Ruushka ma wuxuu gacanta ku dhigay saddex dal oo ka tirsan Afrika?

Burkina Faso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Afgambigii ugu dambeeyay ee Burkina Faso ayaa lagu arkay muuqaal laga duubay dhallinyaro lulaysa calanka Ruushka oo taagan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou - arrinkaas oo laga yaabo inay soo jiidato dareenka madaxtooyada Kremlin-ka ee Moscow.

In kasta oo ay tiro ahaan aad u yaraayeen, haddana ficilka ay sameeyeen dhallinyaradaasi waxa uu sababay hadal-heyn ku saabsan in laga yaabo in Ruushku uu lug ku lahaa afgambigii uu Kabtan Ibrahim Traoré kula wareegay awoodda waddanka Burkina Faso, oo wajahaya dhibaatooyin amni oo la xiriira ururro jihaad doon ah.

Yevgeny Prigozhin, oo ah ganacsade maal-qabeen ah oo aad ugu dhow madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, islamarkaana ah aasaasaha kooxda Wagner - oo ah urur calooshood u shaqeystayaal ah oo ka shaqeeya dhowr waddan oo Afrikaan ah - ayaa u hambalyeeyay hoggaamiyaha da'da yar ee ciidanka Junta, isagoo ku sifeeyay inuu yahay "wiil geesi ah oo u qalma xilka maaddaama uu naftiisa u huray dalkiisa hooyo".

"Dadka Burkina Faso waxay ku hoos noolaayeen harkii gumeysiga, kuwaasoo dadka dhacayay sidoo kalena tababaray, taageerayna kooxo burcad ah, oo dhibaato ku noqday shacabka dalka," ayuu yiri.

Dadkii soo dhawaynayay afgambiga ka dhacay waddanka galbeedka Afrika ma ahayn oo kaliya inay kor u lulayeen calanka Ruushka ee waxay sidoo kale weerareen xarumaha Faransiiska, oo ay ku jirto safaaradda.

Rabshadaha ayaa gobolka oo dhan argagax geliyay, taasoo mar kale muujisay awoodda ay leedahay carada ka dhanka Faransiiska ee ka jirta dalal badan oo Faransiisku hore u gumaysan jiray oo ka tirsan Afrika.

Ku dhawaad ​​toban sano ayuu Faransiisku isku dayayay in uu caawiyo ciidamada gobolka Saaxil - oo ah dhul engegan oo ku yaalla koonfurta saxaraha oo ay ku jirto Burkina Faso - si ay wax uga qabtaan mintidiinta jihaad doonka ah, kuwaas oo qaarkood lala xiriirinayo Al-Qaacida.

Balse waxa uu dhawaan isaga baxay dalka ay Burkina Faso jaarka yihiin ee Mali oo isaguna horay u gumaysan jiray Faransiiska, kaddib markii uu xumaaday xiriirkii kala dhexeeyay ciidamada milatariga ee halkaasi ku sugan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Ruushka si ay uga caawiyaan la dagaalanka kooxaha hubaysan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sergei Markov, la-taliyihii hore ee Kremlin-ka, oo si toos ah u cabiray aragtidiisa ayaa yiri: "Dadkeennu waxay caawiyeen hoggaamiyaha cusub ee Bukina Faso. "Waddan kale oo Afrikaan ah ayaa meesha ka saari doona xiriirka uu la leeyahay Faransiiska una wareegi doona xulafada Ruushka.

Falanqeeye dhanka juqraafiga ah oo la yirahdo Dr Samuel Ramani, ayaa sheegay in tani ay calaamad u tahay in Ruushka uu ka guurayo siyaasadihiisii hore ee xasilloonida siyaasadeed ee gobolka.

"Inqilaabyadii hore Ruushku waxa uu isku dayi jiray in uu iska dhigo in uu noqdo ka faa'iidaystaha isbeddellada nidaamka," ayuu yidhi Dr Ramanai oo ka tirsan Machadka Royal United Services Institute, sidoo kalana wax ka qora siyaasadaha Ruushka ee Afrika.

"Markan Ruushku aad ayuu ugu firfircoon yahay inuu taageero afgambiga, taasina waxay keentay in la isla dhex maro in Ruushku door isku dubarid ah ka cayaaray afgabiga Burkina Faso," ayuu yiri.

