Doorashada Somaliland 2024: Goormee ayay soo baxaysaa natiijada?

Mid ka mid ah dadka codkooda dhiibanaya
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah dadka codkooda dhiibanaya.

Doorasho is huwan oo si weyn isha loogu hayo ayaa dadweynaha Jamahuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay codkooda ka dhiibanayaan maanta oo ay tahay taariikhdu 13-ka bisha Nofeember.

Madaxtooyada waxaa ku tartamaya madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi oo markii labaad doonaya inuu xilka qabto kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ah musharrax Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna xisbigiisa Ucid uu yahay mucaarad.

Saddexdaas xisbi ee u cararaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale ayaa iyaguna ku tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonaya in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada si ay sal ugu noqdaan jaangooynta arrimaha Somaliland.

Dadka ayaa xilli hore sii tagay goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana qaar ka mid ah oo BBC-da la hadlay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaana muddo ay sugayeen in doorashadaan ay dhacdo.

Natiijada doorashada muddo intee la eg ayay qaadan kartaa?

Doorashadan Somaliland ayaa noqonaysa tii sideedaad tan iyo markii ay ku dhawaaqday in Soomaaliya inteeda kale ay ka go'day.
Qoraalka sawirka, Doorashadan Somaliland ayaa noqonaysa tii sideedaad tan iyo markii ay ku dhawaaqday in Soomaaliya inteeda kale ay ka go'day.

Sida qorshuhu yahay lixda maqribnimo eemaanta ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan goobaha codbixinta. Wixii intaa ka dambeeya waxaa bilaabanaya oo laguda galayaa tirinta codadka sida guddiga doorashadu uu sheegay.

Sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay waxay ku soo baxaysaa laba maalin gudahood.

Marka natiijada degmado ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol kadiba ilaa xaruunta dhexe ee guddiga.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Balse muddaaas toddobada cisho ah, hadba halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta sida uu guddigu sheegay. Waqtigaan oo ah mid sharci ah oo u yaalla gudi kasta oo howshaan qabta ayaa ah mid dadkuna ka war qabaan, iyadoo aad maalmahaas isha loogu hayo warbaahinta iyo meelaha kale ee lagala socdo doorashooyinka.

Murashaxiinta madaxweynimo ee tartamaya oo hadlay ayaa muujiyay in ay aqbalayaan marka ay soo baxdo natiijada doorashada

Rajada dhalinyarada

Dadka oo ku sugan goobaha codka laga dhiibanayo.
Qoraalka sawirka, Dadka oo ku sugan goobaha codka laga dhiibanayo.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkastoo guud ahaan dadweynaha codkooda dhiibanaya ay rajeynayaan horumar iyo waxa ay ku taamayaan eela xiriira adeegayada muhiimka u ah nolosha sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo arrimo kale haddana si gaar ah dhalinyarada jaamacadaha ka baxay ayaa sheegaya in shaqo la'aanta jirta ay samaeyn ku yeelatay da'yarta. Waxay rajeynayaan in madaxweynaha yimaada uu noqdo mid arrintaas wax ka qabta si ay u helana fursado shaqo.

Intii ololuhu socday dhammaan musharixiinta tartamaya waxaa ay sameeyeen ballan qaadyo waaweyn oo ku saabsan baahiyaha bulshada.

Shaqo la'aanta jirta ayaa inta badan keenta in dhalinyaro badan oo gudaha Somaliland wax ku bartay iyo deegaannada kale ee Soomaalidaba in ay tahriibaaan, iyagoo ku andacoonaya in ay raadinayaan nolol dhaanta tan gudaha.

Mid ka mid ah da'yrata ku nool Hargeysa oo BBC-da la hadlay ayaa yiri: "waxbarasho bilaash ah, caafimaad, noloshii oo adkaatay iyo shaqo la'aanta jirta ayaan ka rajeynaynaa madaxweynaha yimaada inuu wax ka qabto,".

Mid ka mid ah ardayda dhigta jaamacadaha ayaa tiri: maanta wax aanna u baahneyn ma jiraan haddii ay caafimaad tahay, haddii wax barasho tahay iyo haddii ay tahay biyo tahay, dhalinyarada Somaliland ayaa wax u wada baahan,".

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegaya in marar hore oo ay codeeyeen doorashooyin kala duwan, aan weli wax laga qaban baahiyaha jira.