Wararkii ugu danbeeyey ee qaraxyadii qalabka isgaarsiinta Lubanaan iyo Xisbullaah oo Israa’iil eedeysay

lubnaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sagaal ruux oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhimatay tiro ka badan 2,800 oo kale way ku dhaawac meen ka dibmarkii ay qarxeen hal mar wada qarxeen aladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, farriimahana is isugu gudbiyo qaybo badan oo ka mid dalka Lubnaan sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira safiirka Iiran u fadhiya dalka Lubnaan Mojtaba Amani.

Ururka Xisbullaah ayaa weerarka ku eedeeyey Israa’iil iyagoo sheegay inay ka aargoosan doonaan waxay ugu yeereen weerarkaas “mid dembi ah oo gardaro ah”.

Hezbollah, oo ay taageerto Iran, ayaa sheegtay in aaladahaas ay leeyihiin "shaqaalaha qaybaha iyo hay'adaha kala duwan ee Xisbullah" waxayna xaqiijiyeen dhimashada siddeed dagaalyahan.

Milateriga Israa’iil waa ay diideen inay faallo ka bixiyaan ama ka hadlaan waxa dhacay.

Saacado ka hor qaraxyada, golaha wasiirrada amniga ee Israa’iil ayaa sheegay in joojinayaan weerarrada Xisbullaah ee waqooyiga dalka si loogu ogolaado in si nabad ah ay dib ugu soo laabtaan dadka ka barakaray agaaasi.

Xamda Raage, waa ardayad Soomaaliyeed oo wax ka barata Jaamacad ku taalla dalka Lubnaan waxay BBC-da u sheegtay in saamayn ku yeelatay ardayda qaraxyada aalladaha la qarxiyey oo xiriirka uu dhanka intenerka iyo kan telefoonaduba adkaaday dalka Lubnaan.

“Asxaabteyda qaar ayaa ku maqnaa shir kale oo ka dhacay Hotel, marka waqti ayey ku qaadatay inay soo gaaraan jaamacada waayo wadooyinka waa la xiray, gaar ahaan kuwa halbowlah ah laba saacadood ayey ku xayirnaayeen hotelkii ay shirka ku galeen” ayey tiri.

Mushkilada ugu weyn ee hadda ka taagan dalka Lubnaan ayey Xamdi ku sheeegtay in isgaarsiinta dalkasi ay Khalkhal ku jirto oo an si fudud la isku heli karin.

“Internerka ayaan wanaagsanayn, xitaa computaradii ayey dadku ka baqayaan inay ku qarxaan, anigu waxaan ku jiraa qaybta ardayda ku jiraa oo an ka baqanayo inaan bannaanka tago, maadaama walxiii lagu wada xiriirayey oo dhan ay si fudud ku qarxi karaan.”ayey BBC-da u sheegtay Xamda.

lubnaan

Xigashada Sawirka, Xamda Raage

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay intaa ku dartay in meelaha ay xaaladdaahi saameeyey ay sheegtay in jaamacada ay dhigato ay ka mid tahay oo lagu wargeliyey qaybta internetka inay ka shaqeeyaan sidii loo hubin lahaa amniga qaybaha computrada ee jaamacada.

Ilo ku dhow kooxda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka la dilay ay ka mid yihiin wiil uu dhalay xildhibaanka laga soo doorto Xizbullah Cali Cammaar iyo gabar 10 jir ah oo uu dhalay xubin ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa Bekaa.

Ra'iisul wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa'iil qaraxyada, isagoo sheegay in ay u taagan yihiin "xadgudub ba'an oo madaxbannaanida Lubnaan iyo dembi marka loo eego heerarka oo dhan".

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in uu u sheegay dhiggiisa Lubnaan in uu "si adag u cambaareynayaan Israa'iil".

Maraykanka, oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israa'iil, ayaa beeniyay inay wax lug ah ku leeyihiin, waxayna ku booriyeen Iiraan inaysan sii kordhin xiisadda.

Falcelinta caalamka

Isku duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Lubnaan, Jeanine Hennis-Plasschaert, ayaa cambaaraysay weerarka oo ay ku tilmaantay " ayaa weerarka ku tilmamay mid "aad u walaac leh."

Maraykanku wuxuu beeniyay in uu ka qaybqaatay dhacdadan wuxuuna Iiraan ku boorinayaa in aysan uga sii kordhin xiisadaha.

Muxuu yahay qalabkan?

Lubnaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qalabkan ayaa ah aalaad loo adeegsado xirirka oo ah mid lagu xirto sinta oo ay isticmaalkiisa bilaamay sagaashamaadkii, waxaana inta ugu badan adeegsada dhaqaatiirta iyo howlwadeena caafimaadka.

Aaladdan la yiraahdo pagers-ka ayaa ah qalab is gaarsiineed oo lagu wada xariiro, farriimahana la isugu gudbiyo.

Inta badan waxa aaladan lagu beegsaday askar iyo shaqaale ka tirsan Xisbullah oo adeegsanyey qalabkan intii xaaladan dagaaladu ay jirtay iyagoo iska daayey inay adeegsadaan moobelada gacanta lagu qaato sida uu BBC-da u sheegay Cabdirixmaan Aadan Xadaana oo ka faalooda Bariga dhexe iyo dunida carabta.

Qalabka pagers- waxaa soo saarta shirkad laga leeyahay daka Taiwan.

Ilo sare oo amniga Lubnaan ah ayaa sheegay in kooxda ay dalbatay 5,000 beeper oo ka socota Gold Apollo, taas oo ilo badan ay sheegeen in sanadkan la keenay dalka.

Aasaasaha Gold Apollo, Hsu Ching-Kuang, ayaa sheegay in pagers-yada loo adeegsaday qaraxa ay sameysay shirkad ku taalla Yurub oo lahayd xuquuqda in ay isticmaasho summada shirkadda.