Hibo waxay wax bartay boqollaal hooyo ganacsato ah oo aan waxna qorin waxna akhryin

Xigashada Sawirka, HIBO
Hibo Maxamed Dirir oo ku nool magaalada Hargeysa, ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ayaa waxay dadaal ku bixisaa inay wax barto haweenka aysan yaraantoodii u suurtogelin inay wax bartaan.
Hibo, waxay ku dhalatay magaalada Burco, waxayna kusoo kortay miyiga.
"Jacaylkii iyo xiisihii aan u qabey inaan waxbarto oo noloshu iisuuro gelin weydey dedaal dheer, waxaana layga keenay miyi waxaana billowday nolol cusub waxaana ii bilaabantay rajo cusub, dugsi malcaamad ayaan bilowday 15 sano ka hor, waxaan bilaabay gelin waxbarasho iyo gelin muruqmaal si aan u kafeeyo nolosha qoyskeyga.
"Waxbarashadaydi hoose/sare markaan dhammeeyay waxaan dib u xasuustay dhibaatadii iyo jahligii yaraantaydii, markaa kadib waxaan ballan ku qaaday inaan wax barayo qof kasta oo jahliya kaas oo aan wax qorin waxna aqrin," ayay tiri Hibo.
Sanadkii 2021 ayay Hibo billowday inay wax barto hooyooyinka ku ganacsada suuqyada kadib markii ay aragtay baahida ay u qabaan akhriska.
"Lacag dirista ayaa ugu daran, waxaana arkay hooyooyin badan oo anoo arkaya lacagaha toos looga dhacayo," ayay tiri.
"Waxaan iibiyey dersin buug ah waxaana aan u tegay hooyooyinka suuqa jooga, kuwaas oo aan ka codsaday inaan si bilaash ah wax ku barayo weliba buugaagta iyo qalimaanta aan anigu bixinayo, nasiib wanaag way iga yeelen hawshiina sidii baan ku bilaabay."
Caqabadaha haysta
Hibo waxay sheegtay in caqabadaha ugu badan ee ay wajahdo uu yahay inaysan wax gacan ah ka helin dawladda ama dad kale oo badan oo ay kaalmo ka filaysay, gaar ahaan qof caawiya marka ay ku mashquusho howlaha u gaarka ah, sida imtixaanaadka iyo xilliyada qalin-jebinta.
"Ma lihin xafiis aan ku shirno ama nalooguso hagaago, waxaan baryaa melaha hoolalka yar yar ee suuqa si aan xiliyada qaar isugu nimadno hoyooyinka kuwaas oo marki la doono naloo diido.
"Ma lihi macalimiin i caawisa xilliyada adag ee ay igu yimadan imtixaan ama xanuun. Waxaan helaa dhaliinyaro i caawisa xilliyada qaar kuwaas oo wax ka dhiga gobollada, taas oo aniga igu waajibta inaan bas u raaco gobollada si aan uso dhiirigeliyo dhalinyarada,"
Xiliyada qalinjebinta waxaa Hibo la shaqeeya dhallinyarta taas oo ay iska ururiyaan lacagta qalinjebinta oo ay jeebkooda ka bixiyaan xilliyada qaar.

Xigashada Sawirka, HIBO
Falcelinta bulshada

Xigashada Sawirka, HIBO
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hibo waxay sheegtay in inta badan dadka ay u duceeyaan, bushaduna ay tahay tan mar walba dhiirrigelisa, kuna baaqda in loo dhiso taallo, waana falcelinta ugu badan ee bulshada, taageeridda bulshada ayay sheegtay inay u noqotay shidaal taas oo ay ku illowdo caqabd kasta oo ay la kulanto.
Hibo keliya haweenkan intay waxbarto kama dhaqaaqdo, balse waxay u qabataa xaflad qalin-jebin, halkaasoo shahaado lagu guddoonsiiyo.
"Sanad kasta waxaa qalinjebiya boqol hooyo oo wax akhriya waxna qora kuwaas oo iminka xisaabsan kara/ eegan kara lacagohooda. Waxaan arkaa hooyo mugdi ka baxday oo ku faraxsan wixii ay baratay inay kula noqotay ganacsigeeda."
"Hooyo kasta waxaan baray sida lacagta loo diro waxaana aan ku tababaray adeegyada shirkadaha taas oo aan ugu qabto tababarro toddobaadkiiba marka laga yimaado waxbarashada caadiga ah"
Waxay sidoo kale u qabataa tantamo u dhexeeya hooyooyinka si ay ugu dhiirigeliso ka qeyb qaadashadada tartanno calami ah.
Waxay sidoo kale hooyooyinka ku xirtaa bulshada ama ururrada bixiya deeqaha, kuwaaas oo u sameeyey maalgelinno calami ah oo aan amaah ahayn.

Xigashada Sawirka, HIBO
Hibo waxay sheegtay in hooyooyinka qaar aysan lacagtooda dirsan karin oo qof kale ay ka baryi jireen inuu lacagta mobeylka uga diro, xilligaasoo mararka qaar ay dhici jirtay in qofkii ay caawinaadda bidday uu isagu lacagta ka dirsado.
Somaliland inta badan waxay dadku wax ku kala iibsadaan si casri ah oo qofku telefoonka ayuu ku sitaa lacagta.
"May aqoon faa'iidada iyo khasaaraha. Lacagaha ay dadka ku leedahay meel kumay qoran jirin, taas oo sababta in lagu dafiro hadhow ama ay illowdoba. Akhrisku waxa uu u suuro geliyey inay eegayso dhaqdhaqaqa iyo hadhagaa lacagteeda."
Taas waxay ka caawisay hoohooyinkan inaysan qof kale aaminin isla markaana ay iska eegaan farriimaha beenta ah ee loo diri jiray.
"Waxaan rajaynayaa inaan helo xafiis bulshadu nagu soo booqato taas oo aan ku kaydiyo xogta hoyooyinka iyo isbeddelka. Waxaan rajaynayaa inaan yeelanno macallimiin kuwaas oo ila weyneeya barnaamaijka si aan u gaadho gobol kasta iyo hooyo kasta oo ganacsato ah.
"Waxaan rajaynayaa inaan sanadkii soo saarno wax ka badan boqolkii hooyo oo aan sanadkii 300 ugu yaraan soo saarno, kuwaas oo bartay aqoon ay ku maarreeyaan ganacsigooda oo keliya." Ayay tiri.













