Indheer-garadkii fahmay cayayaanka

Xigashada Sawirka, Montreal Botanical Garden/Michel Tremblay
Georges Brossard waxaa uu wakhti badan ku bixiyay sidii uu aadanaha uga caawin lahaa sidii ay u fahmi lahaayeen faa'idooyinka laga dhaxlo cayayaanka.
Brossard oo ku geeriyoday da'da 79 jir ayaa waxaa uu isaga tagey xirfaddiisii shaqo oo aheyd qareenimmo, waxaa uu doorbiday inuu dunida safar ku maro si usoo uruuriyo cayayaanka, waxaa uu goob isugu soo uruuriyay in ka badan 250,000 oo cayayaan ah.
Goobta uu isugu keenay cayayaanka ayaa noqotay meesha ugu weyn ay u dalxiis tagaan dadweynaha Canada.
Waxaa uu maalyin qof u jeediyay khudbado dhiirogelin ah oo ku saabsan faa'idoyinka cayayaanka , waxaa uu rumeysnaa in banii'aadanku uu si khaldan u fahmay cayaayanka isla markaasna aanan wax qaddarin ah la siin.
Waxaa uu sahan ku sameeyay qaar kamid ah keymaha ku yaalla dunida si uu usoo qabto cayayaanka naadirka ah, waxaana kamid ah keymaha waaweyn ee ku yaalla dalka Mexico.

Georges Brossard waxaa uu dhashay sannadkii 1940-kii, qoyskiisa waxay ahaan jireen beeraley ku nooleyd deegaanka La Prairie oo hoostago gobolka Quebec ee dalka Canada, aabihiis waxaa uu ahaa qofkii sameeyay magaalada Brossard ee ku taalla Koonfuurta Canada.
Waxaa uu sheegay in casharadii maaddada Seyniska xilligii uu dhiganayay Iskoolka ay ku dhiirogeliyeen inu bilaabo uruurinta cayayaanka.
"Iskuulka waxaa ku yaallay qeyb laisugu soo uruuriyay qaar kamid ah cayayaanka....waana markii aan jeclaaday uruurinta cayayaanka" ayuu yiri Georges Brossard.
Muddo ayay ku qaadatay inuu fuliyo qorshahiisa, Brossard waxaa uu wax ka dhiganayay jaamacadda sharciga ee Ottawa, balse markii uu gaaray da'da 30 waxaa uu waxbarashadiisa u weeciyay dhanka cilmiga daraasaadka deegaanka gaar ahaan cayayaanka.

Brossard , xaaskiisa,Suzanne iyo carruurtiisa oo saddex ah waxay safar ku mareen dunida, sannadkii 1985-kii, waxaa uu soo uruuriyay in ka badan 250,000 oo cayayaan ah, waxaa uu kasoo kala uruuriyay in ka badan 100 waddan.
"Waxaan wakhtigeyga ku luminayaa in aan wax ka qoro, barto, daraasaad ka sameeyo Seyniska... waxaan arkay in dhammaan xayaawanada ku nool dhulka, cayayaanka waxaa uu faa'iido u leeyahay nolosha banii'adaanka, waxaa laga helaa sida Malabka, waxay sidoo kale waxtar u leeyihiin geedaha.. waana noloha loogu necebyahay dunida, dadka si khaldan ayay u fahmeen" ayuu yiri Brossard.
Waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in markii ugu horreysay uu doonayay in cayayaan badan uu kasoo uruuriyo daafaha dunida ay aheyd sannadkii 1985-tii, waxaa uu howshiisa ula tegay duqii magaalada Montreal, Jean Drapeau, waxaa uu u sheegay inuu doonayo inuu magaalada ka hirgeliyo goob lagu ilaaliyo cayayaanka.
Waxaa uu markii dambe, duqa magaaladaas bilaabay inuu soo uruuriyo dhaqaale loogu talagalay mashruucaas, sannadkii 1987-kii, Brossard waxaa uu cayayaankii uu soo uruuriyay ku wareejiyay magaalada, waxay markii dambe goobtaas ay noqotay goob lagu soo bandhigo cayayaanka, waxaana si rasmi ah loo furay bishii Febraayo sannadkii 1990-kii.

Xigashada Sawirka, Alamy
Goobtaas lagu soo badhigayay cayayaanka waxay noqotay goob ay usoo dalxiis tagaan dad badan, sannadkii 2017-kii, waaxda la socota goobtan ayaa sheegtay in 2.2 milyan oo qof ay usoo dalxiis tageen halkaas.
Brossard, wuxuu muddo 10 sanno ah ka ahaa agaasime goobta lagu ilaaliyo cayayaanka, waxaa uu howshan sidoo kale uu ka qabtay meelo ka tirsan caalamka oo ay kamid yihiin magaalooyinka sida Shanghai iyo New Orleans.

Waxaa u ahaa nin si weyn u jecel ilaalinta cayayaanka, waxaa uu ka qeybgeli jiray barnaamijyada lagu soo bandhigo duur joogta gaar ahaan cayayaanka, waxaana barnaamijyadaas laga daawan jiray ilaa 150 waddan.
David Marenger oo ahaa wiil yar oo uruurin jiray Baaleyda ayaa waxaa ku dhacay cudurka Kansarka, waxaa ay rajadiisu aheyd inuu soo qabto Baaleyda nooca ugu weyn dunida ee la yiraahdo Blue Morpho, waxay baalasheedu gaarayaan 20cm.
"Waxaan u qaaday Mexico sababta oo ah waa meesha uu ka heli karo Baaleyda" ayuu BBC u sheegay Brossard sannadkii 2010-kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
David waxaa uu la xanuunsanayay Kansraka markii uu Brossard geeyay keymaha ku yaalla Mexico, waxaa uu ku qaaday dushiisa, markii waxay soo qabteen noocyo kamid ah Baaleyda, waxay dib ugu soo laabteen Canada.
Sheekada wiilkan yar iyo Brossard waxaa laga jilay filim sannadkii 2004-tii kaaso oo loogu magac daray " The Blue Butterfly.

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Waxaa uu caawin jiray caruurta kasoo jeeddo qoysaska saboolka ah, waxaa uu ahaa Samafale, waxaana la guddoonsiiyay abaal marin sannadkii 1999-kii.
Goobta lagu ilaaliyo cayayaanka ayaa hadda la xiray, waxaana dayactir lagu sameynaya si loo furo sannadka 2021-ka.
Anne Charpentier, oo ah profesoor cilmiga ku takhasusay cilmiga geedaha ayaa BBC u sheegay "In Brossard uu ka tegay taarikh weyn oo sii jiri doonto muddo badan, dad badana ay weli ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka qaatay badbaadinta nolosha cayayaanka"










