Equatorial Guinea: Muuqaalladii laga soo dusiyay ninka lagu naaneyso "Quruxlowga" waxay noqon karaan ujeeddo siyaasadeed

Baltasar

Xigashada Sawirka, Baltasar Ebang Engonga / Facebook

Waxa ay dunida inteeda kale u aragto fadeexad muuqaallo galmo ayaa xaqiiqdii noqon kara xalqaddii ugu dambeysay ee ruwaayadda dhabta ah ee ku saabsan cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Equatorial Guinea.

Maalmihii lasoo dhaafay, dhowr muuqaal - oo lagu qiyaasay 150 ilaa in ka badan 400 - ayaa laga soo dusiyay nin shaqaalaha dowladda ka tirsanaa oo xafiiskiisa iyo meelo kale galmo kula sameynaya haween kala duwan.

Waxaa lagu soo harqiyay baraha bulshada, kuwaasoo dhabanna-hays ku noqday dadka ku nool dalkan yar ee bartamaha Afrika ku yaalla iyo dunida inteeda kaleba.

Qaar badan oo ka mid ah haweenka muuqaalka laga duubay waxay ahaayeen xaasaska iyo qaraabada dad u dhow kuwa xukunka heysta.

Waxay u muuqataa in qaarkood ay ogaayeen in laga duubayo iyagoo galmo la samenaya Baltasar Ebang Mr Engonga, oo sidoo kale loo yaqaanno “Bello” sababo la xiriira muuqaalkiisa qurxan.

Balse fekrad ayaa oraneysa in muuqaalladan lasoo dusiyay lagu doonayo in lagu ceebeeyo ninkan.

Mr Engonga waxaa adeer u ah Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema waana mid ka mid ah kuwa loo maleynayo inay rajeynayaan inay beddelaan.

Obiang waa madaxweynaha ugu da'da weyn adduunka ee xilka haya isagoo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1979.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha 82 jirka ah ayaa usoo joogay koboc dhaqaale oo markii dambe hoos u dhacay sababo la xiriira keydadka shidaalka ee haatan gabaabsiga ah.

Waxaa jira koox yar, oo aad qani u ah, balse in badan oo ka mid ah 1.7 milyan ee dalkaas waxay ku nool yihiin saboolnimo.

Maamulka Obiang ayaa waxaa aad loogu cambaareeyaa taariikhdiisa xuquuqda aadanaha, waxaana ka mid ah dilalka arxan-darrada ah iyo jirdilka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay dowladda Mareykanka.

Waxaa sidoo kale laga soo weriyay fadeexado - waxaana ka mid ah daah ka qaadiddii nolosha raaxada leh ee mid ka mid ah wiilasha madaxweynaha, oo haatan ah madaxweyne ku xigeenka, oo mar lahaan jiray gacma-gashi uu dheyman ku taxan yahay oo qiimihiisu yahay $275,000 (£210,000) kaasoo uu xiran jiray Michael Jackson.

Inkastoo ay doorashooyin joogto ah ka dhacaan, mucaarad dhab ah kama jiro Equatorial Guinea iyadoo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha la xiro lana musaafuriyo halka kuwa hammiga ka leh xukunka si dhow loola socdo.

Baltasar

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Galoofiskii Michael Jackson ayaa waxaa mar lahaa madaxweyne ku xigeenka Teodoro Obiang Mangue, kaasoo damac uu kaga jiro inuu maalin noqdo madaxweyne

Siyaasadaha dalka ayaa waxay dhabtii ku saabsan yihiin damaca qasriga waana halka ay kasoo galeyso fadeexadda uu ku lug leeyahay Mr Engonga.

Wuxuu ahaa madaxa Hay'adda Qaranka ee Baaritaanka Lacagaha, wuxuuna kaoso shaqeeyay wax ka qabashada dembiyada sida lacag dhaqista.

Balse waxaa soo baxday in qudhiisuba uu baaritaan ku socday.

