Ruushka oo dagaalyannadiisa kala baxaya dal ku yaalla Afrika, maxayse tahay sababtu?

Burkino Faso

Xigashada Sawirka, AFP

Ruushka ayaa billaabay inuu 100 ka mid ah dagaalyahannadiisa calooshood u shaqaystaalsha ah kala soo baxo Burkina Faso si ay gacan uga geystaan dagaalka Ukraine.

Dagaalyahanadan ayaa ka tirsan koox ka kooban 300 oo dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Bear Battalion oo ah shirkad militari oo gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ruushka, taasoo Burkina Faso soo gaartay bishii May ee la soo dhaafay si ay u caawiso maamulka militariga ee dalkaasi.

Kooxda ayaa ku sheegtay barta ay ku leedahay Telegram-ka in ciidamadoodu ay dib ugu laaban doonaan dalka si ay uga caawiyaan ciidamada Ruushka inay iska caabiyaan weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine ay ku qaaday gobolka Kursk.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ka bixitaankan uu dhiirigeliyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee Burkina Faso, oo dhawaan dlkaasi ku dilay 300 oo qof, kaas oo lagu sheegay weerarkii ugu dhimashada badnaa muddo sanado ah.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, Burkina Faso waxaa ku soo noqnoqday weerarro ay gaysanayaan kooxaha xagjirka ah, waxaan weerarraddaasi ay barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof, tallaabadaas oo ay hay’adaha gargaarku ku tilmaameen dhibaatadii ugu waynayd adduunka ee la iloobay.

Maamulka militariga ee uu hoggaamiyo Ibrahim Traore, oo xukunka kula wareegay afgambi militari bishii Sebtembar 2022-kii , ayaa balan qaaday in ay baabi’in doonaan weeraradaas, balse ma aysan ku guuleysan, xitaa ka dib markii ay iskaashi dhanka ammaanka ah la sameysteen Ruushka.

Dowladda ayaa hadda gacanta ku haysa kala bar dalka, halka weerarada ay kooxaha xagjirka ah ku beegsanayaan dadka rayidka ah iyo cutubyada ciidamada ay kordheen.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in 300 oo qof lagu dilay magaalada waqooyiga ku taalla ee Barsaaloog. Weerarkan ayaa waxaa sheegtay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dadka rayidka ah ayaa ka gacan siiya militariga qodista dhufeysyada magaalada si ay isaga caabiyaan weerarada kooxaha Islaamiyiinta ee hubeysan.

Mas’uuliyiintu ma aysan shaacin tirada dhimashada, balse wasiirka isgaarsiinta Rimtalba Jean Emmanuel Ouedraogo ayaa weerarka ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah.

Burkino Faso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guutada Bear, ee Ruushka ayaa la rumeysan yahay inay u xilsaaran tahay ilaalinta saraakiil sare oo Burkina Faso ah oo uu ku jiro Ibrahim Traore kaas oo horrey loogu hanjabay.

Dagaalyahannada Ruushka ayaa isla bishaas soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou, meel ku dhow madaxtooyada, taas oo xoojinaysa rumaynta ah in ay jiraan mucaaradad ka soo horjeeda hoggaamiyaha milatariga, kaas oo sheegay in uu fashiliyay isku daygii afgambi ee sannadkii hore.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada oo la rumeysan yahay in kooxdan ay xaqiiqsatay ayaa muujinaya hogaamiyaha ciidamada oo ay ilaalinayaan rag ku labisan darees uu ku dhagan yahay calanka Ruushka.Kooxda ayaa sheegtay in ay ilaalinayaan safiirka Ruushka u fadhiya caasimadda.

Boqol dagaalyahan oo kooxdan ka tirsan ayaa dalka ka bixi doona saddex bilood oo keliya ka dib marka ay yimaadaan.

Bixitaankooda degdega ah ayaa lala xiriirinayaa weerarkii dhawaan Ukraine ku qaaday gobolka Kursk ee Ruushka.

“Marka uu cadowgu gaaro dhulka Ruushka, dhammaan askarta Ruushku waxay illoobaan dhibaatooyinka gudaha, waxayna u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen cadowga guud,” ayuu yiri taliyaha guutada Bear Viktor Yermolayev, oo ay soo xigatay jariidada Le Monde ee ka soo baxda dalka Faransiiska.

Kooxdu waxay ku sheegtay kanaalka Telegram-ka in unuggu uu ku laaban doono xaruntooda Crimea, "sababo la xiriira dhacdooyinkii dhawaa."

Burkino Faso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Lama garanayo sida maamulka militariga ee Burkino Faso uu u maaraynayo arrintan ka dib bixitaanka kooxda Bear.

Burkina Faso, si la mid ah dalalka deriska la ah ee Mali iyo Niger, waxay la kulantaa weeraro ugu yimaada kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala gobolka Saaxil, ee koonfurta saxaraha.

Ciidanku waxay la wareegeen awooddii saddexda waddan, waxayna sameeyeen Isbahaysiga Saaxilka.

Saddexda dal waxay xiriirka u jareen gumaystihii hore ee Faransiiska, waxaayna xiriir dhow la yeesheen Ruushka oo ay hub ka iibsadeen, isla markaana ciidamada ka tirsan kooxda Wagner ay ku soo dhaweeyeen ciidooda.

Laakin kooxaha xagjirka ah ayaa kor u qaaday weeraradooda, gaar ahaan Burkina Faso, inkastoo ay qorteen dagaalyahanno badan oo ka tirsan militariga iyo mutadawiciinta ciidamada difaaca qaranka ah.