Sidee ayuu rug-caddaaga cusub ee Trump magacaabay ula tacaali doonaa tahriibayaasha sharci-darrada ku jooga Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tom Homan oo ah ruug-caddaa dhanka socdaalka ah ayaa maamuli doona xudduudaha dalkaas kadib marka Trump la caleema-saaro bisha January.
Ninkan oo khibrad tobnaan sano ah u leh xoojinta sharciga iyo xudduudda, ayaa dhammaanba indhuhu waxay ku wajahan yihiin sida uu u qorsheynayo dhimidda socdaalka sharci-darrada ah ee Mareykanka - taasoo ah siyaasadda ugu muhiimsan doorashada Trump.
Marka sidee ayuu howsha u wajihi doonaa?
Homan - oo ah sarkaal hore oo booliis horena usoo noqday agaasimaha Xoojinta Socdaalka iyo Xudduudaha ee Mareykanka (Ice) - ayaa tahriibka ka jira xadka Mareykanka ku tilmaamay inuu yahay "nugeylka ugu weyn ee dhanka amniga ee soo gaaray Mareykanka tan iyo 9/11 waana inaan wax ka qabannaa."
Mar uu ka hadlayay tahriibayaasha sharci-darrada ah ee Mareykanka ayaa wuxuu yiri: “Waxaa kuu wanaagsan inaad hadda boorsadaada sii xirxirato.”
Balse weli ma cadda sida doorkiisa cusub uu noqon doono, iyadoo maareynta socdaalka ay ka mid tahay iskaashi lala sameeyo dhowr hay'adood oo dowladda ah.
Wuxuu si kastaba, la yimid fekrado qaar oo ku aaddan sida uu u wajihi doono xadka.
Beddelidda siyaasadaha Biden
Wareysi uu bishii October siiyay barnaamijka CBS News's 60 Minutes, kahor doorashadii Trump, Homan ayaa sheegay inuu beegsan doono tahriibayaasha aan dembiga gelin ee dalkaasi sharci-darrada ku jooga, kadib marka ugu horreysa ee uu mudnaanta siiyo "khataraha amniga bulshada" iyo "khataraha amniga qaranka".
Hannaankan oo kale wuxuu beddeli doonaa siyaasadaha maamulka Biden ee waaxda Ice ku amraya inay diiradda saarto musaafurinta dembiilayaasha khatarta ah, khataraha amniga qaranka iyo kuwii dhowaan xadka kasoo gudbay.
Siyaasadda haatan ee Biden ayaa dhowreysa muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn ee Mareykanka ku noolaa kuwaasoo aan wax dembi ah gelin.
Bartilmaameedsiyo xirxiritaan ah si loogu howlgalo musaafurin
Homan ayaa sheegay inuu adeegsan doono hannaan bartilmaameedsi ah marka la fulinayo xirxiritaan iyo musaafurinno.
Mar lagu weydiiyay isla wareysigii October sida musaafurinta loo fulin doono, ayaa Homan wuxuu yiri: "Ma noqon doonto xaaqid ballaaran oo deriska ah. Ma noqon doonto in la dhiso xarumo lagu sii hayo dadka. Waan eegay dhammaan, Waa wax lala yaabo."
"Waxay noqon doonaan xirxiri bartilmaameedsan. Waan ogaan doonnaa cidda aan soo xireyno, halka aan ka heli doonno... waa hannaan baaritaan," ayuu intaa raaciyay.
Qoysaska oo la isla tarxiilo
Homan ayaa door ka ciyaaray siyaasadda lagu muransan yahay ee Trump ee "dulqaad la'aanta", taasoo kumannaan carruur muhaajiriin ahaa ka kaxaysay waalidkooda.
Siyaasadda ayaa la kulantay cambaareyn markii carruur loo diray xarumo halka waaliddiintooda xukun lagu fuliyay iyadoo aysan jirin qorshooyin dib loogu mideynayo.
Homan ayaa sheegay inuusan qorin halbeegga siyaasadda ee horseeday kala geynta, balse wuxuu ka mid ahaa saddex sarkaal oo saxiixay. Wuxuu sheegay inuu saxiixay isagoo “rajeynayay inuu nolol badbaadiyo”.
Homan ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu dib usoo celiyo siyaasaddaas.
Taa beddelkeed, wuxuu sheegay in qoysaska "la isla tarxiili doono", marka wax laga weydiiyay in musaafurinta la sameyn doono iyadoo aan lakala geyn qoysaska.
Xirxiritaan ballaaran oo tahriibayaasha ah oo laga sameyn doono goobaha shaqada
Homan ayaa sidoo kale tilmaamay in lasoo celinayo xirxiritaan ballaaran oo muhaajiriinta ah oo goobaha shaqada laga fulin doono - waxa uu ku tilmaamay howlgallo xoojinta goobaha shaqada ah, taasoo maamulka Biden uu joojiyay sanadkii 2021.
“Intiiba ay dadku ka hor imaanayaan musaafurinta, maxaa kuu furan?,” ayuu yiri mar uu Isniintii u warramayay barnaamijka Fox News ee Fox & Friends.
“Waxaad xaq u leedahay inaad sheegato magangalyo. Xaq ayaad u leedahay inaad aragto garsoore. Taas waan suurto-gelineynaa. Balse ugu dambeyn inta uu socdo hannaankaas haddii garsooraha uu dhoho waa inaad dalkaaga u laabataa, markaas waa inaan dalkooda ku celinnaa.”
Taariikhda Homan ee inuu ahaa sarkaal booliis, iyo ilaalada xadka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Homan, oo 62 jir ah, ayaa xirfaddiisa sarkaal booliis kaga bilaabay New York kahor inta uusan ka mid noqon ilaalada xadka - oo ah door uu mar walba soo hadal-qaado.
“Waxaan ahaa ilaalada xadka. Waan xirtay dharka astaanta,” ayuu Isniintii u sheegay Fox & Friends. “Waan ku faanayaa inaan xirtay dharka astaanta... waxaan ahaa agaaismihii ugu horreeyay ee Ice.”
Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa u magacaabay inuu madax ka noqdo qeybta musaafurinta ee Ice sanadkii 2013. Waa xilli hay'adda ay sameysay musaafurin ballaaran.
Homan ayaa shaqadiisa darteed ku guuleystay Abaal-marinta Presidential Rank , taasoo ah aqoonsiga ugu sarreeya ee adeegga bulshada.
Trump ayaa Homan u magacaabay inuu noqdo ku simaha agaasimaga Ice toddobaadkii labaad markii uu xilka qabtay sanadkii 2017, kaasoo ah door uu sii watay ilaa sanadkii 2018.
Trump ayaa mar dambe u magacaabay inuu noqdo agaasimaha joogtada ah ee hay'adda, balse Senate-ka ayaan marna ansixin magacaabiddaas.













