Hadiyadihii gaarka ahaa ee khaliif Haaruun al-Rashid uu siiyey boqorkii ugu awoodda badnaa yurubta galbeed ee qarniyaasha laga hadli doono

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 797, ninkii ugu awoodda badnaa dhamaan yurubta galbeed ayaa sameeyay tallaabooyin layaab lahaa oo aan caadi ahayn.
Charlemagne waxa uu ergo u diray maxkamaddii cajiibka ahayd ee khaliif Harun al-Rashid, oo ahayd maxkamaddii ugu sareysay ee boqortooyadii Islaamka.
Ujeedkiisa saxda ah ayaa noqday mid aad looga dooday.
"Waxaan heynaa xogo laga helay dad waqtigiisii noolaa kuwaas oo sababta noo sheegaya, ilahaas ayaana ah taariikh nololeedkiisa," ayuu yiri Samuel Ottewill-Soulsby.
Einhard, oo qoray buugga Vita Karoli Magni, kaasoo looga hadlayo noloshii Charlemagne-kii ugu awoodda badnaa yurubta galbeed sidoo kalena saaxiib la ahaa boqor Franks.
Einhard, waxa uu sheegay in Charlemagne, uu soo dirsaday wakiilo si uu wax uga ogaado xaaladda gobolkii ugu barwaaqada badnaa oo ay caasimad u ahayd magaalada Baqdaad.
Ninkaan ayaa ahaa hantiile sidoo kale hormariya dhaqanka iyo kor u qaadista cilmiga boqortooyadiisa, waxa ayna ahayd mid aad u awood badan oo aysan jirin cid la tartameysa.
Tani waa sheekada laba nin oo xoog badan, mid lagu tilmaamay Maroodi iyo mid lagu tilmaamay saacadda waqtiga, xogtooda oo dheeraad ah ayaana laga helayaa buugaag ku qoran luqadda carabiga.
Cadawgeyga cadawgiisa
Codsigii Charlemagne wuxuu ahaa "mid geesinimo leh ," ayuu yiri Ottewill-Soulsby, oo ah qoraaga buugga The Emperor and the Elephant.
"Charlemagne iyo Haaruun xilligaas ka hor ma aysan wada xiriirin," ayuu u sheegay BBC Mundo.
Waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo isku dayayay in ay sharaxaan ujeedooyinkii boqorkii galbeedka ee aan muslimka ahayn uu ku doonayay maroodiga iyo sababta uu khaliif Haaruun mid ugu diray.
Mid ka mid ah sababaha ayaa ahayd in xiriir isbaheysi uu ka dhaxeeyay labada hoggaamiye.
Professor Emilio González Ferrín, oo ah caalim Islaami ah kana tirsan jaamacadda Seville, ayaa sharraxay in Khaliif Haaruun uu ka xannibay ganacsiga Bizancio, oo ahaa cadawgiisa ugu weyn.
“Haaruun waxa uu go’aansaday in uu noqdo awoodda ugu sareysa aaggaas, oo ah awood aan la loodin oo dhaafsan Masar, waxa uu doonayay ayaa ahayd in uu iska xakameeyo dhinac kasta oo bannaan si aysan uga guuleysan Mongols ama Turkidu mar danbe.

Xigashada Sawirka, Getty Images
González Ferrín waxa uu sheegay in "Iyada oo la isku dayayo tijaabooyin, sawirka HaaruunAl-Rashir oo dib loo hagaajinayo in lala xiriiriyay sawirka ‘Caesar’ oo ah astaanta dowladda,"
"Arinka la ogaa ayaa ahaa in, in cadawgaaga cadawgiisa uu saaxiibkaa yahay, Haaruun oo ay cadawtinimo kala dhaxeysay Byzantium, uu isna cadow la ahaa Charlemagne, waana sababta keentay saaxiibtinimada.
"Waxaa jirtay khilaaf dhanka diimaha ah oo ka dhaxeeyay Islaamka iyo Masiixiga, waxa ayna sababtay in xuduudaha la isku dhibaateeyo oo aysan cuntooyinka gudbin," ayuu yiri González Ferrín.
Hanan Saleh Hussein, oo ah Bare sare oo Culuumta Carabiga iyo Islaamka ee Jaamacadda Pablo de Olavide ee Seville, ayaa tilmaantay in ujeedka kale ee ay labada hoggaamiye ka mideysnaayeen uu ahaa in la burburiyo amiirradii Umawiyiinta ee Córdoba.
Maroodigii Abul-Cabaas
Charlemagne-kii ugu awoodda badnaa yurubta galbeed ayay taariikhyahannadu ugu yeeraan "aabbaha Yurub" ee masiixiyiinta, iyadoo lagu tilmaamay mala-awaal kale oo ku saabsan habka uu u wajahay Haaruun.
Sida uu sheegay Xuseen, Boqorkii aan muslimka ahayn wuxuu soo diray saddex ergey, laakiin laba ka mid ah ayaa dhintay markii ay soo laabteen.
Mid kamid ah waxa uu ahaa Isxaaq kaas oo ahaa turjumaan Faransiis ah oo asalkiisu Israa'iil ka soo jeedo oo loo diray waqooyiga Afrika, isagoo masuul ka ahaa fulinta rabitaanka khaliifka, iyo daryeelka xayawaanka, ayuu u sheegay BBC Mundo.
Sanadkii 801, Charlemagne waxa uu helay xog ku saabsan in maroodigu uu u dhaw yahay.

