Dal ka mida kuwa ugu qanisan caalamka oo dadkiisu si naxdin leh ugu dhimanayaan kelinimo

Japan

Xigashada Sawirka, Jiro Akiba/ BBC

Ku dhawaad 40,000 oo qof ayaa kaligood ku dhintay guryahooda dalka Japan qeybtii hore ee sanadka 2024-ka, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliiska dalkaas ku yaalla Aasiya.

Tiradaas, ku dhawaad 4,000 oo qof ayaa la helay in ka badan hal bil ka dib dhimashadooda, 130 qof oo mayd ah ayaan la helin wax ka badan hal sano ka hor inta aan la helin, sida ay sheegtay Hay'adda Bilayska Qaranka.

Japan ayey ku nool yihiin dadka ugu da'da weyn adduunka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Saraakiisha ayaa rajeynaya in warbixintooda ay iftiimin doonto dhibaatada sii kordheysa ee waddan ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo waayeel ah oo keligood dhimanaya.

Sida laga soo xigtay xogta Hay'adda Booliska Qaranka, wadar ahaan 37,227 qof oo keligood noolaa ayaa meydkooda laga helay guriga qeybtii hore ee 2024, iyada oo dadka da'doodu tahay 65 ama si la xisaabiyey ka weyn 70%.

In kasta oo qiyaastii 40% dadka keligood dhintay la helay maalin gudaheed, haddana warbixinta booliisku waxay daaha ka qaadday in ku dhawaad 3,939 mayd la helay in ka badan hal bil ka dib dhimashaddooda.

Dadka ugu badan waxay da’adoodu tahay 85 sano jir ama ka weyn, waxaana ku xiga kuwa da'doodu u dhaxayso 75 ilaa 79 sano jir.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dadweynaha Japan ee NHK, booliisku waxay ku wareejin doonaan natiijooyinkooda guddi dawladeed oo baaraya dhimashada aan la caawin.

Dhib aan xal lahayn

Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Horraantii sanadkan, Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Dadweynaha iyo Amniga Bulshada ee Japan ayaa sheegay in tirada waayeelka da'doodu tahay 65 iyo ka weyn ee keligood nool la filayo inay gaaraan 10.8 milyan sanadka 2050, ama 20% qoysaska.

Wadarta tirada qoysaska hal qof ah ayaa lagu qiyaasay inay gaarto 23.3 milyan isla sanadkaas.

Bishii Abriil, dawladda Japan waxay soo saartay sharci wax looga qabanayo dhibaatada kelinimada iyo go'doominta ee dalka ragaadisay muddo tobanaan sano ah, taas oo qayb ahaan ay sababtay dadkeeda da'da ah.

Japan ayaa muddo dheer isku dayday inay ka hortagto gabowga iyo tirada dadka ee sii yaraanaya, laakiin isbeddelku wuxuu caddaynayaa inay adag tahay in la maareeyo.

Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sanadkii hore sheegay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay inuu u shaqeyn waayo bulsho ahaan, sababtoo ah heerka dhalmada oo hoos u dhacay.

Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah wadamada deriska la ah waxay la kulmaan caqabado isku mid ah oo xagga tirakoobka ah.

Sanadkii 2022-kii , dadka Shiinaha ayaa hoos u dhacay markii ugu horeysay tan iyo 1961, halka Kuuriyada Koonfureed ay si isdaba joog ah u sheegtay heerka ugu hooseeya ee dhalmada adduunka.

Japan ayaa ku jirta dalalka ku hormaray warshadaha ee G-7, waana mid ka mid ah dalalka adduunka wax soo saarka warashadoodu yahay mid sare.

Japan waxay leedahay dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn adduunka, ka dib markii ay gaartay kobac cajiib ah qeybtii labaad ee qarnigii 20aad ka dib burburkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Doorkeeda beesha caalamka waa mid la taaban karo. Waa deeq bixiye weyn oo gargaar ah, waana isha laga helo raasamaal iyo deyn caalami ah.

In ka badan afar meelood saddex meel dadku waxay ku nool yihiin magaalooyin fidsan oo ku yaal cidhifyada xeebta ee afarta jasiiradood ee buuraleyda ah ee Japan.