Waxaa la xiray 25 October isagoo lagu eedeeyay musuqmaasuqa lacag faro badan oo waaxaha dowladda laga helay iyo inuu ku shubay dhowr akoon oo qarsoodi ah oo ku yaalla Jasiiradaha Cayman. Kama uusan hadlin eedeynta.

Mr Engonga ayaa kadib loo qaaday xabsiga aan sidaa loo aqoon ee Black Beach (Xeebta Madow) ee ku yaalla caasimadda, Malabo, halkaasoo la sheegay in mucaaradka dowladda ay kala kulmaan dhaqan arxan-darro ah.

Telefoonnadiisa iyo kumbiyuutarradiisa ayaa lala wareegay maalmo yar kadibna muuqaallada galmada ayaa soo galay baraha internet-ka.

Markii ugu horreysay ee BBC ay Facebook ka aragtay waxay ahayd 28 October bogga Diario Rombe, oo ah bar uu maamulo weriye dibad-joog ku ah Spain, kaasoo sheegay in “baraha bulshada ay la qarxeen sawirro iyo muuqaallo la soo qarxiyay”.

Qoraal lasoo dhigay barta X maalintii xigtay ayaa lagu yiri “fadeexad weyn ayaa ruxeysa taliska” iyadoo “muuqaallo galmo ayaa lagu soo fatahiyay baraha bulshada”.

Baltasar

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Teodoro Obiang Mangue (bidix) ayaa noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaas sanadkii 2016

Balse waxaa la aaminsan yahay in asal ahaan ay mid mid uga soo muuqdeen maalmo yar kahor barta Telegram, mid ka mid ah kanaallada barta ee lagu yaqaanno sawirrada galmada.

Waxaa kadib lagu soo dejistay telefoonnada dadka waxaana lagu wadaagay kooxaha WhatsApp dhexdooda ee Equatorial Guinea, halkaasoo ay hadal-heyn ka dhaliyeen.

Mr Engonga ayaa waxaa durba muuqaalka laga aqoonsaday isaga iyo haween kale, oo ay ka mid yihiin qaraabada madaxweynaha iyo xaasaska wasiirro iyo saraakiil sare oo milatariga ah.

Dowladda ayaa awoodi weysay inay iska indha-tirto waxa socda iyadoo 30 October uu madaxweyne ku xigeen Teodoro Obiang Mangue (oo mar lahaa galoofiska Michael Jackson) uu shirkadaha is gaarsiinta u qabtay 24 saacadood inay kula yimaadaan qaabab lagu joojinayo faafitaanka muuqaallada.

“Ma sii wadi karno inaan daawanno qoysas burburaya iyadoo aan tallaabo la qaadin,” ayuu kusoo qoray barta X.

“Haatan, asalka halka ay kasoo baxeen ayaa la baarayaa si loo ogaado kuwa soo daabacay ayna uga jawaabaan falalkooda.”

Iyadoo qalabka kumbiyuutarka uu ku jiray gacanta xoogagga ammaanka, qof ka tirsanaa ayaa laga shakiyay, kaasoo, malaha, doonayay inuu xumeeyo sumcadda Mr Engonga kahor inta aan la maxkamadeyn.

Booliiska ayaa haweenka ugu baaqay inay soo baxaan oo ay kiis kusoo oogaan Mr Engonga sababo la xiriira inaysan raalli ka ahayn soo wadaagidda sawirrada galmada. Mid ayaa durba sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonto.

Waxa aan caddeyn ayaa ah sababta uu Mr Engonga muuqaallada u duubay.

Balse dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay jiri karaan ujeeddooyin kale oo ka dambeeya muuqaallada lasoo qarxiyay.

Marka laga soo tago inuu qaraabo la yahay madaxweynaha, Mr Engonga waa wiilka Baltasar Engonga Edjo'o, madaxa midowga dhaqaalaha iyo lacagaha ee gobolka, Cemac, saameyn badanna ayuuna ku leeyahay dalka.