Xigashada Sawirka, Billy Hustace/Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maroodiga Abul-Abbas wuxuu yimid maxkamadda Charlemagne ee Aachen (Jarmalka) sannadkii 802.
"Xogo dahsoon ayaa sheegaya in awood cajiib ah uu lahaa Haaruun al-Rashid," ayuu yidhi González.
Waxa uu ahaa maroodigii ugu horeeyay ee Charlemagne ee Yurub arkay.
Qarniyo ka hor, Hannibal iyo ciidamada Carthaginian waxay maroodi u adeegsan jireen dagaalladii ay kula jireen dadka Jasiiradda Iberian iyo ciidankii Roomaanka ee waqooyiga Talyaaniga.
Maroodiga ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Aasiyaan.
"Diiwaanka wakhtiga Haaruun ayaa noo sheegaya in maroodiyaasha kaliya ee la dhaqdo ay ka yimaadeen Hindiya ," ayuu yiri Ottewill-Soulsby.
Waxaa la rumeysnaa in maroodigu uu ka soo safray masaafo fog oo ah ilaa Hindiya, laakiin safarkii dheeraa ee ilaa Jarmalka ma uusan ahayn waxa ugu adag ee uu la kulmay.
"Tan iyo markii maroodiga loo adeegsanjiray dagaalada xilliyadii hore," Hussein ayaa xusay,
"Tan iyo markii maroodiga loo isticmaali jiray waayihii hore hub lagu weeraro," Hussein ayaa xusay, in Charlemagne uu ogsoonaa in Abu-Abbas ololaha dagaalka ee ka dhanka ah Vikings uu u isticmaali jiray.
Cimilada jarmalka oo uusan la qabsan ayaa ku kaliftay in maroodiga uu xanuunsado, sanadkii 810, ayuu ku dhintay waqooyi-galbeed Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caqabadihii iyo waxa laga bartay
Ottewill-Soulsby, oo aan si buuxda ugu qanacsanayn aragtida isbahaysiga milatari ee u dhexeeyay Charlemagne iyo Haaruun, wuxuu u arkaa hadiyadda khaliifka mid muujineysa awood jilicsan.
"Haaruun ayaa ahaa mid awood leh oona guuleystay waqtigiisii awoodiisa ayaana ka badan inta aan qiyaaseyno," ayuu yiri.
Sannadkii 786, isaga oo 20 jir ah ayuu la wareegay xukunka waxa uuna madax ka noqday boqortooyada taas oo ku fidsaneyd galbeedka Mediterranean ilaa Hindiya.
Balse can kama ahayn Baghdad," ayuu yiri taariikhyahanku, inkasta oo magaalada Ciraaq ay ahayd caasimadda rasmiga ah, balse Haaruun ayaa go’aansaday sanado inuu ku noolaado Al-Raqa, Suuriya.
Haaruun waxa uu ku fiicnaa xiriirka dadweynaha iyo arimaha ciidamada, isagoo muujinayay in uu yahay wadaad diimeed iyo dagaal yahan qax ku taagan.
Waxa uu sidoo kale lahaa xiriir dhanka dibadda ah, isagoona mar ergo u diray Shiinaha, inkasta oo aysan sababta cadayn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo safarada qaar lagu sheegay in hadiyado la is dhaafsaday, sidoo kale Haaruun waxa uu hadiyado u dhiibi jiray qaar kamid ah boqorada kuwaas oo aanan Islaam ahayn.
Safar kale ayuu khaliifku soo diray cadar, xawaash iyo maryo qaali ah. "Waxa uu sidoo kale soo diray shaxda chess, kii ugu horreeyay ee Yurub," ayuu yiri González.
González ayaa sheegay in Haaruun uu awoodaha dhanka sharciga ah xooga saaray isaga oo ku saleeyay dhaqanka, sidoo kale waxa uu dhisay adeegyada qaranka.
Waxa uu dhisay xarumo waxbarasho iyo kuwo lagu kobciyo garaadka, waxaa kamid ah maktabadda weyn ee Baghdad, goobtaas ayaana noqotay xarunta ugu weyn ee garaadka waxa loo yaqaan 'Golden Age of Islam.
Khaliifku waxa uu helay shaqooyinkii Giriiggii hore iyo Faariskii isagoona u tarjumay Carabi.
Boqortooyadiisa ayaa noqotay mid ku tilaabsatay hormarro cilmiyaysan oo aan caadi ahayn.













