Waa tuma Maya Jaamac, gabadha Soomaaliyeed ee marti gelisa barnaamijka Love Island?

- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance at BBC Somali
Maya Xuseen Jaamac, sidded iyo labaatan jirkan milyaneerka ah isla markaana caanka ah waxay kusoo kortay nolol ka duwan midda hadda, taas oo lagu tilmaamay nolol adag maadaama sida ay sheegtay uu aabeheed marar badan xabsi galay yaraanteedii.
Waxay sannadkii 1994 u dhalatay aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xuseen Jaamac iyo hooyo Swedish ah lana yiraahdo Sadie, waxayna ku dhalatay magaalada Bristole ee dalk ingiriiska halkaas oo ay kusoo barbaartay.
Markii ay Maya dhalanaysay waxay hooyadeed jirtay 19 sano waxayna gabadheeda ku magacawday Maya, iyada oo ugu magac daraysa qoraaga iyo gobyaaga reer Maraykan ee Maya Angelou.
Aabaheed ayaa inta badan caruurnimadeedii ku qaatay xabsiga, isaga oo wajahayey xukunno kala duwan oo la xiriir dambiyo dagaal ku saabsan, laakiin Maya waxay sheegtay sida wax kasta oo nolosheeda u muuqda murugo, ay uga dhigto kaftan iyo wax lagu qoslo.
Waxay tiri: 'Wax kasta oo u muuqda mid murugo leh ama dadka ka dhigi kara inay ii walwalaan, waxaan ka sameeyaa kaftan iyo wax lagu qoslo. Sababta waxaan u maleynayaa inaan ku fiicnahay kaftanka. Waan aqbalay, mana rabo inaad i dareensiiso inaad ka xuntahay nolosheyda adag.
'Markii ay dadku I weydiiyaan, aabbe xaguu jiraa?' Waxaan si dhibyar u dhahaa, 'Alla, jeelka buu ku jiraa' waanan qoslaa. Ma ahayn wax aan guriga dhexdiisa ku ooyay.
Waxay kaloo sheegtay inay xiriir wanaagsan la leedahay aabaheeda labaad ee hooyaded guursaday, ayna ku faraxsan tahay inay aragtay jacaylka uu u qabo hooyadeed ka dib markii ay kulmeen 10 sano jirkeedii.
Maya waxa ay wajahday xanuun badan markii ay 16 jir ahayd, markaas oo saaxiibkeed Rico, oo 21 jir ah uu dhexda u galay is rasaasayn ka dhacday magaalada Bristol sannadkii 2011-kii.
Waxay sheegtay in ay xilligaas taleefanka uga tilmaamaysay guriga, waxayna ilaa hadda isku eedaysaa in ay sabab u ahayd dhimashada saaxiibkeed.
Ugu dambeyntii Maya waxay u guurtay London sannadkii 2012 markaas oo ay jirtay 16 sano, waxayna sannado badan ku dhibtoonaysay inay xitaa hesho lacag ku filan oo ay gaari ugu raacdo shaqada.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay u sheegtay joornaalka The Sunday Times horaantii bishan: waxaan ahaa shiidka, anigoo iska dhigaya in uu iga lumay kaarka basaska lagu raaco ee Oyster-ka maalin kasta si aan shaqada u galo.
“Laakiin waan faraxsanaa. Waan shaqaynayay oo waxaan ku noolahay London, waxaan dareemayay inaan meel gaarayo. Waan shaqaynayey intii karaankayga ah.'
Xiddigtani waxa ay shaqo aan joogto ahayn ka heshay dukanka labiska ee Urban Outfitters, waxa kale oo ay si dadban ula shaqayn jirtay shirkadda wax soo saarka muuqaaalada ee Jump Off.TV.
Ugu dambeyntii, Maya waxay bilowday inay martigeliso tirinta muusikadeeda toddobaadlaha ah, ka hor inta aysan u dhaqaaqin barnaamijka ciyaaraha TRACE Sports ee telefishanka Sky, iyo idacadda Rinse FM.
Sannadkii 2014-kii, Maya waxay ku biirtay MTV bandhigooda The Wrap Up, iyo 2017 oo ay soo jeediye ka ahayd Abaalmarinta Pre-Brit iayadoo sidoo kale si toos ah roogga cas ugasoo tebinaysay Facebook.
Waxay kaloo martigelisay Abaalmarinada MOBO ee kanaalka Channel 5, Cannonball ee 2017, iyo taxanaha koowaad ee Circle ee 2018-kii.
Bishii Disembar sannadkii 2021, Maya ayaa markaa heshay taxanihii ugu horreeyay iyada oo ah martigeliyaha taxanaha hibada ee Simon Cowell ee Walk The Line, waxayna soo bandhigtay bandhigga ITV2's show.
Maya waxa kale oo ay kala wareegtay Stacey Dooley iyada oo ah martigeliyaha BBC Saddexda taxane ee Glow Up, iyo wada-shaqaynta Crouchy ee badhigga Year-Late Euros oo uu wehliyo barnaamijka kubbada cagta ee Peter Crouch.
Sidoo kale shaqadeeda telefishinka, Maya waxay haysatay boos joogto ah oo ay ku martigelinaysay barnaamij idaacadeed oo BBC leedahay tan iyo 2020-kii, waxayna sidoo kale ka soo muuqatay Scott Mills ilaa ay usii gudubtay barnaamijka Radio 2.
Laakiin, sanadkan Maya waxa ay gaadhay heerkii ugu sarreeyey ee shaqadeeda iyada oo ah martigeliyaha taxanaha cusub ee Jacaylka jasiiradda (Love Island), kaas oo la sheegay in ay ku kasbatay martigelintii hore ee Laura lacag gaaraysa ilaa £600,000.
Iyadoo la hadlaysa wargeyska The Times, Maya waxay ku nuuxnuuxsatay in shaqadani ay u tahay 'tigidh dahabi ah', waxayna aqbashay haa soo jeedinta “isla markiiba”, ka hor inta aysan xitaa tijaabo u gelin.










