Ilo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Ruushku uu siinayo Iiraan xog sir ah oo ku saabsan goobaha ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe.
Sida ay sheegtay CBS, oo ah shuraako warbaahineed la ah BBC, saddex ilo-wareed oo uu ku jiro sarkaal sare oo Maraykan ah oo sheegay inuu si toos ah uga warqabo arrintan ayaa xaqiijiyay xogtan.
Tani waa tilmaantii ugu horraysay ee la og yahay oo muujinaysa taageerada la tuhunsan yahay ee Ruushku uu siinayo Iiraan ee dagaalkeeda ka dhanka ah Mareykanka iyo Israa’iil.
Wargeyska Washington Post ayaa noqday warbaahintii ugu horreysay ee daabacda warbixin ku saabsan iskaashi la sheegay inuu ka dhexeeyo sirdoonka Ruushka iyo Iiraan, iyadoo soo xiganaysa saddex ilo oo aan magacyadooda la shaacin.
Afhayeenka Aqalka Cad, Caroline Levitt, ayaa Jimcihii sheegtay in haddii Ruushku uu la wadaagayo Iiraan xog sirdoon, taasi aysan wax saameyn ah ku yeelanayn hawlgallada militari ee Mareykanka. “Si buuxda ayaan u cidhibtireynaa,” ayay tidhi.