Jebiso nin cun is lahayd oo iyadii hilibkeeda la cunay

This handout picture taken on 30 September 2017 and released on October 4, 2017 by the Batang Gansal Police shows villagers beside a 7.8 metre (25.6 foot) long python which was killed after it attacked an Indonesian man, nearly severing his arm, in the remote Batang Gansal subdistrict of Sumatra island.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Jebiso wayn oo lagaga raayay dagaal ay lagashay nin reer Indonesia ah ayaa markii dambe la qashay oo hilibkeedii la soshay.

Robert Nababan oo ah waardiye ayaa isaga oo socda ay geedo baar ah kaga soo baxday Jebiso. arrintaasina waxay ka dhacday degmada Batang Gansal Sabtidii.

Wararka qaarna waxay sheegayaan in Robert uu isku deyay in uu qabto jebisada oo dhererkeda lagu sheegay 7.8 mitir.

Way isku martay, ninkiina wuu la xarbiyay ilaa Robert uu ka dilay jebisadii isaga oo gacan ka helay qaar ka mid ah dadkii deegaanka.

Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray waardiyihii.

Laakiin jabisadu nasiib ma lahayn oo inta meel laga laadlaadiyay si loo daawado ayaa markii dambana la qaysaday oo cadcad loo googoostay, ka dibna intay sosheen ayay cuneen.

Robert ayaa warbaahinta Detik ee dalka Indonesia u sheegay "waxaan isku dayay in aan qabto wayna i qaniintay markaasna waan la dagaalamay"

Ninkan 37 jirka ah ma uusan sheegin sababta rasmiga ah ee ku qasabtay in uu qabto jebisada, laakiin wuxuu sheegay in ay jireen dad tuulooyinkaas dagan oo ka mariwaayay aagaas.

Jebisada ayaa meeshan la suray habeenimadii Sabtida

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Jebisada ayaa meeshan la suray habeenimadii Sabtida

Wararka ku saabsan danta uu ka lahaa qabashadeeda ayaa is khilaafsan.

Isbitaal ku yaalla magaalada Pekanbaru ayaa hadda lagu dawaynayaa isaga oo dhaawacyo culus qaba, sida uu sheegay Elinaryon oo ah masuul ka tirsan maamulka deegaankaas.

Masuulkan oo hal magac sheegtay sida ay inta badan sameeyaan madaxda Indonesia ayaa BBC-da u sheegay in "ay u badan tahay in dhakhaatiirtu ay gacan ka goynayaan" Robert oo dhaawac xun gacan ka soo gaartay.

"Hilibkeedu wuu dhadhan macaan yahay"

Wuxuu sheegay in jebisada wayn ay caan ku tahay deegaankaas oo ilaaa toban waawayn lagu arkay, wuxuu intaas ku daray in ay wakhtiga kulaylaha biyo ay cabto soo raadsato, wakhti roobaadkana ay dabaalato.

"Geedaha baarka way cayayaan badan yihiin, cayayaankaas ayayna soo raadsadaan" ayuu yiri

Lama uusan yaabin in hilibka jebisada la cunay "waxaan maqlay saaxiibbaday oo sheegaya in hilibkeedu macaan yahay xaqiiqo ahaan. Waxaan ula jeedaa waa 7 mitir oo hilib ah, aad buuna u badan yahay" ayuu yiri.

"Dadka qaar waxay rumaysan yihiin in dhiigeeda lagu caafimado oo dawo ahaan loo isticmaali karo".

Bishii saddexaad ee sannadkanse dhacdo middan ka duwan ayaa dhacday, markii qof Indonesi u dhashay maydkiisa laga helay caloosha jabiso.

Booliiska ayaa markaas sheegay in ay jebisada kala jareen si ay maydka u soo baxaan.

Qaybo badan oo Indonesia ah caadi ayay ka tahay

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaybo badan oo Indonesia ah caadi ayay ka tahay