiyada ay dhacaan saddex ilaa shan jeer toddobaadkii.
Si kastaba ha ahaatee, tiradan ayaa hoos u dhacday labadii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka haweenka ayaa koox shaqaalaheeda oo iyada metalaya u dirtay gobolka Niger si ay u ogaadaan da'da haweenka la guursanayo iyo in ay soo baadhaan in ay raali ka yihiin guurka iyo in kale.













