Maxay guusha Trump uga dhigan tahay Canada oo ay Mareykanka wadaagaan xudduud ay kasoo gudbaan muhaajiriinta?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalal yar uun baa isaga dhow sida Mareykanka iyo Canada. Labadu waxay wadaagaan dhulka xadka ugu dheer iyo xiriir ganacsi oo qiimihiisu ka badan yahay tirilyan doollar.
Justin Trudeau, raysal wasaaraha Canada, ayaa si degdeg ah ugu hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump guushiisa doorashada.
Balse shaki kuma jiro in xiriirkoodu uu xumaa isla markaana ay caqabado ka jireen gobolka.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qaababka ay guusha Trump u saameyn doonto deriska dhanka waqooyi ee Mareykanka.
Xiriirka shakhsiyadeed ee Ottawa iyo DC
Shalay subax, hoggaamiyeyaasha siyaasadda Canada ayaa aad isha ugu hayay guusha Trump.
Trudeau ayaa "Donald" ugu hambalyeeyay guushiisa, isagoo sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeeyo.
"Dunida ay ka dhib badan tahay wayna isku qasan tahay sidii ay ahayd afar sano kahor waana ogahay inay inoo taallo shaqo badan," ayuu yiri.
Trump iyo Trudeau ayaa hore iskula shaqeyn jiray, waxaana lagu xusuustaa inay dib wada xaajood u galeen, iyaga iyo Mexico, USMCA - heshiiska ganacsiga Waqooyiga Mareykanka.
Balse labadooda ayaa waxaa soo maray xilliyo uusan xiriirkoodu fiicneyn - Trump ayaa Trudeau ku sheegay "qof xanuunsan" iyo "labo wejiile", halka Trudeau uu mar Trump ku maadeystay mar uu socday shirka hoggaamiyeyaasha Nato sanadkii 2019.
Sidoo kale waa suurtogal in Canada ay yeelan karto raysal wasaare iyo dowlad cusub, iyadoo Trudeau uu wajahayo doorasho degdeg ah halka Xisbiga Liberal-ka uu aad hoos ugu dhacay ra'yi ururinta la sameeyay.
Tan ayaa sii dhabqin karta hannaanka lagu doonayo in heshiis lasoo cusbooneysiiyay oo adag oo lala yeesho maamulka Trump - ugu yaraan muddada dhow, ayay tiri Louise Blais, oo ah diblomaasi hore oo Canada kasoo jeedda.
"Ma aha xaalad la jecleysto oo aan aragno siyaasad ahaan inaan ku dhex jirno," ayay tiri.
Dhibaatooyinka ganacsiga
Canada iyo Mareykanka waxay leeyihiin xiriir dhaqaale iyo ganacsi oo si qoto dheer isugu xiran.
Canada ayaa 75% badeecaddeeda u dhoofisa Mareykanka - iyadoo ballanta Trump ee ah inuu 10% canshuurta ku kordhinayo laga yaabo inay saameyso dhaqaalaha.
"Waxaan ka walwalayaa waxa canshuurta ay u muuqan karto," ayuu yiri Trevor Tombe, oo ah dhaqaale-yahan Canada u dhashay oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgary.
Bishii July,Bankiga Business Development ee Canada ayaa ku qiyaasay in tallaabadan ay $7bn ka jareyso dakhliga sanadlaha ee Canada sanadka la hirgeliyo, taasoo saameyneysa ganacsiga maalgashiga hoosna u dhigi karta doollarka Canada.
Mr Tombe ayaa ka digay in haatanba dhaqaalaha Canada uu hoos u dhacayo uuna xaalad adag ku jiro.
'Wadaagid siman' oo difaaca ah
Canada ayaa in muddo ah loo arkayay xubin muhiim ah oo ka tirsan isbahaysiga Nato. Trump ayaa la filayaa in cadaadiska ugu badan uu saari doono deriskiisa waqooyi.
Trudeau ayaa sheegay in dalkiisa uu gaari doono beegsiga ugu yar ee isbahaysiga ee ah in 2% dakhliga sanadlaha lagu maalgeliyo difaaca wixii loo gaaro 2032, iyadoo kor looga soo kacayo intii ay ahayd ee 1.29%.
Wareysi uu la yeeshay CTV News Kelly Craft, oo ah safiirkii hore ee Mareykanka ee Canada oo maamulkii hore ee Trump la shaqeyneysay ayaa waxay sheegtay in xilliga loo qabtay arrintaas aysan ahayn mid ku filan.
"Donald Trump, marka uu leeyahay inuu dadka ka filayo inay intooda bixiyaan, way bixin doonaan."
Ms Blais ayaa sheegtay in Canada ay khibrad u leedahay dardargelinta muddada loo qabtay, waxaana ka mid ah inay ka faa'iideysato kheyraadkeeda macdanta ayna u adeegsato difaaca.
Qorshe lagu ilaalinayo xadka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hanjabaadda Trump ee musaafurinta ballaaran ayaa su'aalo ka abuurtay Canada kuwaasoo ku saabsan waxa ay uga dhigan tahay xadka ay wadaagaan ee waqooyiga.
Terri Givens, oo maaddada sayniska siyaasadda ka dhigta Jaamacadda University of British Columbia, ayaa sheegtay in xitaa haddii hanjabaadda aan la fulin, uu jiro feker ah in dadka ay ku riixi doonto inay u gudbaan xadka Canada.
Sanadkii 2017, kumannaan qof ayaa bilaabay inay Canada kasoo galaan Waddada Roxham Road - oo ah barta rasmiga ah ee laga galo xadka New York-Quebec - si ay u helaan magan-galyo.
Sababaha ku kallifay way kala duwanaayeen, balse qaar badan ayaa walaac ka muujiyay inaysan sii joogi karin Mareykanka iyadoo Trump uu xilka hayo iyo inay aaminsan yihiin in lagu soo dhoweyn doono Canada.
Canada iyo Mareykanka ayaa wixii intaa ka dambeeyay yeeshay heshiis dadka ka hor istaagaya inay xadka ka gudbaan, balse xogta dhanka Mareykanka ayaa muujisay in weli ay dadku isku dayayeen inay gudbaan.
Mar wax laga weydiiyay walaaca, Freeland ayaa sheegtay inuu jiray qorshe.
"Ma doonayo inaan dadka Canada u ballan-qaado inaan gebi ahaanba aqoonsannahay ahmiyadda amniga xadka iyo xakameynta xadka," ayay tiri.
Xallinta arrin walboo muhiim ah ayaa isku soo dhoweyn doonta saraakiisha Canada iyo Mareykanka. Xadka dhererkiisu yahay 5,525 meyl (8,891km) ayaa ah mid aan la ilaalin.
"Sidee baad dhab ahaantii u xoojineysaa xadka?" ayay tiri Julie Young, oo daraaseysa arrimaha xadka waxna ka dhigta Jaamacadda Lethbridge.













