Trump oo mar kale xoojiyay balanqaadkiisii ahaa in uu dad badan tarxiilayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa xoojiyay ballan qaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa masaafurinta tirada badan ee muhaajiriinta sharci darrada ah, isagoo sheegay in kharashka ku baxaya arrintaas uusan noqon doonin mid hor istaaga.
Qaar ka mid ah hadalladiisii ugu horreeyay ee uu jeediyo tan iyo markii uu ku guuleystey doorashada, Trump wuxuu sheegay in muhiimaddiisa marka uu xafiiska la wareego Jannaayo ay tahay inuu ka dhigo xadka "mid adag oo awood leh".
"Ma ahan su'aal ku saabsan qiimaha ay ku kacayso. Ma ahan - runtii, ma lihin khiyaar noo furan," Trump ayaa sidaa u sheegay NBC News.
"Markii dadku ay dil geystaan, markii maandooriyeyaasha ku burburiyaan dalalka, waxay ku laabanayaan dalkooda sababtoo ah halkan ma sii joogayaan. Ma jiro wax qiimo ah."
Iyadoo ololahiisa uu ka bixiyay jawaabo kala duwan oo ku saabsan tirada la tarxiili karo, haddana madaxweyne ku xigeenka la doortay ee JD Vance ayaa sheegay inay ku billaabi doonaan hal milyan.
Wareysigii Khamiistii khadka teleefoonka ay kula yeesheen talefishinka NBC, Trump ayaa qayb ka mid ah fariintiisa ku saabsan socdaalka ku tilmaamay sabab uu ugu guuleysto tartanka.
"Waxay rabaan inay xuduud yeeshaan, waxayna jecel yihiin dadka soo galaya, laakiin waa inay ku soo galaan jacayl ay dalka u qabaan," ayuu yiri. "Waa inay si sharci ah ku soo galaan."
Khubarradu waxa ay sheegeen in ay jiraan caqabado waaweyn oo dhanka sharciga ah mark ay dad badan hal mar dalak laga tarxiilayo.
Dadka u dooda xuquuqda soo-galootiga ayaa sidoo kale ka digay in kharashka ku baxaya masaafurinta uu noqon doono mid aad u badan, iyada oo uu kala geyn dhanka qoysaska ay ka dhalan karto.
Maxay yihiin caqabadaha sharciga ee ka hor iman kara?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo aan buurneyn tan iyo 2005tii.
Badankoodu dadka waa kuwa muddo dheer halkaas ku sugnaa - ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.
Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la tarxiilin. tira badan oo la musaafuriyo in ay mashquul noqdaan islamarkana la abuuro maxkamada badan oo ah kuwa dhageysta kiisaska socdaalka.
Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ayaa soo saaray sharci xaddidaya wada shaqaynta booliiska deegaanka ee Ice.
Trump waxa uu ballan qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono “magaalooyinkan”, laakiin hannaanka Ameerika ee dhanka sharciyada maxalliga ah, gobolka iyo federaalka ayaa sii adkeynaya arrinta.
Kathleen Bush-Joseph, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee fadhigeedu yahay Washington, , ayaa sheegtay in wada-shaqeynta Ice iyo saraakiisha maxalliga ah ay noqon doonto "mid muhiim ah" barnaamij kasta oo masaafurin ah.
Barnaamij kasta oo masaafurin wadareed ah sidoo kale waxay u badan tahay in isla markiiba lala kulmo caqabado sharci oo badan oo ka imanaya socdaalka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Laakiin ma la samayn karaa, tasiilaad la'aan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii maamulka Maraykanku uu awoodo inuu si sharci ah ugu dhaqaaqo qorshayaasha masaafurinta tirada badan, mas'uuliyiintu waxay wali la kulmi doonaan caqabado dhanka saadka ah.
Maamulkii Biden, dadaallada masaafurinta ayaa diiradda lagu saaray muhaajiriinta dhawaan soo galay xadka. Muhaajiriinta laga soo tarxiilay gudaha Maraykanka, waa, kuwa leh taariikh dembiyeed ama loo arkay khataro amniga qaranka ah.
Dhanka dahqaalaha marka laga eego Khubarada ayaa qiyaasaya in wadarta lacagta ku baxaysa hal milyan ama ka badan masaafurintooda ay ku bixi karto bolaa milyan iyo xitaa balaayiin doolar.
Miisaaniyada waaxda socdaalka au ku bixisay gaadiidka iyo masaafurinta 2023 waxay ahayd $420m Sanadkaas ayay wakaaladu masaafurisay dad ka yar 140,000 oo qof.
Kumanaan muhaajiriin ah ayaa la xiri doonaa inta ay sugayaan dhageysiga maxkamadda ama masaafurinta, waxaana ololaha Trump uu qorsheeyay in la dhiso xeryo waaweyn si ay ugu hoydaan.
Tirada duullimaadyada raritaanku dadakan waxay sidoo kale u baahan doontaa in si weyn loo balaariyo, lagana yaabo in loo baahdo diyaaradaha milatariga si ay u kordhiyaan awoodda hadda jirta.
Horay ma u dhacday masaafurin wadareed hal mar la sameeyay?
Afartii sano ee maamulkii hore ee Trump, ku dhawaad 1.5 milyan oo qof ayaa laga soo tarxiilay xuduudda iyo gudaha Mareykanka.
Maamulka Biden - ayaa masaafuriyay ku dhawaad 1.1 milyan oo qof ilaa Febraayo 2024 - ayaa sida ay tirakoobyadu muujinayaan.
Intii lagu guda jiray labadii mudda xileed ee maamulkii Obama - markii Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka - in ka badan saddex milyan oo qof ayaa la masaafuriyay, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadka u ololeeya dib u habeynta socdaalka ay Barack Obama ugu yeeraan "tarxiilaha guud".
Isbarbardhigga taariikhiga ah ee kaliya ee barnaamijka masaafurinta ballaaran wuxuu yimid 1954-kii, markii ilaa 1.3 milyan oo qof la masaafuriyay iyada oo qayb ka ah Hawlgalka Wetback, markaas oo inta badan loo adeegsaday dadka Mexico.
Si kastaba ha ahaatee tiradaas waxaa dood ka keenay taariikhyahanno badan.













