Dawladda Soomaaliya oo qaadday ciqaabtii ugu horreysay ee ah dambi laga galay deegaanka

Jarista Dhirta

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay geed dhowaan lagu jaray magaalada Muqdisho xilli dib u habayn lagu sameynayay waddo marta halka uu geedku ku yaallay.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaal laga soo duubay xilliga geedka la jarayay iyadoo la arkayay geedka oo cagaf la gelinayo sidaana u go’aya.

Nin lagu eedeeyay in uu ahaa qofkii cagafta waday ayey boolisku soo xireen iyada oo lagu wado in lagu maxkamadeeyo falka uu geedka ku jaray.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee booliska gobolka ayaa lagu yiri, “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmada Deyniile waxey gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdiqani Daahir shire oo si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalla xaafada gubta ee Degmada Deyniile. Waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda Awoodda uleh”.

Wasaaradda deegaanka iyo cimilada oo war saxaafadeed soo saartay ayaa ku amaantay ciidamada booliska eedeysanaha ay u soo qabteen falka geedaha lagu jaray.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo cimilada Khadiija Al-Makhsoumi oo dhowr goor oo hore ka hadashay halista ka iman karta in geedaha la jaro ayaa mar carrabka ku dhifatay in qofkii geed jaraa uu ula mid yahay ‘dadka argagaxisada ah’ sida ay sheegtay.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Janaraal Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laftigiisu ka hadlay geedka dhawaan la jaray ayaa yiri, “Geed aan u maleynayo in soddon sano uusan ka yareyn ayaa lagu jaray Dayniile, muuqaal ayaa naloo keenay aad baan uga naxnay, ciidanku wey ku mahadsan yihiin in la soo qabtay ninkii geedka jaray, waa in deegaanka la ilaaliyo waana muhiim”.

Qorshaha dhir beerista ee dowladda Xasan Sheekh

Dhir

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaadkii 2022 daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah isaga oo ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalka oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

"Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Wasaaradda deegaanka iyo cimilada ayaa iyaduna isla Bishan sii amba qaadday barnaamijka 'Soomaaliya cagaaran' iyada oo daah furtay barnaamij halku dhiggiisu yahay ‘Hal guri iyo hal geed’ kaas oo la arkayay in wasiir Khadiija Al-makhsoumi ay kor kacaysay.

“Umadda Soomaaliyeed waxa ay weli u baahan yihiin wacyi gelin badan taas oo ku saabsan dhir beerista waana mashruuca aan maanta wadno oo aan ka hir gelinnay degmada Cabdicasiis waana sii wadi doonna si aan dalka oo dhan u gaarsiinno barnaamijka Soomaaliya cagaaran, umadda Soomaaliyeed waa in ay sii wadaan arrinkan si guri kasta loogu beero geed”, ayey tiri wasiir Khadiija.

Maxay tahay faa’iidada ay geeduhu u leeyihiin dadka iyo deegaanka?

Jarista dhirta

Xigashada Sawirka, Social

Dr Cabdullahi Cilmi oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha deegaanka iyo cimilada isla markaana muddo sanado ah ka soo shaqeeyay ayaa BBC-da u warramay faa’iidada dhirta iyo waxa ka dhalan kara jarista geedaha si gaar ahna gudaha Soomaaliya.

“Geeduhu waxa ay ka mid yihiin aas-aaska nolosha aadanaha iyo guud ahaan noolaha oo dhan haddii ay ahaan lahayd oksajiinka aan qaadaneyno ama ha ahaato cimilada iyo heerkulka aaduhu uu ku nool yahay, meel aysan geedo jirin nolol majirto”

Dr Cabdullahi Cilmi waxa uu sheegay in dhir jaridda ay qayb weyn ku leedahay is bedelka cimilada, duniduna ay isla garatay mashaakilaadka cimilada ee maanta la wajahayo.

Haddii ay bataan geedaha la jaro ama dhirta la baabi’iyo khubarradu waxa ay ku tilmaameen "dhameynta nolosha".

“Meel uusan geed ku oollin qofna kuma noolaan karo, mar waa har mar waa xoolihii oo daaqaya oo hilib iyo caano laga helo, mar anaga ayaa mirihii ka cuneyna, marna waa quruxdii indhaha iyo bilicda deegaanka”, ayuu sii raaciyay Dr Cabdullahi Cilmi.

Xukunka qofka dhirta jara

Dr Cabdullahi waxa uu sheegay in meelo badan oo dunida ka mid ah ay dambiyo waaweyn ka tahay in geedaha la jaro taas oo qofkii sameeya uu ku muteysan karo ciqaab adag.

Dalalka qaar ayaa lagu tiriyaa in jarista geedaha ay kaga dembi badan tahay in guri dhan la burburiyo.

“Dalal badan oo dunida ka mid ah dadku waxa ay jarista dhirta ku muteystaan ciqaabo adag halka kuwa kalana lagu xukumo in ay beeraan boqollaal geedo ah”, ayuu yiri Dr Cabdullahi Cilmi.

Dr Cabdullahi Cilmi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka loo sameeyo wacyi gelin badan, oo la baro in geeduhu ay muhiim yihiin, isla markaana ay noqoto wax muqaddas ah in aan geed la jarin.