"Kanada kama filaneyn shaqo la'aan" Asma

Asma
Qoraalka sawirka, Riyada Asma, ka hor tagitaanka Kanada ayaa ahayd in fursado shaqo oo badani yaallaan ayna ka samayn karto lacago badan.

Asma Cali Cabdi, waxay deganaansho ka heshay Kanada muddo sanad ku dhow hase yeeshe filashadeedii xilligii aysan aadin dalkaas iyo markii ay tagtay ayaa kala noqday kuwo kala duwan.

Waxay filaysay inay halkaas ku rumayn doonto riyooyin badan oo ay ka mid ahayd shaqo ay ku gaarto hammigii ay lahayd balse wax kasta ayaa is beddelay markii ay cago dhigtay magaalada ay hadda deggan tahay ee Edmonton.

Sida ay u sheegtay BBC-da Asma, hadda waxay ka mid tahay ajaanib ay Soomalidu ku jiro oo halkaas ay ku haysato shaqo la’aan ba’an ka dib ciriir badan oo xaga shaqada ah oo ka jira dalka Kanada.

Waxay intaa ku dartay inay aaminsan tahay in iyada iyo Soomaalida kale ee shaqo la’aantu ku heysatu dalkaas ay ugu wacan tahay xirfad yari haysta.

"Inta aan arkay weey yar yihiin dadka Soomaalida ah ee leh xirfado ama aqoon waxbarasho oo ay ku shaqeystaan, waxa ay u badan yihiin xamaal, taasina waa mid qof walba qaban karo," ayay BBC-da u sheegtay Asma.

Riyada Asma, ka hor tagitaankeeda Kanada ayaa ahayd in fursado shaqo oo badani yaallaan ayna ka samayn karto lacago badan.

"Marka hore sawirka aan heystay sida uu ahaa iyo hadda waxbaa iska badalay, markii aan imid ayaan ogaaday xaaladda meesha ka jirta iyo shaqo la’aanta," ayay tiri Asma.

Asma ayaan wax ka weydiinay culeyska ka jira dhanka guryaha iyo xaaladda soo galootiga dalka Kanada waxa ayna sheegtay in gobolka ay joogto haatan ay ka jirto baahi dhanka guryaha ah, sababo la xiriira in soo galootiga ay bateen muddooyinkii danbe.

Waxa ay soo hadal qaadday in ay aragtay ajaanib badan oo guryo la’aan ah kuwaas oo hareeraha wadooyinka jiifa, balse waxa ay sheegtay in aysan wali arkin Soomaali xaaladaas ku jirta.

Dhanka kale xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iius Wasaare Justin Trudeau, ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso heerka shaqa la’aanta ee dalka ka jirta.

Kulan dhex maray Soomaalida iyo duqa Edmonton

Kulan dhex maray Soomaalida iyo duqa Edmonton
Qoraalka sawirka, Duqa magaalada ayaa jaaliyadda Soomaalida u balanqaaday in ay wax ka qabanayaan caqabadaha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo Somalida ku qulqulaysa Kanada iyo kuwii horay u joogayba ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin shaqo la’aan iyo dhibaatooyin xagga guryaynta ah ayaa qaar ka mid ah Somalida kunool magaalada Edmonton dhibaatooyinkaas waxay kala hadleen duqa magaalada Edmonton Amarjeet Sohi.

Bashir Xaaji Cali Jamal oo ka mid ah dadkii kulankaas ka qeybgalay ayaa BBC-da u sheegay wixii ay kala hadleen duqa magaalada Edmonton waxa uuna yiri "Kulanka waxa uu ahaa mid looga hadlayay xoojinta xiriirka jaaliyadda Soomaalida ay la leedahay magaalada Edmonton iyo duqa si ay iskaga kaashadaan baahiyaha ka dhaxjira bulshada Soomaalida," ayuu yiri.

Waxa uu intaa hadalka ku daray in waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ay ka mid yihiin guryo la’aanta iyo shaqo la’aanta ay dowladdu wax ka qabaneyso.

Duqa magaalada ayaa u balan qaaday in ay wax ka qabanayaan caqabadahaas iyo in la dhisayo guryo badan oo qiimahoodu jaban yahay, iyo in ganacsatada Soomaalida laga caawin doono qandaraasyada ay bixiyaan dowladda hoose ee Edmonton, sidoo kale in shaqo raadin loo sameyn doono dadka cusub ee soo galaya magaalada.

Dhanka kale Cawil Axmed oo isna kamid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa soo hadal qaaday in kulanka uu mihiimad u lahaa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka, wax badanna uu ka badalayo xaaladda taagan.

Ra’iius Wasaare Justin Trudeau

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iius Wasaare Justin Trudeau, ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso heerka shaqa la’aanta ee dalka ka jirta.

Warbixin uu dhawaan sii daayey Machad ku yaalla Kanada ka shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in heerka soo galootiga dalka uu gaaray meel sare labo iyo tobankii sano ee la soo dhaafay haba ugu darnaadee sanadkii 2019-kii.

Qulqulka qaxootiga waxaa ka dambeeya heshiis 20 sano ka hor dhacay oo lala galay Mareykanka kaas oo lagu magacaabo Safe Third Country Agreement, kaas oo dhigaya in muhaajiriintu ay magangelyo ka codsadaan waddamada nabdoon.

Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa diiday baaqyo lagu xirayo waddada Roxam oo uga imaanayay Mareykanka, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu leeyahay kumanaan kilo mitir oo xuduud ah. Waxa uu sheegay in xiritaanka isgoyska ay noqon doonto mid aan waxba tarayn oo dadka tahriibayaasha ah ay isku dayi doonaan in ay gaaraan dhulka Canada iyaga oo sii maraya wadooyin khatar ah.