Maxay yihiin mamnuucista khusaysa ragga iyo dumarka ee ku jira shuruucda adag ee Taalibaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taalibaan ayaa soo saartay shuruuc cusub oo todobaadkii hore la ansixiyey, waxayna sheegeen in looga gol-leeyahay in “wanaaggana lagu dhiiri galiyo, xumaantana lagu suuliyo”, laakinse Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay inay yihiin kuwo cabsi leh.
Waxaa ka mid ah waxyaabaha shuruucda ku jira dumarka oo laga mamnuucay in ay codkooda kor u qaadaan, wajiyadoodana aysan bannayn marka ay joogaan meel aan gurigooda ahayn.
Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sheegay in shuruucdaas ay ka bixinayaan “sawir cabsi leh mustaqbalka Afghanistan”.
Shuruucda cusub waxaa ansixiyey hogaamiyaha dalkaas Haibatullah Akhundzada.
Wasaaradda arrimaha quluubta oo hore loogu yaqaannay magaca wasaaradda faafinta wanaagga iyo kak hortagga sharta, ayaa sheegtay in qofna uusan sharcigan gaar u ahayn.
Sharciga waxaa ku jira in codka dumarka uu yahay ‘shar’ haddii kor loo qaado ayadoo joogta goobaha bulshada ka dhaxeeya, Sharcigu wuxuu leeyahay “marka haweeney qaangaar ah ay gurigeeda uga soo baxdo sabab lagama maarmaan ah waa inay qarisaa “codkeeda, wajigeeda iyo jirkeeda”.
Wasaaradda waxay horeba u dhaqan gelisay xeerka anshaxa ee ku salaysan shareecada, waxaana la sheegay in kumanaan qof loo xirxiray in aysan u hogaansamin.
Sharcigu muxuu ka yiri dumarka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shuruucda, sida ay Taalibaan sheegeen, waa kuwo waafaqsan qaabka ay shareecada u fasireen, wasaaradda anshaxana waxay mas’uul ka tahay in la dhaqan galiyo.
Waxay ku salaysan yihiin shuruucdaas amarkii uu soo saaray 2022 hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban, waxaana haatan laga dhigay kuwo rasmi ah.
Sharciga wuxuu sharraxayaa sida ay dumarku u dabooli karaan jirkooda oo dhan, waxaana ku jira wajigooda, si looga baaqsado in ragga hawo iyoshaydaan ay qaadaan, waxaana ka mid ah:
In dumarka codkooda loo arko inuu cawro yahay, oo aysan ahayn in dadkoo dhan ay maqlaan.
In dumarku aysan heesin, ama aysan cod dheer wax ku akhrin xataa marka ay guryahooda joogaan.
In dharka ay dumarku jiranayaan aysan noqon kuwo khafiif ah, gaaban ama ku dheggan jirkooda.
Waa in dumarku ay jirkooda iyo wajiyadooda ka qariyaan ragga aan qabin ama aysan ahayn ehel wada dhashay.
Ragga waxaa ka reebban inay eegaan jirka iyo wajiyada dumarka, iyo sidoo kale dumarka qaangaarka ah in aysan eegin jirka ragga.
Xeerarka cusub ee ragga
Shuruucda cusub ee anshaxa waxaa sidoo kale ku jira xeerar cusub oo ragga khuseeya:
Waa inay qariyaan jirkooda inta u dhaxaysa xuddunta ilaa iyo jilbaha marka aysan gurigooda joogin, ayadoo qaybahaas loo arko inay cawro yihiin.
Ragga looma ogola inay timaha u jartaan si ka soo horjeedda shareecada.
Taalibaan waxay ka mamnuuceen timajareyaal ku yaalla dhowr gobolinay jaraan ama gaabiyaan garka, ayagoo sheegay in amarkaas uu shareecada waafaqsan yahay.
Sida ay shuruucda cusub dhigayaan, garku waa inuu dhererkiisu le’eg yahay calaacal.
Xeerarka anshaha waxay ka mamnuucayaan ragga in ay qoorxir xirtaan.
Maxay yihiin Muxtasabiin

Xigashada Sawirka, AP
Muxtasabiin waa booliska anshaxa, waxayna mas’uul ka yihiin dhaqan galinta shuruucdaas, waxayna ka shaqeeyaan gobollada oo dhan.
Maadaama hadda shuruucdan la dhaqan galiyey, awoodooda fulineed ayaa korortay maadaama ay taageero buuxda ka haystaan hogaamiyaha Taalibaan.
Waxay awood u leeyihiin inay aamusiyaan dumarka codkooda ama muusik ka soo baxaya guryahooda, ayna xiran ragga garka xiirta ama u jara timahooda si aan loo baahnayn.
Sharcigu wuxuu sheegayaa in booliska anshaxa uu awood u leeyahay inay ka hor istaagaan darawallada tagaasidainay qaadaandumar uusan la socon muramkooda, sida aabahood ama walaalkood ka weyn, ama u xijaabnayn si waafaqsan shareecada.
Ciqaabaha la mudan karo
“Ka dib tobanaan sano oo dagaal ah iyo xaalad bani aadannimo oo daran oo bartanka looga jiro, dadka reer Afgaanistaan waxay mudan yihiin waxyaabo fiican, in ka badan inta loo hanjabi lahaa ama la xiri lahaa haddii ay salaadda ka soo daahaanama ay fiiriyaan qof aysan isku jinsi ahayn oo aan ka tirsanayn qoyskooda, ama sawirka qofka aad jeceshahay” ayey tiri Roza Otunbayeva, madaxa hawlgalka gargaarka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.
Sannadki hore ayaa booliska anshaxa wuxuu xiray 13,000 oo qof maadaa ay u hogaansami waayeen shareecada.













