Guurka amiiradda Norway iyo saygeeda oo ka dhacay galbeedka dalkaas ka dib maalmo dabaal-degyo ah

Norway

Xigashada Sawirka, REX/Shutterstock

Amiirad Märtha Louise oo u dhalatay dalka Norway ayaa guursatay Shaman Durek Verrett oo u dhashay dalka Maraykanka, basle aroorskooda ayaa ahaa mid kala qaybiyay dalkaasi.

Lamaanahan ayaa isku guursaday xaflad gaar ah oo ka dhacday hotel ku yaalla magaalada Geiranger ee galbeedka Norway Sabtidii kadib laba maalmood oo dabaal deg ah.

Arooska ayaa u dhacay si ka duwan hab arooseedka boqortooyada oo ay dad weyne badan wadooyinka ugu dabaaldagaan basle arooskan ayey ka qayb galeen tiro dad ah oo yar.

Shaqaale dukumeenti ah oo ka socda Netflix ayaa sawiro qadayey. Joogitaanka labada shirkadood ee waaweyn ee warbaahinta ayaa dhaliyay xoogaa muran ah, iyadoo xarumaha maxalliga ah inta badan laga saaray.

Waalidiinta amiirada, King Harald iyo Queen Sonja, ayaa ka soo qayb galay xafladda arooska oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada Norway, iyo sidoo kale amiirraddo iyo amiirro ka kala socday dalalka Sweden iyo Holland.

Norway

Xigashada Sawirka, Reuters

Amiiradda Märtha Louise ayaa ah gabadha ugu weyn labada carruurta ah ee uu dhalay Boqorka Norway ee Harald, waxay horrey isku qabeen qoraagii geeriyooday Ari Behn, iyadoo u heysa saddex gabdhood - Maud, Leah iyo Emma. Labadooda ayaa kala tegay sanadkii 2017. Mr Behn, oo ka sheekeyn jiray inuu la daalaa-dhacayay isku buuq, ayaa geeriyooday sanadkii 2019-kii

Ku dhawaad 350 qof oo marti ah ayaa ka soo qayb galay isu imaatinka sabtida, in kasta oo aanay jirin wax caddaynaya in Mr Verrett uu sheegay in qosykiisa ay ka mid yihiin martida oo ka yimi Maraykanka.

Dad kale oo caan ah oo qaybtood baraha bulshada caan ka yihiin iyo wariyaal ay ka mid atahay xiddigadda Mareykanka u dhalatay ee Cynthia Bailey ayaa ka qayb gashay guurka.

Amiirad Märtha Louise, waa 52 sano jir saygeeda Mr Verrett, oo aan noqon doonin amiir ka dib arooska, waxay inay isku doonan yihiin ku dhawaaqeen sanadkii 2022-kii

Xiriirkooda ayaa dhaliyey kala qaybsanaan gudaha Norwey, boqor Harald ayaa horrey ugu sheegay saxafiyiinta Norway in Mr Verrettt uu yahay “nin weyn” labadooduna ay “aad isula qosleen, xitaa xilliga adag”

Norway

Xigashada Sawirka, Reuters

Sannadkii 2022, qasriga Norway ayaa ku dhawaaqay in Märtha Louise ay "ka tanaasusho doorkeeda dhiiri galinta " iyadoo iyada iyo Verrett laga doonayeen inay "si cad u kala saaraan hawlahooda iyo Aqalka Boqortooyada Norway" iyo inay ka hortagaan isfaham la'aanta ku saabsan Aqalka Boqortooyada.

Wixii markaas ka dambeeyay labadan lamaane waxay dhaleeceyn kala kulmayeen qasriga iyo xubnaha baarlamaanka Norway oo lagu eedeeyay in ay ku xiriiriyeen dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo heerka boqornimada ee amiiradda.

Kristi Marie Skrede, oo ah wariyaha boqortooyada Norway ee NRK TV, ayaa sheegtay in xiriirkooda labada shaqasi uu sababay khilaaf ka dhex jira qoyska boqortooyada, iyo sidoo kale muran dadweyne.

Sanadkii lasoo dhaafay, Märtha Louise ayaa BBC u sheegtay in caqabado badan ay kasoo gaartay markii ay go'aansatay inay qaaddo waddo ka duwan tan boqortooyada.

Norwey

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boqorka Norway Harald iyo Boqorada Sonja ayaa ka qeyb galay meherka gabadhooda

Dhanka kale, Mr Verrett ayaa sheegay inuu yahay ninka loo soo diray jiilka lixaad, isagoo sida Amiiradda sheegay inuu leeyahay mucjisooyin u gaar ah.

Wareysi uu la yeeshay wargeyska Vanity Fair, ayuu ku sheegay inuu soo noolaaday isla markaana markii uu carruur ahaa uu qof qaraabadiisa ah uu saadaaliyay inuu maalin uun guursan doono amiiradda Norway.

Amiirad Märtha Louise, ayaa ku dhawaaqday xiriirka ay la leedahay Mr Verrett kadib qoraal ay soo dhigtay barta Instagram sanadkii 2019. Iyadoo rajeyneysa inay cambaareyn uga timaaddo, ayaa waxay raacisay: "Qaarkiin dareemaya inay wax cambaareeyaan: Dib isku dhiga. Idinma quseyso inaad wax ii doortaan amaba i xukmisaan. Daaci Durek waa nin aan jeclahay inaan waqtigeyga la qaato kaasoona i qanciya."

Norway

Xigashada Sawirka, Reuters

Markii ugu horreysay ee lagu dhawaaqay inay is alkunteen, weriyaha telefishinka Norway ee NRK ayaa sheegay in Mr Verrett uu usoo wareegi doono Norway uuna ku biiri doono qoyska boqortooyada isagoo aan wax mansab ah ku lahayn. Isaga iyo Märtha Louise ayaa la sheegay inay haatan guri ka iibsadeen Norway.