Amiiradda Japan: Naga dhex baxa aniga iyo jaceylkeyga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tallaabadan ay ku dhaqaaqday Amiiradda Japan ee Mako, oo guursatay ninkii ay jecleyd inkatsoo ay cambaareyn kala kulmeysay ayna lumisay mansabkeedii boqortooyada, ayaa waxay indhaha u kala furtay haweenka kale ee boqortooyada ka tirsan ee aan sida Mako ugu dhiirran damacooda.
Amiirad Mako, oo uu adeer u yahay Boqorka Japan Naruhito, isla markaana 30 jir ah, ayaa ku guda jirta maalmaha arooskeeda.
Ugu horreyn, iyada iyo gacaliyaheeda, Kei Komuro, ayaa hor tagay boqorka iyo boqoradda oo ay xushmad u muujiyeen. Kaddib, sida lammaane kasta oo kale, waxay tageen xafiiska guurka ee gobolka halkaas oo ay isku guursadeen iyagoo dhigtay xaflad iska caadi ah.
Galabtii maalintaas, Mako Komuro, oo noqday magaceeda cusub, ayaa warbaahinta la hadashay waxayna sheegtay inaysan aqbali doonin cambaareynta naxariis darrada ah ee lagu sheegayo in guurkeeda uu khalad yahay isla markaana seygeeda Kei uu yahay "qof aad qaali u ah oo aan beddelkiisa laga heleyn dunida", iyadoo sheegtay inaysan ku qasbaneyn in qof walba ay u jawaabto.
Xaqiiqdii, Mako ayaa loo arkaa qof nasiib badan oo fursad u yeelatay inay gaarto go'aan ama ha saxnaado amaba ha khaldanaadee.
Sababtoo ah si ka duwan iyada, haweenka boqortooyada ka tirsan, oo ay ka mid tahay ayeydeed Michiko, habaryarteed Masako iyo hooyadeed Kiko, fursad uma helin inay noloshooda go'aan ka gaaraan.
Michiko, oo 23 jir ahayd, oo boqorkii hore ee Akihito uu arkay isagoo cayaarta teeniska dheelaya xilli uu dhaxal-suge ahaa sanadkii 1958 sanad kaddibna uu guursaday, ayaa jebisay rikoor iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee shacab ah ee gala boqortooyada Japan oo xilligaas jirtay 2000 oo sano.
Si kastaba, xaaskiisa, hooyada Akihito, oo ah ayeeyada dhashay aabbaha Naruhito, bqoorad Kojun ma aysan aqbalin guurkaas waxayna sheegtay inaysa wiilkeeda u qalmin. Taas waxaa ka dhashay, in Michiko ay la soo deristo xaalad maskaxeed 30 sano kahor, mar ayuu xitaa codku ka xirmay. Waxay sheegtay in sanadkii afaraad ee guurkeeda ay mar ilamaha iska soo ridday.
Sanado kaddib, wiilka ay ayeeyada u tahay ayaa wajahay isla xaaladdaas.
Warbaahinta iyo bulshada Japan ayaa cambaareeyay caruuska Kei Komuro iyagoo dhaleeceynaya timihiisa iyo xaaladda dhaqaale ee hooyadiis, iyagoo ku sheegay inuu yahay qof ugaarsanaya xaas lacag leh. Qaar ka mid ah dadka Japan ayaa xitaa waddooyinka la dhex marayay boorar ay ku muujinayaan inay guurkaas ka soo horjeedaan. Xaalad maskaxeed oo ay Mako ka qaaddaay cambaareyntaas ayaa sababtay in laga helo xanuunka PTSD oo ka dhasha isku buuq maskaxda ah.
Dhaqtarkeeda ayaa sheegay in Mako ay dareemeyso in la liiday sumcaddeeda shakhsiyadeed isla markaana ay dareemeyso inay tahay qof aan waxba tareynin.
Waxaa xaqiiq la ogyahay ah in guurka ka dhex dhaca boqortooyada ee ay xitaa meel mariyeen dadka Japan, in cadaadiska ay la kulmaan haweenka boqortooyada ka tirsan uusan dhammaan, waxaa lagu cadaadiyaa inay jirkooda ka shaqeeyaan ana noqdaan xaas iyo hooyo fiican, haweenka ku biira boqortooyadana dib dambe uma dhoolla-caddeeyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tusaalaha ugu wanaagsan ee arrintan waa Boqorad Masako, xaaska Boqorka Japan.
Gabadha ay soddohda u tahay Michiko, Masako, waxay ka qalin jebisay Jaamacadda Harvard waxayna ahayd diblomaasi, iyadoo guurka ka aqbashay Naruhito oo markaas ahaa dhaxal-suge kaddib lix sano oo ay sugeysay iyadoo walaac ka qabtay in xirfaddeeda iyo nolosheed ay halkaas ugu dhammaan doonto.
In Naruhito uu daacad u noqon doono; iyo hay'adda arrimaha boqortooyada ee maamusha maxkamadda Japan ayaa xoogaa rajo ah ku beeray Masako.
Isla markii ay guursatay, Masako way ka qarsoontay indhaha bulshada, waxaana la saaray cadaadis ah in doorkeeda uu yahay inay keliya ilmo u dhasho boqorka Japan. Masako ayaa markii ugu horreysay ay ilmo ka soo dilmeen iyadoo kaddib sanadkii 2001 dhashay gabar.
