Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo go'aan kasoo saaray waxa la dhaho "Islaam Qunyar socod ah"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo markii uu Maxamed Bin Salmaan noqday dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, waxaa soo baxayay warar ku saabsan in Sacuudiga oo ka mid ah waddamada ku adag ku dhaqanka Islaamka uu u baddalo dal dhexdhexaad ah, oo ah waxa loogu yeedho "Islaam Qunyar socod ah".
Maxamed oo 36 jir ah waxa uu maamulka Sacuudiga hoggaanka u hayay shantii sano ee lasoo dhaafay, aabihiis oo ah boqorka 86 jirka ahna marar dhif ah ayaa lagu arkayay fagaareyaasha. 2019-kii ilaa hadda boqorka uma badna howlaha dowladda.
Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyay waxa uu dhaxal sugaha, oo waddamada reer Galbeedka looga yaqaanno MBS, sameeyay go'aanno waaweyn oo qaarkood amaan loogu jeediyay.
Waxa ay dad badan ficilladiisa u fasiranayeen inuu wax ka baddali rabo mowqifkii Sacuudiga ee ku dhagganaaanta dhaqanka Islaamka.
Hase yeeshee markii uu dhacay dilkii 2018-kii loo geystay wariyihii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji- oo ka tirsanaa Wargeyska Washington Post - waxaa la is weydiinayay su'aalo waaweyn oo ku saabsan waxyaabaha uu aaminsan yahay Maxamed Bin Salmaan iyo fikradihiisa shakhsiyeed.
Hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, ayaa sheegtay in Maxamed qudhiisa uu amar ku bixiyay in dilka Khaashuqji.
MBS ayaa sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay nin mowqif adag. Sanadkii 2017-kii, xubno ka tirsan qoyskiisa iyo dad kale oo maalqabeenno ah ayuu xabsiga u dhigay eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Markii uu maamulka Mareykanka isbaddalay oo doorashada madaxweynaha uu ku guuleystay Joe Biden, madaxweynaha Mareykanku waxa uu diiday inuu la hadlo Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka soo baxay waxa ay sheegayeen in Biden uu sheegay inuu la kulmi karo oo kaliya qof isaga dhiggiisa ah, taasoo micnaheedu yahay in qofka la hadli kara uu yahay boqor Salmaan Bin Cabdulcaaiis.
Muxuu yahay go'aanka MBS ee "islaamka qunyar socodka ah"
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu dhawaan wareysi siiyay majallad laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo 'The Atlantic'.
Wareysiga oo dhammeystiran waxaa 3-dii bishan March si rasmi ah loogu daabacay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.
Maxamed Bin Salmaan waxa uu inta uu wareysigu socday si qota dheer uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Islaamka, Wahaabiyada, Qu'aanka, Israa'iil iyo Ameerika.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wariyaha Majalladda ayaa MBS weydiiyay go'aankiisa ku aaddan inuu Sacuudiga ka dhigayo waddan Islaam Qunyar Socod ah, taasoo wiiqeysa wajigii diimeed ee uu horay u lahaa waddankaas.
Isagoo ka jawaabaya su'aashaas ayuu Maxamed Bin Salmaan yidhi: "Waddan kasta oo caalamka ka tirsan waxaa lagu aasaasay arrimo qiimihiisu ku dhisan yahay. Tusaale ahaan, Mareykanka waxaa lagu dhisay dimuqraaddiyad, xornimo iyo ganacsi xor ah. Dadku way ku mideysan yihiin qodobbadaas. Balse Dimuqraaddiyadda oo dhan miyey fiican tahay? Dimuqraaddiyadda oo dhan si wanaagsan miyey u shaqeyneysaa? Waxaa hubaal ah in jawaabaha su'aalahan ay maya tahay".
"Waddankeenna waxaa lagu dhisay aasaaska fikradda Islaamka. Waxaa jira qayb ku dhisan qabiil oo ka mid ah, qayb ku dhisan dhaqanka carabta. Waxaa sidoo kale jira dhaqan Sacuudiga uu leeyahay iyo wax uu aaminsan yahay. Tani waa nafteenna. Haddii aan ka tagno, waddanka ayaa burburaya.
"Su'aasha na hor taalla waxay tahay, sidee Sacuudiga loogu socodsiin karaa waddada saxda ah ee horumarka iyo ilbaxnimada. Su'aalo kuwaan la mid ah ayaa hor yaalla Mareykanka," ayuu yidhi.
Maxamed Bin Salmaan ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.











