'Sagaal ilig ayaa iga dhacday intaan filinka duubayay' - Agaasimihii taxanaha Squid Game

Xigashada Sawirka, Netflix
Markii aan waydiiayay a gaasimaha musasalka Kuuriyaanka ah ee Squid Game war ku saabsan in uu aad u jahwareeray intii filinka la duubayay uuna lumiyay ilaa lix ilig, si dhaqsi ah ayuu ii saxay. “Sideed ilaa sagaal ayaa iga dhacday,” ayuu yiri isaga oo qoslaya.
Hwang Dong-hyuk ayaa ila hadlayay xilli uu joogay meel uu ku duubayay qaybta labaad ee musasalkiisa xiisaha badan ee laga sii daayo Netflix, kaas oo ay ku jiraan boqolaal tartame oo qaameysan kuwaas oo u dagaalamaya in ay qiimo lacageed ku guuleystaan kadib marka ay ka qayb qaataan ciyaar caruureed nolo iyo geeri ah.
Balse in uu sameeyo qayb labaad ma ahayn wax qorshahaba ku jiray. Mar waxaaba jirtay uu ku dhaartay in uusan mardambe sameyn doonin. .
Iyada oo la fiirinayo jahwareerka ay ku riday ayaa waydiiyay waxa maskaxdiisa iska badalay.
“Lacag” ayuu ku jawaabay, isaga oo aan ka labalabayn.
“In kasta oo qaybtii koobaad ay adduunka oo dhan caan ka noqotay, lacag sidaas u badan kama samayn hadaan kuu daacad waramo,” ayuu igu yiri. “Marka samaynta midkaan labaad magdhaw ayay ii noqoneysaa.”
“Walina sheekada sidaas ku dhamaan meyso,” ayuu raaciyay.
Taxanihiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa bandhigga ugu guulaha badnaa ee Netflix ilaa maanta, isagoo ilayska ku shiday Kuuriyada Koonfureed iyo madadaaladeeda laga sii daayo telefishinka. Sida uu wax uga tilmaamay sinnaan la'aanta hantida waxay taabatay dareenka daawadayaasha adduunka oo dhan.
Laakin maadaama uu dilay inta badan shaqsiyadihii filinka lagu jilayay, Hwang waxa uu ku qasbanaaday in uu eber ka soo bilaabo, lana yimaado jilaayaal cusub iyo ciyaaro cusub. Daawadayaasha ayaa aad ugu hanwayn qaybta labaad ee musasalka.
“Jahwareerka aan hadda dareemaayo ayaa aad u sii wayn,” ayuu yiri.
Saddex sano ka dib markii taxanihii ugu horreeyay la sii daayay, Hwang aad ayaa aad uga niyad jabsan xaaladda adduunka.
Waxa uu ka hadlay dagaallada hadda socda, isbeddelka cimilada iyo hanti yaraanta baahsan ee adduunka ka jirta.
“Xuduudo cusub ayaa la kala xariiqday. Waxaan ku jirnaa xilligii inaga iyo iyaga. Yaa saxan yaase qaldan?”

Xigashada Sawirka, Netflix
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii aan booqday goobta bandhigga oo madadaalo ka socoto, iyadoo jaranjarooyinka midabada leh ay ka mid yihiin astaamaha gaarka ah, waxaan helay qaar ka mid ah tilmaamihii muujinayay sida niyad-jabka ee howshu u muuqan doonto.
Taxanahaan, guuleystihii hore, Gi-hun, ayaa mar kale ku soo laabanaya ciyaarta isagoo raadinaya inuu burburiyo oo badbaadiyo tartamayaasha cusub ee wareegga ugu dambeeya.
Sida uu sheegay Lee Jung-jae, oo ah shaqsiga hoggaaminaya ciyaarta, wuxuu u muuqdaa "mid ka niyad-jabsan oo go'aan adag leh" marka la barbardhigo markii hore.
Sagxadda tartamayaashu ku seexdaan habeenkii, ayaa loo kala qaybiyay laba qeybood.
Qaybta midig ee sagxadda waxaa lagu calaamadeeyay astaanta X casaan oo weyn ah, halka qaybta kale lagu calaamadeeyay wareeg buluug ah.
Hadda, ka dib ciyaar kasta, ciyaartoydu waa inay doortaan dhinac, iyadoo ku xiran haddii ay rabaan inay tartanka soo afjarayaan si ay u badbaadaan, ama haddii ay doonayaan inay sii ciyaaraan, iyagoo og inay dhamaan doonaan, marka laga reebo hal qof. Go'aanka ugu badan ee la isku raaco ayaa la dooran doonaa.
Arrintaan sida loo sheegay, waxay keeni doontaa kooxaysi iyo dagaallo badan
Arrintaan waxay qayb ka tahay qorshaha agaasimaha Hwang ee ah in la muujiyo khataraha nolosha dunida ee sii kordhaya.
Wuxuu aaminsan yahay in dadka lagu qasbo inay doortaan dhinac, taasoo kicinaysa khilaaf.

Xigashada Sawirka, Netflix
Dhammaan kuwa ka helay filinka ee Squid Game, marka lag ayimaado waxa waxaa jiray kuwo kale oo u arkay inuu yahay xad-dhaaf ah oo rabshad wata, isla markaana ay adagtahay in la daawado.
Laakiin waxaa cad marka aad la hadasho Hwang, in waxyaabaha rabshadda ah si buuxda loo qorsheeyay. Wuxuu u muuqdaa nin si qoto dheer uga fikiraya oo ka walwalsan dunida.
"Markii aan sameynayay taxanahan, waxaan si joogto ah isku is weydiiyay ‘Ma haystaa awoood aadanuhu ku toosiyo?, runahaantii, ma garanayo," ayuu yiri.
In kasta oo daawadayaasha taxanaha labaad laga yaabo inaanay helin jawaabaha su'aalaha waaweyn ee nolosha, ugu yaraan way ku raaxaysan doonaan in qaar ka mid ah godadka sheekada la buuxin doono – sida sababta ciyaartu ugu jirto, iyo waxa dhiirrigelinaya qofka mas'ul ka ah.
" Dadku waxay arki doonaan waxyaabo badan oo ku saabsan taariikhda Front Man-ka, sheekadiisa iyo dareenkiisa," ayuu yiri jilaha Lee Byung-hun, oo door ka qaadanaya taxanahaan.
"Ma u maleynayo in tani ay daawadayaasha ka dhigi doonto kuwo uu jecel yahay, laakiin waxay u suurta gelin kartaa inay si fiican u fahmaan doorashadiisa.“
Lee, oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan Koonfur Korea, ayaa qirayaa in wejigiisa iyo indhihiisa oo la qarinayo, iyo codkiisa oo la isku leexinayo inta lagu guda jiray taxanaha koowaad, ay ahayd "wax yar oo aan ku qanacsaneyn."
Hwang wuxuu isku dayay 10 sano inuu Squid Game sameeyo, isagoo qaadanayay deymo waaweyn si uu u taageero qoyskiisa, ka hor inta aysan Netflix soo gelin.
Waxay siiyeen lacag hore oo yar, taasoo ka dhigtay inuusan ka faa’iideysan karin lacagta badan ee lagu qiyaasay 650 malyan ee ka soo xaroonaysa.