Gabadha Masako, Amiirad Aiko, ayaa sheegtay in dacaayado ay kala kulmi jirtay iskuulka, isla markaana ay xitaa muddo bil ah fasxa ka qaadatay iskuulka si ay maskaxda u dejisato.
Amiirads Aiko, oo haatan 19 jir ah kuleejna dhigata, ayaa la daalaa dhaceysa dhibataooyinka ay la kulmaan haweenka boqortooyada ka tirsan. Waxaa loo maleynayaa in qudheeda ay guursna doonto qof aan ka soo jeedin boqortooyada, sababtoo ah haddii ay Mako meesha ka baxday, keliya 17 xubnood ayaa ku soo haraya boqortooyada. Midkoodna gayaan uma aha Aiko.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xaqiiqdii, Mako ma aha amiiraddii ugu horreysay ee Japan ah oo ka tanaasusha mansabkeeda boqortooyada kaddib markii ay guursatay qof aan qoyska ka soo jeeidn.
Sanadkii 2018, mid ka mid ah walaalaheed, waa Amiirad Ayako, ayaa sidoo kale guursatay ganacsade lagu magacaabo Kei Moriya kana baxday boqortooyada.
Horraantii sanadkii 2005, Amiirad Sayako, oo ah gabadha ka weyn Boqor Naruhito ahna gabadha keliya ee boqorkii hore Akihito, ayaa iyadoo 37 jir ah guursatay wiil ay jaamacadda isku barteen, oo lagu magacaabo Yoshiki Kuroda oo 39 jir ah, kaas oo dowladda hoose ee Tokyo u shaqeynayay.
Sayako ayaa ku qasbanaatay inay barato waxyaabo fudud sida kaxeynta gawaarida iyo inay ka soo adeegato dukaamada si ay bulshada u dhex gasho.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkastoo taageero iyo jaceyl loo muujiyay Amiirad Sayako iyo Amiirad Ayako, waxaa jira waxyaabo ay kaga duwan yihiin Mako, oo aan iyada sidaas oo kale loola dhaqmin, waxaana ka mid ah in seyga Sayako uu yahay nin caan ah oo ay ansixiyeen boqortooyada iyo bulshaduba.
Inkastoo, Sayako iyo Ayako ay lammaanahooda ka barteen qoyska dhexdiisa amaba iyadoo ay qoysku la socdaan, haddana qoyska Mako wax aqoon ah uma laha hooyada Kei Komuro oo ah carmal seygeedu geeriyooday. Inkatsoo qoyskeedu ay u muuqdaan inay aqbaleen guurka Mako, haddana waxay hor dhigeen shuruud adag oo ah in marka hore ay dadka Japan ansixiyaan guurka.
Waxaa intaas dheer, waxaa jira dad badan oo u qaba in Mako ay sameysay khalad weyn markii ay guursatay Kei Komuro, inkastoo ay tahay qof caan ah oo boqortooyada ka tirsan oo aan hore loogu ogeyn dembi ay gashay.
Boqortooyada Japan oo jirtay laga so bilaabo 660 BC, ayaa loo yaqaannaa inay tahay boqortooyada ugu muddada dheer adduunka.
Xaqiiqdii, wax micno ah ma sameyneyso in qofka shacabka ah ee soo galaya boqortooyada uu yahay nin ama haweeney, ee wuxuu la kulmaan isla dhaqankaas iyo cambaareyntaas.

Xigashada Sawirka, AFP
Taageerayaasha Mako ayaa si qarsoodi ah ugu eedeeyay qoyska boqortooyada inay cidlo uga tageen iyada. Si kastaba, qoyska ayaa qudhoodu uu cadaadis heystaa sababtoo ah waxaa lagu qasban yahay in la beddelo sharciga Japan si aysan haweenka boqortooyada ka tirsan u guursan qof qoyska ka baxsan oo aysanna u lumin mansabkooda.
In la beddelo sharci sidan oo kale ah, oo haweenka boqortooyada ka tirsan ka hor istaagaya inay lumiyaan mansabkooda, ayaa labo jeer ajanadaha lagu soo daray.
Iyadoo xubnaha boqrtooyada ay sii gaboobayaan, caafimaadka maskaxda haweenkana uu ka sii darayo sababo la xiriira inay cadaadis kala kulmaan inay wiil dhalaan amaba ay noqdaan xaas fiican, ayaa dowladda Japan waxay walaac ka qabtaa in mustaqbalka dhow uusan jiri doonin nin boqor ka noqda Japan.
Mas'uuliyadda la wareegidda boqortooyada waxay haatan saaran tahay Hisahito, oo ah 15 jir dugsi sare dhigta, waana qofka labaad ee dhaxal-sugaha ah marka laga soo tago aabbihiis.
Lammaanaha Mako iyo Kei Komuro, ayaa ka dhur sugayay inay is guursadaan tan iyo sanadkii 2017-kii, waxayna haatan sugi la'yihiin inay dalka ka baxaan oo ay aadaan New York, oo uu Kamuro oo qareen ah ka shaqeeyo.










