Sawirro: Dadweynaha Somaliland oo codkooda ka dhiibanaya doorashada isku sidkan

Somaliland

Dadweynaha Jamhuuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururrada.

Xilka madaxweynaha waxaa ku tartamaya saddex musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haye Muuse Biixi Cabdi kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo u sharaxn Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga Ucid.

Saddexda Xisbi ee u tartamaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur oo kale ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan saddex xisbi oo bud-dhig u noqda Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa xilka hayay toddobo sano, iyadoo ay ahayd in doorashadu dhacdo sanadkii 2022-kii hase-yeeshee taa ma dhicin oo laba sano ayuu ku darsaday, taasoo dhalisay muran iyo is qab-qabsi.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.

Somaliland
Qoraalka sawirka, Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa codkiisa ka dhiibtay doorashada
Somaliland
Qoraalka sawirka, Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa isugu soo baxa codeynta, iyadoo ay doorashadan xamaasad goonni ah leedahay
Somaliland
Qoraalka sawirka, Sanaadiiqda lagu codeynayo ayaa aroor horena diyaar ku ahaa goobaha codbixinta
Somaliland
Qoraalka sawirka, Somaliland ayaa markii ugu horreysay codbixinta u adeegsaneysa diwaan-gelinta sawirka indhaha
Somaliland
Qoraalka sawirka, Dhalinyaro badan ayaa markii ugu horreysay codkooda ka dhiibanaya doorashadan
Somaliland
Qoraalka sawirka, Haween aad u badan ayaa codkooda dhiibtay
Doorashada Somaliland 2024
Qoraalka sawirka, Dadweynaha codeynaya ayaa qaarkood saq-dhexe sii tagay goobaha cod-bixinta
Doorashada Somaliland 2024
Qoraalka sawirka, Musharrax madaxweyne Feysal Cali Waraabe ayaa goor sii horreysay codkiisa dhiibtay