Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo markii ugu horeysay si kulul uga hadlay dagaalka Qasa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa cambaareeyey ficillada Israa'iil ee Qasa oo uu ku tilmaamay “xasuuq” waana mid ka mid ah dhaleeceyntii ugu adkeyd ee uu si toos ah ugu jeediyo tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedka dalalka Muslimiinta iyo Carabta ayuu amiirku sidoo kale dhaleeceeyay weerarrada Israa’iil ee Lubnaan iyo Iiraan.
Bin Salmaan oo muujinayay calaamado ah in uu hagaajinayo xiriirka ka dhexeeya Riyadh iyo Tehran, ayaa uga digay Israa'iil inay weerarto dhulka Iiraan.
Maxamed Bin Salmaan oo lo arko inuu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga ayaa waxaa ku biiray madax kale oo goob-joog ka ahaa baaqa ay dalalka Islamka soo jeediyeen ee in Israa'iil guud ahaan ay ka baxdo Daanta Galbeed iyo Qasa.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay inay tahay “fashil beesha caalamka” in dagaalka Qaza aan la joojin, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay macaluul la bartilmaameedsanayso Falastiiniyinta.
Amiir Faysal Bin Farhan Al-Sacuud wuxuu yiri: "Meesha beesha caalamku ugu horrayn ku fashilantay waa soo afjarida colaadda iyo soo afjaridda gardarrada Israa'iil."
Dagaalka Qasa waxa uu ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo boqollaal rag hubaysan ah ay galeen koonfurta Israa’iil. Ilaa 1,200 oo qof ayaa la dilay, 251 kalena waa la qafaashay.
Israa’iil ayaa ka aargoosatay iyadoo billowday olole millatari oo lagu burburinayo Xamaas, kaasoo in ka badan 43,400 oo qof lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixin uu soo saaray xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 70% dadka ku dhintay Qaza la xaqiijiyay inay ahaayeen haween iyo caruur.
Hogaamiyeyaasha shirka ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen "weerarada joogtada ah" ee Israel ee ka dhanka ah shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee Gaza.
Bishii la soo dhaafay, aqalka baarlamaanka Israa'iil ee Knesset ayaa meel mariyay sharci looga mamnuucayo hay'adda Unrwa, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, inay ka shaqeyso Israa’iil , iyadoo ku eedeeysay ururka Xamaas inay gacan saar la leedahay.
Dhowr waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa walaac xooggan ka muujiyay tallaabada lagu xaddidayo awoodda hay'adda gargaarka gaarsiisa Gaza.
Kulanka dalalka Islaamka oo ay dalla badan ka soo qeyb galeen ayaa ku soo beegmaya xilli uu Aqalka Cad ku soo laabtay Donald Trump.
Hogaamiyayaasha khaliijka waa ay ogyihiin in uu Trump u dhaw yahay Israa’iil, balse waxa ay sidoo kale la leeyihiin xiriir wanaagsan, waxana ay doonayaan in uu saamayntiisa uu u adeegsado in colaadda la soo afjaro.
Sacuudi Carabiya, Trump waxaa loo arkaa mid si aad ah uga wanaagsan Joe Biden, laakiin rikoorkiisa bariga dhexe waa mid isku dhafan.
Waxa uu ka farxiyay Israa’iil kana caraysiiyay dunida Muslimka kadib markii uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil iyo sidoo kale qabsashada buuraha Golan ee la haysto. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay heshiiskii Abraham 2020 kaas oo dalalka Imaaraadka, Baxrayn iyo Marooko oo xiriir diblumaasiyadeed oo buuxa la samaystay Israa’iil , halka Sudan ay u qorsheysnayd inay heshiis la galaan Israa'iil.
Mid ka mid ah tafatirayaasha wargeys ka soo baxa Sacuudiga maanta ayaa cinwaan looga dhigay: “Waa cusub oo rajo ah. Soo laabashada Trump iyo ballanqaadka xasilloonida."













