Waa kuma hoggaamiyaha da’da yar ee afgambiga ku qabsaday Burkina Faso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha cusub ee ciidanka afgambiga ku qabsaday dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traore, wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha ugu da’da yar ee gobolka. Waa askari taliskii ka horreeyay ku dhaliilay “istraatiijiyad aan miro-dhal ahayn” inay ku wajaheen kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka iyo Al-Qaacidda.
Kabtan Traore wuxuu 30-kii Sebteembar talada ka tuuray korneyl Paul-Henri Damiba. Waa afgambigii labaad ee milateri ee sanadkan ka dhaca dalkaas, arrintaas oo sababi karta inuu gaabis noqdo isku-daygii lagu doonayay in talada dib loogu celiyo dadka rayidka ah.
Traore oo 34 jir ah wuxuu milateriga ku biiray sanadkii 2009, isagoo la soo shaqeeyay cutubyo kala duwan oo ka howlgalay bariga iyo waqooyiga Burkina Faso.
Wuxuu ka mid ahaa koox ciidamo ah oo Damiba ku taageeray afgambigii uu 24-kii Jannaayo xukunka uga qabsaday madaxweynihii sida dimuqraaddiga ah loo doortay ee Roch Marc Kabore.
Si kastaba ha ahaatee, siddeed bil kaddib, waxaa soo ifbaxay kala qeybsanaan ka dhex jirta Dhaqdhaqaaqa Waddniga ah ee Ilaalada iyo Dib-u-soo celinta (MPSR).
Qorsheyaal dhowr ah oo uu Korneyl Damiba isku dayay ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, kuwaas oo kala ahaa inuu abuuro maamul milateri oo kumeel-gaar ah – taas oo ay ku jirtay dib isku shaandheyn uu ku sameeyay ciidanka difaaca - inuu guddoomiyeyaal gobol oo milateri ah u magacaabo deegaannada uu ka jiro qalalaasaha iyo inuu miisaan u yeelo howlgallada waqooyiga iyo bariga.
Howlahaas oo dhan ayaa fashilmay, iyadoo kooxaha hubeysan ay weerarro ku ekeeyeen dadka rayidka ah iyo ciidankaba.
Sida laga soo xigtay hay’adda ACLED ee daraaseysa xasaradaha hubeysan, Burkino Faso waxay sanadkan dalka ay deriska yihiin ee Mali kala baxday booska dalka xuddunta u ah qalalaasaha kooxaha hubeysan, arrintaas oo sababtay dibadbaxyo lagu dalbanayo in Damiba uu iscasilo.
Inkastoo afgambiga rogaal-celiska ah uu ahaa mid lala yaabo, haddana ciidamada Burkina Faso ayaa muddo dheer la kacaa-kufayay kalsooni-darro iyo isqabqabsi tan iyo afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2015, kaas oo horseeday in la kala diro ciidanka awoodda sare leh.

Xigashada Sawirka, RTB TV
Niyadda ciidanka waxaa wax u sii dhimay weerarro iska-caabbin ah, xaaladda lagu shaqeeyo oo ahayd mid laga dayriyo, gaar ahaan deegaannada nugul ee xudduudda ku yaalla.
Isla markii uu awoodda afgambiga ku qabsaday Kabtan Traore, dagaal afka ah ayaa dhex marayay kooxdiisa iyo kuwa daacadda u ah Damiba, taas oo abuurtay walaac la xiriira inay arrintu isu rogto dagaal xukun kala riixasho ah.
Iscasilaadda Damiba ee 2-dii Oktoobar, waxay Traore ka dhigtay hoggaamiyaha milateri kala qeybsan oo wajahaya weerar khatar badan oo uga imaanaya kooxaha fallaagada ah, taas oo sidoo kale xasillooni-darro gelinaysa qeybo ka tirsan Burkina Faso iyo guud ahaan gobolka Sahel.
Xaqiiqooyin jira oo muhiim ah
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kabtan Traore wuxuu u baahan yahay inuu mideeyo ciidan si aad ah ugu kala qeybsamay afgambigii guul-darreysay ee sanadkii 2015.
Kabtan Traore wuxuu dhashay sanadkii 1988, wuxuuna waxbarashadiisii ugu horreysay ka billaabay Bondokuy oo ah magaalo ku taalla gobolka galbeed ee Mouhoun.
Kaddib wuxuu u guuray magaalada labaad ee dalkaas, Bobo-Dioulasso oo uu ku dhigtay waxbarashada dugsiga sare.
Intii uu dugsiga sare dhiganayay waxaa Traore lagu tilmaamay inuu yahay “qof xishood badan” laakiin “aad u caqli badan”.
Ururka Ardayda Muslimiinta ah ee Bukina ayaa ku tilmaamay inuu sidoo kale ahaa “nin dhallinyaro ah oo aad u deggan”.
Sanadkii 2006 wuxuu ku biiray jaamacadda Joseph Ki-Zerbo ee ku taalla caasimadda dalkaas ee Ouagadougou, halkaas oo uu uga qalinjebiyay si ay ku dheehan tahay sharaf heer sare ah. Kaddib wuxuu tababar ku qaatay Akedeemiyada Georges Namoano ee magaalada Po ee koonfur-dhexe.
Ciidanka ayuu ku biiray sanadkii 2009, waxaana markii ugu horreysay la dallacsiiyay labo sano kaddib. Sidoo kale, wuxuu tababar madaafiicda ah ku soo qaatay Morocco.
Labo-xiddigle ciidan ayaa loo dallacsiiyay sanadkii 2014.
Traore wuxuu mar dambe ka mid noqday ciidanka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalka Mali.
Darajada Kabtan waxaa loo dallacsiiyay sanadkii 2020.










