Waa kuma hoggaamiyihii da’da yaraa ee boqollaal sano ka hor soo furtay Istanbul?

Taalada Maxamed Al-Faatix

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taalada Suldaan Maxamed Al-Faatix

Turkiga ayaa u xusay 570 sano-guuradii ka soo wareegatay markii magaalada Istanbul laga qabsaday Boqortooyadii Byzantine ee haysatay ku dhawaad kun sano.

Ciidamo uu hoggaaminayay Maxamed Al-Faatix ayaa Istanbul galay 29-kii May 1453, waxaana sidaa ku soo afjarantay Boqortooyada Byzantine ee Masiixiga ahayd.

Maxamed Al-Faatix oo markaa da’diisu ahayd 21 jir ayaa jab aan la fileyn gaarsiiyay ciidamadii Boqortooyada, waxaana uu halkaa ku dilay boqorkii xilligaas, Constantine XI.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa si gaar ah u xusay maalintaas taariikhiga ah iyo hogaamiyaha guusha soo hoyay.

“Waxaan xusayaa Suldaan Maxamed II [Maxamed Al-Faatix] iyo ciidamadiisii geesiyaasha ahaa, kuwaas oo ay u rumowday bishaaradii Nebigeenna (NNKH),” – ayuu yiri Madaxweynaha oo ula jeeda xadiiskii uu Nebiga NNKH Muslimiinta ugu bishaareeyay in ay furan doonaan Istanbul oo waagaa la oran jiray Qisdhandhiiniya.

Hambalyada Erdogan

Xigashada Sawirka, Recep Tayyip Erdoğan

Qoraalka sawirka, Xuska maalinta furashada Istanbul

Waa kuma Maxamed Al-Faatix?

Aabbihii Murad II oo xukumayay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1444 (Taariikhda Miilaadiga) xilka ku wareejiyay Maxamed oo 12 jir ah.

Wiilkaas da’da yar ayaa xukunka wadi waayay, waxaana aabihii uu mar kale hoggaanka ku soo noqday laba sano kadib, si uu ula tacaalo xiisado ka taagnaa dhulkii ay Cusmaaniyiintu qabsadeen ee qaaradda Yurub.

Markii uu xilka wareejiyay, Maxamed waxa uu ku noqday magaalada Manisa, halkaas oo uu ku guursaday, isla markaana u uku xoojiyay khibraddiisa milateri.

Sanadkii 1451 ayaa waxaa geeriyooday aabihii Murad II, waxaana uu sidaa kula wareegay taajka isagoo ka khibrad iyo fahan badan markii hore.

Waxa uu yoolkiisa ugu weyn ka dhigtay qabsashada Constantinople (Istanbul) oo markaa caasimad u ahayd Boqortooyadii Byzantine.

Inkastoo magaalada marar badana la hareereeyay, haddana ma jirin cid gudaha u gashay, taas oo dhalisay in Suldan Maxamed II uu dejiyo qaabkii uu uga gudbi lahaa caqabadaas.

Dagaalkii Istanbul

Istanbul

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suldaanka ayaa diyaariyay ciidan tiradiisa lagu sheegay ilaa labaatan kun oo askari. Waxa uu magaalada ka go’doomiyay dhinac kasta – Bad iyo Berri ba.

Duulaanka ayaa socday in ka badan 50 maalmood, waxaana gidaarada magaalada lagu garaacay hub culus ilaa inta ay ka dumayeen.

Ciidamada uu hogaaminayay Suldaan Maxamed II ayaa 29-kii May waxa ay gudaha u galeen oo ay qabsadeen magaalada, sidaana waxa uu ku kasbaday magaca Al-Faatix.

Waxa uu muddo kooban gudaheed ku qabsaday dhul ballaaran oo gacanta u galay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, ilaa uu ka gaaray qeybo kamid ah Talyaaniga maanta.

Ujeedkiisu waxa uu ahaa inuu qabsado Roma oo waagaas kamid ahayd caasimadaha ugu waaweyn caalamka, hase yeeshee waxa uu Suldaan Maxamed Al-Faatix geeriyooday 3-dii May 1481.

Taariikhyahannada waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aqoon badan leh, kuna hadli jiray luuqadaha Faarsi, Carabi, Giriig iyo Talyaaniga.

Maktabadiisa waxaa laga helay buugaag laga qoray maadooyinka injineernimada, xisaabta, cilmiga xidigaha iyo hawada sare, taariikhihii hore iyo falsafadaha. Waxa uu sidoo kale caan ku ahaa gabayada iyo farshaxanka.

Waxaa la rumaysan yahay in uu in badan akhriyay taariikhda Boqorkii Giriigga ahaa ee Alexander the Great, oo isagoo da’ yar xukumi jiray qeybo badan oo caalamka ah.

Suldan Maxamed Al-Faatix oo ku geeriyooday da’da 49 ayaa taariikh muuqata uga tegay caalamka, gaar ahaan dunida Islaamka.