Maxay yihiin tallaabooyiinka ugu horeeya ee uu qaadi doono Trump maalinta ugu horreysa ee Aqalka Cad uu tago?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa gacanta ku haya Congress-ka Maraykanka. Kooxdiisa ol’olaha ayaa sheegay in ay filayaan awaamiir taxane ah oo ka yimaada madaxweynaha Mareykanka toddobaadka ugu horreeya.
Khubarada siyaasadda iyo qareennada ayaa durba diyaarinaya awaamiirta noocaan ah oo qayb ka ah isbeddelka maamulka.
Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyo gudoomiyaasha gobolada ay Dimuqraadiyadu maamusho ayaa wacad ku maray inay ka soo horjeedaan amarada qaar.
Socdaalka iyo xuduudka
Xoghayaha warfaafinta ee Trump Karoline Leavitt ayaa u sheegtay Fox News Axadii "Waan ognahay inuu ballanqaaday inuu saxiixo amaro lagu sugayo xuduudaha koonfureed."
"Waan ognahay inuu bilaabayo hawlgalkii ugu waynaa ee socdaalka taariikhda Maraykanka," ayuu yiri.
Toddobaad gudihiis markii dib loo doortay, Trump waxa uu bilaabay buuxinta jagooyinka hoggaaminta ee kormeeri doona socdaalka, waxana uu isku diyaarinayaa in uu wakhti hore wax ka qabto qorshihiisa ku aaddan siyaasadda xuduudaha.
Waxa uu u magacaabay sarkaal hore oo socdaalka Tom Homan si uu u kormeero xuduudka, waxa uu u xushay Barasaabka South Dakota Kristi Noem si uu u ilaaliyo ammaanka dalka, waxana uu u magacaabay Steven Miller ku xigeenka madaxa fulinta ee Aqalka Cad ee siyaasadda.
Mr Miller waxa uu caan ku ahaa abuurista siyaasadaha xaddidan ee socdaalka ee mudda xileedkii Trump .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Siyaasad kasta oo ku saabsan in dad badan hal mar la tarxiilo waxay la kulmi kartaa caqabado nidaamsan iyo caqabado sharci oo taxane ah oo ka imaanaya muhaajiriinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Trump ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu dib u dhaqangeliyo siyaasadiisa "Remain in Mexico" taasoo u baahan in magangalyo-doonka ay ku sugnaadan Mexico inta laga baaraandegayo codsiyadooda.
Madaxweyne Joe Biden ayaa barnaamijkan ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadantinimada, waxaana uu isku dayay in uu tirtiro maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska yimid, balse waxa uu la kulmay caqabado dhanka sharciga ah. 2022, Maxkamadda Sare waxay u ogolaatay inuu meehs ka saaro sharcigan.
Xilligii maamulkii Trump, ku dhawaad 70,000 oo magangalyo doon ah ayaa dib loogu celiyay Mexico si ay u sugaan kiisaskooda.
Ballanqaad kale ayaa ah in la joojiyo xuquuqda dhalashada - sharci oo soo jiray 150 sano, ayaa sheegaya in qof kasta oo ku dhashay dhulka Mareykanka uu yahay muwaadin Mareykan ah.
Ma cadda sida uu Trump u qorsheynayo in uu dhaqangeliyo siyaasaddan. Dhalashada waa xuquuq cad oo ku jirta dastuurka Mareykanka, taasoo la macno ah in la bedeli karo oo keliya sababo gaar ah.
Waxa uu u baahan lahaa in gobolladu ku heshiiyaan ama saddex-meelood laba meel u codeeyaan Congress-ka - kaas oo kala qaybsan, si loo gudbiyo isbeddellada, ka dibna ay ansixiyaan saddex-meelood meel oo ka mid ah sharci-dejinta gobolka - kuwaas oo Jamhuuriyiinta ay gacanta ku hayaan in ka badan kala bar.
Janaayo 6

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump kuma uusan xusin cafis khudbadiisa guusha, balse waxa uu muddo dheer doonayay inuu cafiyo kuwa lagu helay inay weerareen Capitol 2021.