Laakin waxaa la aaminsan yahay in kooxda Wagner ay ku lug lahayd arrintan, inkastoo Ruushku si joogto ah isaga fogeeyo in calooshood u shaqeystayaasha ay wax xiriir ah la leeyihiin dowladda, mana jirto caddayn sax oo muujineysa ku lug lahaanshaha tooska ah ee Ruushka.

Wax yar kaddib markii uu xukunka la wareegay, Kabtan Traoré waxa uu caddeeyey in uu doonayo in uu la shaqeeyo saaxiibbo cusub oo caalami ah si ay dib ugu riixaan kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka ah ee dalka ka dagaallamayay tan iyo 2015-kii.

Dad badan ayaa u qaatay inuu ula jeeday Ruushka.

Ciidan private ah oo Ruush ah 2018

Xigashada Sawirka, AFP

Balse isagoo diiradda saaraya sidii looga adkaan lahaa kooxaha jihaad-doonka ah, wuxuu sheegay inuu sidoo kale u furan yahay inuu la shaqeeyo Mareykanka ama waddan kale oo doonaya inuu gacan ka geysto hagaajinta ammaan-darrada ka jirta dalkiisa.

Maraykanku wuxuu qabanqaabiyaa tababar sanadle ah oo weyn oo la xiriira la dagaalanka argagixisannimada, kaas oo loogu talagalay waddamada Galbeedka Afrika - inkastoo sannadkan Mali iyo Burkina Faso labaduba ay ka maqnaayeen howlgalka Flintlock.

"Waxaan u maleynayaa in Burkina Faso ay rabto inay ka fogaato dabinka ay Mali ku dhacday," ayuu yiri Dr Ramani, isagoo xusay in milatariga Mali ay aad uga soo horjeedeen reer Yurub iyo Mareykanka tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 2020-kii.

"Waxay hadda si buuxda ugu tiirsan yihiin oo ay la qabsadeen dawladda Ruushka," ayuu yiri.

"Mar haddii Ruushku uu soo fuulo masraxyadan wey adag tahay inuu si sahal ah uga dego, sidaas oo kale ayaa ka dhacday Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR)."

Kooxda calooshood u shaqeysteyaasha Wagner ayaa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ka shaqeyneysay tan iyo sannadkii 2018, waxaana hawl-wadeenadeeda lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dil wadareed, jirdil iyo kufsi.

"In lala xisaabtamo kooxaha, sida Wagner, ee calooshood u shaqeysteyaasha ah waxay noqon kartaa mid adag," ayay tiri Dr Sorcha MacLeod, oo ah ku-xigeenka madaxa Jaamacadda Kobanheegan, islamarkaana ah madaxa kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha.

Burkina Faso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maraykanka ayaa isna sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ay ka faa'iideysanayaan kheyraadka dabiiciga ah ee Afrikada Dhexe, Mali iyo Sudan si ay ugu maalgeliyaan dagaalka Moscow ee Ukraine.

"Waxay ila tahay in Traoré uu isku dayayo in uu qariyo sida uu ugu khammaarayo xiriirka Ruushka isagoo muujinaya inuu isku dayi karo in uu isku dheellitiro dhammaan dhinacyada," ayuu yiri Dr Ramani.

"Laakin dabcan iskaashi kasta oo lala yeesho Ruushka wuxuu xaqiiqdii u noqon doonaa dhabarjabka Faransiiska iyo reer galbeedka. Waa ay adagtahay in Maraykanka iyo Faransiisku ay hal meel kala shaqeeyaan Ruushka.

"Arrintaas ayaa ah jahwareerka haysta Traoré - ma wuxuu si toos ah ugu u janjeeri doonaa dhanka Ruushka mise dhex-dhexaad ayuu iska dhigi doonaa?"

Si kastaba ha ahaatee waxaa kale oo jira su'aalo kale oo la iska weydiinayo saameynta ay Burkina Faso ku yeelan doonaan calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee Ruushka.

In kasta oo hawl-wadeennada kooxdan ay Mali ka hawlgalayeen wax ka yar hal sano, haddana waxay u muuqataa intii ay joogeen inaysan saameyn wanagsan yeelan maadaama weerarrada Jihaadiyiinta ay sii kordhayaan, waxaana lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Intaa waxaa dheer, in sannadkan 2022-ka uu noqday sannadkii ugu dhimashada badnaa ee Burkina Faso iyo Maali tan iyo markii ay billowdeen ururada jihaad doonka ah.