“Waxa aan arkeyno waa dhammaadka xilli, dhammaadka madaxweynaha haatan, waxaana jira xil kala wareegid tanna waa dagaalka gudaha ee aan arkeyno,” ayuu yiri Nsang Christia Esimi Cruz, oo dalkaasi kasoo jeeda una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha haatanna ku nool London.

Wuxuu barnaamijka BBC Focus on Africa u sheegay in madaxweyne ku xigeenka Obiang uu isku dayayay inuu siyaasad ahaan u cirrib-tiro “qof walba oo kula loollami karay xil la wareegiddiisa”.

Baltasar

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema ayaa ku dhowaad 95% helay codadka doorashooyinka la qabtay labo sano kahor

Madaxweyne ku xigeenka, iyo hooyadiis, ayaa looga shakinayaa inay dhinac isaga riixayaan qof walba oo khalkhal geliya waddadiisa madaxtinnimada, uuna ku jiro Gabriel Obiang Lima (wiil kale oo Madaxweyne Obiang ay u dhashay xaas kale), kaasoo wasiirka shidaalka ahaa muddo 10 sano ah kadibna loo beddelay xil kale oo dowladda ah.

Dadka dowladda u dhow dhow ayaa loo maleynayaa inay wax iska ogyihiin, iyadoo hadda kahor muuqaallo lasoo faafiyay si loogu ceebeeyo qof mucaarad ahaa.

Waxaa jira eedeymo soo laalaabtay oo ku saabsan qorsheynta musuqmaasuq, kaasoo dab kusii shidaya xaaladda.

Balse Mr Cruz ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay dooneyso in fadeexadda ay u adeegsato si ay marmarsiyo ugu hesho inay ugaarsasho ka billowdo baraha bulshada, taasoo ah sida lagu helo warbixinno badan oo ku saabsan waxa dhabta ah ee dalka kasoo socda.

Bishii July, dowladda ayaa si ku meel gaar ah u xannibtay internet-ka kadib markii dibadbaxyo ay ka billowdeen jasiiradda Annobón.

Isaga ahaan, xaqiiqda ah in sarkaal sare oo xaas leh uu galmo la sameynayay haween kale la yaab lama aha maaddaama ay ka mid ahayd dhaqanka madaxda dalka.

Madaxweyne ku xigeenka, oo qudhiisa gudaha Faransiiska lagu soo eedeeyay musuqmaasuq isla markaana hanti badan oo uu lahaa lagala wareegay dalal badan, ayaa doonaya in loo arko ninka dalkiisa ka joojinaya musuqmaasuqa iyo dembiyada.

Sanadkii lasoo dhaafay, tusaale ahaan, wuxuu amray in la soo xiro walaalkiis ay isku aabbe yihiin oo loo heystay eedeymo ah inuu iibiyay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha dalkaas.

Balse kiiskan, inkastoo madaxweyne ku xigeenku uu wado dadaallo lagu joojinayo faafinta muuqaallada, haddana weli waa la daawanayaa.

Toddobaadkan, wuxuu codsaday in kaamiradaha CCTV la geliyo xafiisyada dowladda si lo joojiyo falalka khaldan.

Isagoo sheegay in fadeexadda ay “wax u dhintay sumcadda dalka” wuxuu sheegay in sarkaal walboo lagu helo in falal galmo uu ku sameynayo shaqada dhexdeeda dhaqada laga joojin doono.

Kuma khaldana in sheekada ay hadal-heyn badan ka dhalisay dibadda.

Marka la eego xogta Google, baaritaanka uu ka mid yahay magaca dalkaas ayaa sare u kacay tan iyo billowgii toddobaadkan.

Isniintii, barta X, “Equatorial Guinea” waxa ahayd waxa ugu badan ee laga hadal hayay Kenya, Nigeria iyo Koofur Afrika - iyadoo ay la yaab tahay in mararka qaar ay kaba sarreysay doorashada Mareykanka.