"Gabi ahaanba, waan cafin doonaa, haddii aysan dambi lahayn, waan cafin doonaa," Trump ayaa yiri intii lagu jiray kulan uu la yeeshay Ururka Qaranka ee Saxafiyiinta Madowga ah.
Madaxweynayaasha Mareykanka ayaa leh awood ballaaran oo ay ku cafiyaan dadka lagu helo dambiyada federaalka ama ay ku dhameeyaan muddada xabsiga.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale go'aansan karaan inay joojiyaan dacwadaha la sugayo - iyadoo ku xiran hadba cidda uu madaxweynuhu doonayo inuu cafiyo. Midda aan caddayn ayaa ah cidda cafiska heli doonta.
Trump ayaa u sheegay CNN: "Waan cafin doonaa intooda badan, mid walba ma dhihi karo, sababtoo ah qaarkood, waxaa laga yaabaa inay ka gudbeen xadka."
Ms. Leavitt ayaa u sheegtay wargeyska Washington Post in ay go'aan ka gaari doonto "xaalkaasi marka ay ku soo noqoto Aqalka Cad."
In ka badan 1,500 oo qof ayaa loo xiray rabshadihii ka dhacay Capitol. In ka badan 750 ka mid ah ayaa lagu helay dambiyo isugu jira xad-gudub iyo weerarro ay ku qaadeen askarta booliiska .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jack Smith
Trump ayaa sidoo kale wajahaya caqabado dhanka sharciga ah kadib doorashada 2020 iyo dacwad ku saabsan dukumentiyada sirta ah.
La-taliyaha gaarka ah Jack Smith, waa dacwad-ooge hore oo ay u magacawday Waaxda Caddaaladda Mareykanka, si uu u kormeero baaritaanka ka dhanka ah Trump. Balse madaxweynaha la doortay ayaa dafiray dhammaan kiisaska.
Trump ayaa sheegay in xil ka qaadista Jack Smith ay noqon doonto mid ka mid ah waxyaabaha uu mudnaanta siinayo.
"Waxaan ku eryi doonaa laba ilbiriqsi gudahood, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aan wax ka qabta," ayuu ku yiri wareysiga October.
Kiisku waxa uu horeba u soo food saaray mustaqbal aan la hubin. Maxkamadda Sare waxay xukuntay bishii July in madaxweynayaashu ay leeyihiin xoogaa xasaanad ah in lagu soo oogo dambiyada falalkooda intii ay xilka hayeen, taasina waxay wiiqday kiis Smith.
Guusha Trump ee doorashada ayaa sidoo kale siinaysa awood uu isaga cafiyo dambi kasta oo federaal ah, inkastoo uusan jirin madaxweyne sidaas sameeyay.
Waxaa la sheegay in waaxda cadaaladda ay Smith kala hadasho soo afjarida kiisaska. Ma cadda in Trump laga yaabo inuu aado ilaa heer uu ciqaabo Smith.
Trump ayaa marar badan ku dhaleeceeyay qareenka wareysiyo uu bixiyay, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ", "nacas" iyo aflagaado kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heshiiskii Paris
Ololihiisii 2016, Trump waxa uu ballan qaaday in uu ka baxayo heshiiskii cimilada ee Paris. Lix bilood gudaheed markii uu xafiiska la wareegay, Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskii taariikhiga ahaa.
Madaxweyne Joe Biden ayaa dib ugu biiray oo heshiiska ka dhigay mid ka mid ah siyaasadaha muhiimka ah markii uu uu ka adkaaday Trump 2020. Biden waxa uu saxiixay warqad uu ugu baaqayo Mareykanka inuu ku soo laabto heshiiska maalintiisii ugu horeysay ee xafiiska.
Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in kooxda Trump ay diyaarinayaan awaamiir ay kaga baxayaan marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo.
Ka bixidda heshiiska waxay la macno tahay in Maraykanku aanu hadda hadaf u ahayn inuu dhimo qiiqa hawada lagu sii daayo.
