Arooska amiiradda Norway iyo jaceylkeeda oo qabsoomaya kadib sanado badan oo muran uu ka taagnaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dabaal-degyada arooska Amiiradda Norway Märtha Louise iyo jaceylkeeda kasoo jeeda Mareykanka, Durek Verrett ayaa socda.
Boqollaal marti ah ayaa tegay magaalada Alesund, oo ku taalla galbeedka Norway.
Maanta, ayay safar badda ah ku tegi doonaan magaalada quruxda badan ee Geiranger. Barnaamijka arooska, ayaa waxaa ku xusan in martida ay ku dhex qadeyn doonaan doonta iyagoo daawanaya buuraha.
Lammaanahan ayaa maalinta berri ah isku guursan doona munaasabad gaar ah.
Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sweden ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan iyo sidoo kale dad caan ka ah baraha bulshada iyo weriyeyaal, ay ka mid tahay xiddigadda Mareykanka u dhalatay ee Cynthia Bailey.
Sida ay baahiyeen warbaahinta Norway, martida ayaa laga codsaday inaysan isticmaalin telefannadooda iyo kaamirooyin inta ay socdaan dabaal-degyada isla markaana aysan baraha bulshada wax qoraallo ah soo dhigin.
Amiirad Märtha Louise, oo 52 jir ah, iyo Mr Verrett, oo 49 jir ah, ayaa is alkuntay sanadkii 2022.
Amiiradda – oo ah gabadha ugu weyn labada carruurta ah ee uu dhalay Boqorka Norway ee Harald – ayaa waxay hore isku qabeen qoraagii geeriyooday Ari Behn, iyadoo u heysa saddex gabdhood - Maud, Leah iyo Emma. Labadooda ayaa kala tegay sanadkii 2017. Mr Behn, oo ka sheekeyn jiray inuu la daalaa-dhacayay isku buuq, ayaa geeriyooday sanadkii 2019.
Märtha Louise ayaa aad looga hadal hayay Norway muddo tobnaan sano ah. Mansabkeedii boqortooyada ayay lumisay sanadkii 2002 si loogu oggolaado inay billowdo ganacsigeeda u gaarka ah. Sanadkii 2007, ayay ku dhawaaqday inay tahay qof leh mucjisooyin u gaar ah, ilaa sanadkii 2018, ayay aasaastay iskuul ay sheegtay inay carruurta ku bareyso sida “loo abuuro mucjisooyin” ayna ula hadlaan malaa'ikta.
Sanadkii lasoo dhaafay, Märtha Louise ayaa BBC u sheegtay in caqabado badan ay kasoo gaartay markii ay go'aansatay inay qaaddo waddo ka duwan tan boqortooyada.
Dhanka kale, Mr Verrett ayaa sheegay inuu yahay ninka loo soo diray jiilka lixaad, isagoo sida Amiiradda sheegay inuu leeyahay mucjisooyin u gaar ah.
Wareysi uu la yeeshay wargeyska Vanity Fair, ayuu ku sheegay inuu soo noolaaday isla markaana markii uu carruur ahaa uu qof qaraabadiisa ah uu saadaaliyay inuu maalin uun guursan doono amiiradda Norway.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Amiirad Märtha Louise ayaa ku dhawaaqday xiriirka ay la leedahay Mr Verrett kadib qoraal ay soo dhigtay barta Instagram sanadkii 2019. Iyadoo rajeyneysa inay cambaareyn uga timaaddo, ayaa waxay raacisay: "Qaarkiin dareemaya inay wax cambaareeyaan: Dib isku dhiga. Idinma quseyso inaad wax ii doortaan amaba i xukmisaan. Daaci Durek waa nin aan jeclahay inaan waqtigeyga la qaato kaasoona i qanciya."
Si kastaba, dad badan oo reer Norway ah ayaan weli si buuxda u aqbalin Mr Verrett. “Waxay u heystaan inuu sheegay wax lala yaabo iyo inuu jiro kala duwanaansho dhanka dhaqanka ah,” ayuu yiri weriyaha telefishinka Norway ee NRK, Kristi Marie Skrede. ”Dad badan halkan waxay aad u cambaareeyaan waxa uu Mr Verrett sheego iyo wuxuu ku sameeyo doorkiisa daaci ahaan.”
Markii ugu horreysay ee lagu dhawaaqay inay is alkunteen, weriyaha telefishinka Norway ee NRK ayaa sheegay in Mr Verrett uu usoo wareegi doono Norway uuna ku biiri doono qoyska boqortooyada isagoo aan wax mansab ah ku lahayn. Isaga iyo Märtha Louise ayaa la sheegay inay haatan guri ka iibsadeen Norway.













