Doorashada Somaliland: 'Xalay ayaan imid goobta cod bixinta anigoo xanuunsan, qof ayaan ku iri booska isii hay'

Codbixiyayaal

Dadka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codeynta Doorasho isku -sidkan.

Madaxtooyada waxaa ku tartamaya madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi oo markii labaad doonaya inuu xilka qabto kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ah musharrax Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna xisbigiisa Ucid uu yahay mucaarad.

Saddexdaas xisbi ee u cararaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale ayaa iyaguna ku tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonaya in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada si ay sal ugu noqdaan jaangooynta arrimaha Somaliland.

Dadka ayaa xilli hore sii tagay goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana qaar ka mid ah oo BBC-da la hadlay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaana muddo ay sugayeen in doorashadaan ay dhacdo.

Codbixiyayaal

"Aniga oo Xanuunsan ayaan codeynayaa"

Doorashadan ayaa waxaa saaka u soo baxay dad kala duwan oo qaarkod ay da'a yihiin, qaar ay tahay markii ugu horeysay codenta iyo qaab baahiyaha gaarka qaba.

"Waan yaraha xanuusanayaa marka alxamdulalah tartankaa ayaan ka qeyb galayaa codkeyda ayaan dhiibanayaa kii alle u qorana waan u dhiibayaa " ayay tiri haweeneey ay BBC du kula kulantay magaalada Boorame.

Waxay haweeneydan xustay in xalay saqdii dhexe ay timid goobta codeynta, balse ay dib u noqotay maadaama ay xanuunsanaysay islamarkana ay gabadh yar ugu sii jirtay safka oo ay u sii haysay.

"Xalay labadii ayaan imid ayaa inan yar ii fariisatay saaka anigana shantii ayaan imid," ayay tiri

Waxaa ay intaa ku dartay inay aad ugu hamuum qabtay oo ay sugi la'ayd maalinta codka la dhiibanayo.

"Tii oo labo cisho ka hadhay ayaan kurbadeeda iyo werwerkeeda iyo xamaan uruursigeeda aan habeenkii kacayay marka xil baa na saaran," yayya tiri.

Doorashada somaliland

Qoys dhan oo wada codeynaya

Doorashadan ayaa Somaaliland ee maanta la codeynayo ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore islamarkana waxaa muuqata in dadka qaar ay aad u xiisaynayaan inay codddkooda dhiibtaan.

waxaa jira qoysas dhammaantood wada codeynaya oo aysan cidiba saaka guriga ku harin.

Amaal Cabadi Askar oo ka mid ah dadkii saaka codadkooda ka dhiibtay magaalada Hargeysa ayaa BBC u sheegtay in qoyskeeda dhammaan ay codkooda dhiibanayaa oo aysan cidi ku harin guriga.

"Aad iyo aad ayaan maanta u faraxsanahay maadaama uu dalkeygu galayo doorasho qurux badan, saddexdaa nin hadba ka soo baxa waa keyagi," ayay u sheegtay BBC da.

Waxaa ay sheegtay in xitaa gabadha ugu yar caruurteeda oo 17 jir ah ay codkeeda dhiibanayso.

"Aniga caruurteyda waa dad waawayn waqtigan la joogo inanta 17 jir ah ayaa ugu yar way wada codeynayaan dhammaantood, qofba meel ayuu ka codeynayaan" ayay tiri Amaal.

waxaa ka mid ah ddaka codeynaya kuwa baahiyaha gaarka qaba

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo doorashada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka codkooda dhiibanaya maanta waxaa ka mid ah qaar qaba baahiyaha gaarka ah.

Kahor doorashada ayaa waxaa ururka naafada ay la kulmeen guddiga doorashada oo ay kala hadleen sidii howsha loogu fududeyn lahaa.

Guddoomiyaha urrurka naafada Somaliland Daahir Jaamac Diiriye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dadka baahiyaha gaarka qaba ay imika soo fahmayaan gudashada xuquuqdooda sida xaqa codeynta.

"Waxaad mooddaa dadka naafada ee guud ahaan somaliland ku nool doorashaba midba tan ka dambeysa ay wax badan fahmayaan, waxaa kale oo qof waliba ogaanayaa si xuquuqdiisa asaasiga ah u helo uu kor u qaado inu noqdo qof codeeya" ayuu yiri Daahir.

Waxaa uu intaa ku daray in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u baahan yihiin caawinaad badan loona baahan yahay in gacan la siiyo gaar ahaan qoyskooda.

"Waa in qofka uu la nool yahay qofka naafada ah inuu garab galo oo uu caawiyo oo qofka uu la nool yahay uu soo gaarsiiyo goob codbixinta," ayuu intaa ku daray

Natiijada doorashada

Shaqaalaha dorashada

Sida qorshuhu yahay lixda maqribnimo eemaanta ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan goobaha codbixinta. Wixii intaa ka dambeeya waxaa bilaabanaya oo laguda galayaa tirinta codadka sida guddiga doorashadu uu sheegay.

Sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay waxay ku soo baxaysaa laba maalin gudahood.

Marka natiijada degmado ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xaruunta dhexe ee guddiga.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Balse muddaaas toddobada cisho ah, hadba halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta sida uu guddigu sheegay. Waqtigaan oo ah mid sharci ah oo u yaalla gudi kasta oo howshaan qabta ayaa ah mid dadkuna ka war qabaan, iyadoo aad maalmahaas isha loogu hayo warbaahinta iyo meelaha kale ee lagala socdo doorashooyinka.

Murashaxiinta madaxweynimo ee tartamaya oo hadlay ayaa muujiyay in ay aqbalayaan marka ay soo baxdo natiijada doorashada