Waxaa ka mid ah mudnaanta Trump ee ka soo horjeeda heshiiskii Paris, oo doonaya inuu soo saaro Shidaal iyo gaas.
"Waan qodaynaa, waanu qodaynaa, waanu qodi doonaa," ayuu u sheegay Fox News sannadkii hore.

Ruushka iyo Ukraine
Dhanka ololaha, Trump wuxuu sheegay in uu "hal maalin gudaheed ku soo afjari karo dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine." Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay taageerada dowladda Mareykanka ee Ukraine, isagoo sheegay in dagaalku ay ku baxayso lacago badan.
Weli ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa uu sameyn doono si dagaalka loo soo afjaro - marka laga reebo in uu sheegay in uu gacan ka geysan doono sidii ay heshiis u gaari lahaayeen labada dal.
Tan iyo markii dib loo doortay, Trump wuxuu la hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wicitaan taleefoon ah oo socday "qiyaastii nus saac," iyadoo bilyaneer Elon Musk uu sidoo kale ka qaybgalay. Ilo xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay "ma ahayn wada hadal ku saabsan waxyaabo muhiim ah."
Kremlin-ka ayaa beenisay in Trump uu wadahadal la yeeshay Vladimir Putin, inkastoo ay warbaahintu sheegtay in Trump uu uga digay madaxweynaha Ruushka inuu sii huriyo dagaalka Ukraine.
Dhaqaalaha
ayaa ah arrin uu Trump si weyn ugu ololeeyay, isagoo wacad ku maray in uu soo afjari doono sicir bararka isla marka uu xilka qabto.
"Waxaan wax ka qaban doonaa wax walba laga bilaabo awoodda baabuurta ilaa la awoodi karo guriyeynta, kharashka caymiska iyo bixinta arrimaha qarashadka kale," ayuu yiri Trump.
"Waxaan golaha wasiirada u sheegi doonaa in aan filayo natiijooyin wax ku ool ah 100-ka maalmood ee ugu horreeya, ama ka hor."
Waxa uu sheegay in uu saxiixi doono amar fulineed oo faraya wasiir kasta oo golaha wasiirada ah iyo madaxa hay’adaha in ay “isticmalaan awoodaha ay leeyihiin” si meesha looga saaro sicir bararka iyo qiimo dhimista quutul-daruuriga.
Qorshaha Trump ayaa waxaa ka mid ah in canshuuro lagu soo rogo badeecadaha dibadda laga keeno, gaar ahaan kuwa ka yimaada Shiinaha, isagoo sheegay in canshuurahaas ay awood u siin doonaan wax soo saarka dalka Mareykanka.
Ma cadda ilaa iyo hadda inta uu le’eg yahay canshuurta uu ku soo rogi doono, balse waxa la filayaa in 10% laga qaado badeecadaha la soo dejiyo, iyo 60% qiimaha badeecadaha laga keeno Shiinaha.
Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu Mexico ku beegsan doono canshuuro.
Cashuurtani uma baahna ansixinta kongareeska Qaybta 232 ee Xeerka Balaarinta Ganacsiga ee 1962, ayaa siinaya madaxweynaha awoodda uu ku soo rogo canshuuro badeecadaha saamaynaya amniga qaranka ee Maraykanka.
Waxa loo yaqaano Title X
Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu ka noqon doono isbedelada Madaxweyne Biden ee Title X, barnaamijka qorsheynta qoyska ee kaliya ee qaranku bixiyo.
Isbeddelku wuxuu malaayiin doollar ka xayuubiyay hay'adaha sida Planned Parenthood oo bixiya adeegyada ama u gudbiya bukaannada ilmo iska soo rididda.
Laakiin dhowr bilood ka dib, markii Biden uu xafiiska la wareegay, wuu beddelay siyaasaddaas. Hadda, waxaa la filayaa in Trump uu mar kale beddelo sharciga.













