Muxuu ninka dunida ugu taajirsan ka faa'iidi karaa madaxweynenimada Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dib u soo noqoshada uu Donald Trump ku soo noqday aqalka cad waxay sidoo kale guul u tahay mid ka mid ah dadka aadka uga dhex muuqday ololihiisa; Elon Musk.
Ninka dunida ugu taajirsan wuxuu habeenkii doorashada wakhtigiisa kula qaatay Florida Trump, qasriga uu ku leeyahay Mar-a-Lago.
“Dadka Maraykanka waxay @realDonaldTrump caawa siiyeen maandheyd cad oo isbeddel ah” ayuu yiri Musk oo qoraal soo dhigay bartiisa X, xilli ay soo muuqanaysay guusha Trump.
Khudbaddiisi guusha ee uu ka jeediyey Palm Beach ayuu Trump dhowr daqiiqo wuxuu ku amaanay Mr Musk, wuxuuna xusay sidii guusha lahayd ee uu dhulka ugu soo degey gantaalka hawada sare loo diray ee uu ay farsamayso shirkadda Space X ee Musk.
Elon Musk wuxuu taageeradiisa dul dhigay xisbiga jamhuuriga, inyar ka dib markii isdayga dil uu ka badbaaday Trump, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, bishii Luulyo.
Saaxiib ahaan, bilyaneerkaas aadka u taageeray madaxweynaha cusub wuxuu ku deeqay 119 Malyan oo dollar oo uu ku maalgaliyey hay’adda PAC oo taageeraysay dib u doorashadii Trump.
Todobaadkii hore wuxuu wakhti badan ku qaatay gobollada uusan codkooda dhanna u dhicin ee aad ka loogu loollamay, halkaasoo PAC ay maalin kasta $1 malyan siinaysay codbixiyeyaasha gobolladaas, inkastoo arrintaas si sharci ah looga hor yimid.
Haddaba maadaama uu magaciisa, hantidiisa iyo bartiisa bulshaba ku taageeray Trump, waxaa jira wax badan oo Musk uu ka heli karo Trump.
Madaxweynaha la doortay wuxuu sheegay in xilli doorashada labaad uu ku casumi doono Musk maamulkiisa si uu u baabi’iyo khasaaraha xukuumadda.
Ganacsadahaas wuxu kaloo ka faa’iidi karaa shirkadiisa hawada sare ka shaqaysa ee Space X, oo hadeerba hogaaminaysa ganacsiga waxyaabaha hawada sare loo qaado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Musk wuxuu dhaleeceeyey shirkadaha ay is hayaan sida Boeing, isagoo ku dhaliilay qaabka ay u samaysan yihiin qandaraasyada xukuumadda, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin mashaariic aan dhaqaale ahaan iyo wakhti ahaan dhamaystirnayn.
Space X waxay kaloo billowday inay ka shaqayso dhismaha dayax gacmeedyo loo adeegsado arrimaha sirdoonka, ayadoo aqalka Pentagon iyo hay’adaha sirdoonka Maraykanka ay u muuqato inay doonayaan inay balaayiin dollar galiyaan.
Shirkadda samaysa gawaarida korantada ku shaqeeya ee Tesla ayaa iyadana lagu wadaa inay macaash ka samayso maamul uu Trump sheegay inuu ku shqayn doono “xeerar nidaamintooda aysan cuslayn”.
Bishii Juun ee kal hore ayaa hay’adda Maraykanka u qaabilsan nidaaminta bedqabka waddooyinka waxay sheegtay inay baaritaan ku samaynayso barnaamijyada kombiyuutarka ee gawaarida Tesla ee is-wada.
Mr Musk wuxu dhaliil kala kulmay isagoo isku dayey in qayb ka tirsan shaqaalaha Tesla uu ka hor istaagay inay ururrada shaqaalaha ku biiraan.. Ururka shaqaalaha gaadiidka ayaa xareeyey dacwad ku saabsan nidaamyo shaqo oo aan xaq ahayn kuwaasoo ka dhan ah Trump iyo Musk, ka dib markii labadaas nin ay barta X uga wada hadleen wax loo arkay inay yihiin in shaqada laga ceyriyo shaqaalahaas.
Trump wuxu kaloo ku yaboohay inuu hoos u dhigayo canshuuraha shirkadaha iyo dadka hodanka ah. Talaabadan ayaa ah ballanqaad uu aad u danaynayo Musk.
Elon Reeve Musk oo ah ganacsade iyo maalgaliye 53 jir ah ayaa ah wakhtigan ninka ugu taajirsan dunida, ayadoo hantidiisa lagu qiyaasay 264.7 bilyan oo dollar. Waana nin haysta 3 dhalasho oo kala ah Maraykan, Kanada iyo koofur Afrika.













