Maxay tahay sababta loo soo jeediyay in galmada laga gaajeeyo cayayaanka lab?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmibaarayaal ayaa waxay sheegeen in cayayaanka qaar ee gudbiya xanuuno ay ka mid yihiin Dengue, TB iyo Zika la daban goyn Karo, gaar ahaan kaneecada nuuceeda lab.
Cayayaanada ayaa inta badan isu galmooda daqiiqada kooban xilliga ay heehaabayaan.
Cayayaanada kuwooda lab ayaa doorta lamaanahooda kadib marka ay sharqantooda dhagaystaan, taas oo ah sababta ay cilmibaarayaashu u soo jeediyeen in kuwa lab la qiyaamayn karo oo laga hakin karo in ay u tagaan kuwa dhaddig, sidaas daaraadeedna ay hoos u dhacayso tarankoodu.
Cilmi-baarayaashu aad uma hubaan in cayayaanku yaqaano hab aan ahayn kan maqalka oo ay ku helaan lammaanahooda; Si kastaba ha ahaatee, waxay cayayaan badan oo lab ah bals eaan waxba maqlin ay meel qafis ah kula direen cayayaan kale oo dhedding ah, laakiin aysan wax xiriir galmo ah ma aysan la sameyn kuwii lab ka ahaa kuwa dheddig.
Cayayaanka dheddig ayaa gudbiya cudurrada sida dengue iyo Zika.
Haddaba cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in cudurkan lagu joojin karo in kuwa dheddig laga ilaaliyo inay cayayaan kale sii dhalaan.
Cilmi-baarayaasha ka socda Jaamacadda California ayaa daraasaddaan ku sameeyay cayayaanka lagu magacaabo Ades aegypti.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Noocyadan cayayaankaas ah ayaa la sheegay inay u gudbiyaan cudurrada ilaa 400 oo milyan oo qof sannad kasta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cilmi-baarayaashu waxay awoodeen in ay ku dhuftaan cayayaanka iyaga oo ka duulaya borotiinka loo yaqaan TRVA, kaas oo ka caawiya inay maqlaan.
Markii ay cilmi-baarayaashu qafiskii ka soo saareen cayayaankii lab ee aan waxba maqli Karin oo ay soo galiyeen meesha kuwa wax maqli kara oo lab ah iyana, waxay u cadaatay in ay yeelanayeen xiriir galmo si waliba joogto ah.
Cilmi-baarista ay sameeyen oo ah mid lagu soo daabacay joornaalka PNAS ayaa waxay ku sheegeen in taran ka dilista cayayaanka lab ay tahay wadada ugu hagaagsan ee xanuunadaas looga cirib tiri karo adduunka.
Dhaqtar Georg Alber oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Oldeburg oo ku taalla Jarmalka, oo horayna u sameeyay cilmi baaris aad u baaxad wayn oo ku saabsan taranka cayayaanada, ayaa waxa uu sheegay in maqalku uu yahay mid aad muhiim ugu ah cayayaanada si ay u badbaadaan balse loo baahan yahay cilmi baarista in si fiican looga fiirsado, lana sii wado.
Dhaqtar Georg Albert ayaa waxa uu sheegqay in cayayaanadu ay kaalin muhiim ah ugu jiraan xayawaanada ka kale oo ay cunto u yihiin, sida shimbiraha, kabaliga, rah aiyo kuwa kalaba, waxa uuna cabsi ka muujiyay hadii la dabar gooyo in ay saameyn ku yeelan karto xayawaanada iyo dhirtaba.













