Nin lagu qabtay qalfoofta madaxa bini'aadamka iyo wixii uu ka damacsanaa oo lala yaabay

Nin lagu qabtay qalfoofta madaxa bini'aadamka

Xigashada Sawirka, Noeline Nabukenya

Qoraalka sawirka, Haraadiga xayawaanka iyo maqaarkooda ayaa sidoo kale laga helay gudaha kaniisadda ninkan oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Nin u dhashay dalka Uganda ayaa la sheegay in lagu qabtay 24 qalfoofta madaxa bani’aadamka ah, kuwaasoo laga yaabo inuu u adeegsanayay waxyaabo khuraafaad ah, waxaana laga yaabaa in lagu xukumo xabsi daa’im, sida uu booliisku u sheegay BBC-da.

Nin sheeganaya inuu dawo-dhaqameed wax ku daweeyo oo lagu qabtay qalfoofta madaxa bani’aadamka

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda oo lagu magacaabo Patrick Onyango ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay, ee Ddamulira Godfrey, la marsiin doono xukunka uu qabo xeerka uga yaalla arrintan.

Haraadiga xayawaanka iyo maqaarkooda ayaa sidoo kale laga helay gudaha kaniisadda ninkan oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Booliiska ayaa weli baaritaan ku wada kaniisadda Godfrey iyagoo rajo ka qaba inay soo saaraan haraadiga bani’aadamka oo dheeraad ah.

Onyango ayaa sheegay in ninkaasi lagu xukumayo marka koowaad sida uu qabo xeerka uga yaalla dilka, kaasoo mamnuucaya in la keydsado xubnaha bani’aadamka si loogu adeegsado waxyaabaha ay aaminsan yihiin dadka ku lugta leh arrimahan.

Wuxuu intaa raaciyay in haddii dembiga lagu helo, uu muteysan doono xabsi daa’im.

Mr Godfrey ayaa sheegta inuu yahay dhaqtar daaweynta dabiiciga ah. Si kastaba, ururka yak u mideysan yihiin dadka wax ku daweeya dhirta ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsan yahay.

Ma aha markii ugu horreysay ee arrin sidan oo kale ay dhowaan ka dhacdo Uganda.

Bishii lasoo dhaafay, booliiska ayaa 17 qalfoofta madaxa bani’aadamka kasoo saaray kaniisad ku taalla degmada Mpigi, oo ilaa 41km u jirta Kampala.

Labadan dhacdo ayaa lala xiriiriyay in lagu fulinayay caado-dhaqameedyo.

Dadka qaar ee ku nool dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa aaminsan in waxyaabaha laga sameeyay xubnaha bani’aadamka ay usoo jiidayaan nasiib wanaagsan, tusaale ahaan inay taajir ku noqonayaan, amaba ay ku habaari karaan cadowgooda.

Dhanka kale booliiska Tanzania, ayaa soo qabtay afar qof oo uu ku jiro nin dhirta dadka ku daweeya, waxaana loo heystaa dilka 10 qof.

Dadkan ayaa qaarkood la daldalay, nolosha lagu aasay qaar kalena la gubay.

Booliiska Tanzania

Xigashada Sawirka, Noeline Nabukenya

Qoraalka sawirka, Dadkan ayaa qaarkood la daldalay, nolosha lagu aasay qaar kalena la gubay.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la ogaaday in saddex meyd lagu aasay guriga ninka sheeganaya dhaqtarka isku daaweynta dhirta oo ku yaalla gobolka Singida halka lix kalena lagu aasay degmada Chemba ee gobolka Dodoma, meydka kalena ayaa lagu tuuray keymaha Swangaswanga ee isla gobolka.

David Misime, oo ah afhayeenka booliiska ayaa sheegay in 9 ka mid ah 10-ka meyd la aasay iyagoo meel lagu fadhiisiyay, taaoso muujineysa in looga gol lahaa khuraafaad ay aaminsan yihiin dadka falkan ku kaay.

Misime ayaa sheegay in dhammaanba arrimahan uu horkacayay ninkan dhaqtarka isku daweynta dhirta sheeganaya, iyadoo kadib markii baaritaan lagu sameeyay geerida saddex qof oo meydkooda laga soo saaray gurigiisa, uu ninkan ciidamada tusay halka lagu aasay lixda kale isagoona qirtay dembiga dilka.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas la helay la dilay iyagoo la daldalay, qaarna nolosha lagu aasay halka kuwa kalena la gubay.

Si kastaba, lixda meyd ee lagu aasay Dodoma, labo ka mid ah ayaa ahaa carruur la dilay lana aasay intii u dhaxaysay bilihii March iyo June ee sanadkii tegay, iyadoo mid ka mid ah labada carruur uu ahaa wiilka nin kale oo dadka ku daweeya dhirta.

Ciidamada ayaa sheegay inay sii wadaan baaritaanka dhacdooyinkan isku xiran ee labada degmo ka kala dhacay.