Sababta ay dumarkan Soomaalida u badan u doonayaan in ay dabaal bartaan iyo dowladda Sweden oo caawineysa

Xigashada Sawirka, CVLife
Dowladda Sweden gaar ahaan maamulka Degmada Järva ee magalaada Stockholm ayaa tababar dabaasha ah u furay hooyooyin Soomaali ah si ay carruurtooda u bad-baadsadaan xilliyada dabaasha isla markaana ay qudhoodu uga faa’iideystaan.
Hooyooyinka ayaa dirsaday codsi ah in la siiyo tababarkan si ay carruurtooda u caawiyaan iyada oo si gaar ah dumarka oo kaliya loogu qorsheeyay.
Tababarka oo loo qorsheeyay in uu socdo muddo dhowr bilood ah ayaa horraanta Bishan September bilaabanaya iyada oo in kabadan labaatan hooyooyin ah ay ilaa iyo haatan isasoo diiwaan geliyeen.
Dowladda ayaa bixineysa kharashaadka ku baxaya koorsooyinkan iyada oo sidoo kale ay bixinayaan macallimiin ay dowladdu shaqaaleysiisay.
Guddoomiyaha degmada Järva Cabdirashiid Maxamed ayaa BBC-da uga warramay waxa uu ku billowday barnaamijkan iyo sababta keentay in loo baahdo.
“Ka maamul ahaan kadib markii ay codsi noosoo dirsadeen hooyooyinka degmada, waxa aan u furnay casharro dabaal si ay naftooda iyo carruurtoodaba ugu caawiwaan, waxaa jira in horay aan u bixin jirnay casharradan haddana dib ayaan u bilownay maadama hooyooyin badan ay ka faa’iideysteen”, ayuu yiri Gudoomiye Rahsiid.

Xigashada Sawirka, Rashid
In kabadan 90 kun oo qof ayaa deggen degmada Järva ee magaalada Stockholm, iyada oo dhammaan hooyooyinka deggen ee isugu jira Soomaalida iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ay qayb ka yihiin tababarkan ay dowladdu u qoondeysay.
“Maadaama ay degmada deggenyihiin 92 kun oo qof barnaamjkan waxa aan ugu tala galnay in ay dumarka oo dhan ka qayb qaataan uma furna oo kaliya dumarka Soomaalida balse waa wax degmada oo dhan ay leedahay”, ayuu sii raaciyay gudoomiye Cabdirashiid Maxamed.
Guddoomiyuhu waxa carrabka ku dhuftay in muhiimadda ugu weyn ee barnaamijkan ee ay haweenku usoo codsadeen ay tahay in xilliyada kuleylaha ee carruurta la geeyo meelaha dabaasha aysan cabsi ka qabin in ilmahooda ay caawiyaan amaba ilmaha yar laftiisa ay baraan dabaasha.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay in hooyooyinka degmada Jarva ay isku bartaan maadama ay carruurtoodu yihiin isku waxbarasho sidoo kalena looga gol leeyahay is dhex gal bulsho oo guud.
Faa’idooyinka Caafimaad Ee Dabaasha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah faa'iidooyinka caafimaad ee ka marag kacaya awoodda guud ee dabaasha ayaa ah waxa ay u qabato halbowlayaasha. Sida xididdada dhiigga. Cudurrada ku dhaca wadnaha, waxaa sababa xannibaadda halbowlaha. Halbowlayaasha dhiigga kaliya kama soo qaadaan qayb ka mid ah jirka oo keliya, waxay sidoo kale xoojiyaan garaaca wadnaha, ballaarinta iyo dib u gurashada marka ay tan sameynayaan.
Marka aad si xoog leh u dabbaalanayso, waxaad isticmaalaysaa muruqo badan taas oo faa’iido kale kuu leh.
Dabaashu sidoo kale waxay kaa caawin karaan inaad noolaato wakhti dheer sida ay cilmi baareyaashu sheegayaan.
Daraasadaan ayaa waxaa ay ka faaloonaysaa faa’idada la hubiyay ee dabaalashadu ay leedahay, waxaana ay ku baaqeysaa in la joogteeyo si caafimaadka jirka loo ilaaliyo.
Daraasdaan waxaa ay muujineysaa qeybaha sida gaar ah caafimaad ahaan ay ugu wanaagsan tahay dabaalashada.
Sidoo kale cilmi baareyaashu waxa ay qabaan dabaashu inay tahay mid caafimaad ahaan u wanaagsan kala goysyada.













