Waxyaabaha aan la ogeyn ee uu iibin jiray Erdogan kahor inta uusan siyaasadda kusoo biirin

Xigashada Sawirka, Reuters
Wuxuu ku soo koray nolol hoose, Rajab Dayib Erdogan ayaa siyaasadda Turkiga heer fiican ka gaaray, isagoo muddo 20 sano ah soo xukumayay dibna u qaabeeyay dalkaas si ka badan hoggaamiye walba tan iyo aabbihii Turkiga Mustafa Kemal Ataturk.
Inkastoo ay soo mareen xasarado badan, haddana weli waxaa u suurto gashay inuu mar kale majaraha u qabto Turkiga.
Muddo sanado ah wuxuu ku jirya xaalad adag, mucaaradkiisa ayaa waxay ku kalsoonaayeen inay ka adkaan doonaan.
Hase yeeshee, dadka cambaareeya siyaasadda Erdogan ayaa ku eedeeya siyaasaddiisa maareynta dhaqaalaha oo sida ay sheegene horseedday sicir bararka dalkaas.
Kaddib markii sanadkii 2016 uu ka badbaaday afgembi, wuxuu madaxtinnimadiisa ka dhigay mid awood badan leh, isagoo gacan adag ku qabtay mucaaradka.
Markii uu xukunka qabtay
Wuxuu dhashay February 1954, Erdogan ayaa waxaa dhalay nin ilaalada xeebaha dalkaas ka mid ahaa. Markii uu 13 jir ahaa, aabbihiis ayaa go’aansaday inay u wareegaan Istanbul, isagoo rajeynayay in carruurtiisa shanta ah ay helaan barbaarin wanaagsan.
Erdogan oo yar ayaa cabitaanka liinta iyo siisn iibin jiray si uu kharash dheeraad ah u helo. Wuxuu wax kusoo bartay iskuul Islaami ah kahor inta uusan gelin Jaamacadda Marmara ee Istanbul oo uu ka bartay maamulka. Wuxuu sidoo kale ciyaari jiray kubadda cagta.

Xigashada Sawirka, AFP
Sanadihii 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii, wuxuu aad ula shaqeynayay kooxihii Islaamiga ahaa, isagoo ku biiray xisbigii Necmettin Erbakan ee Islaamka taageersanaa ee Welfare Party. Iyadoo xisbigaas uu soo caan baxay sanadihii 1990-meeyadii, Mr Erdogan waxaa loo doortay inuu noqdo duqamagaalada Istanbul sanadkii 1994.
Balse muddo xileedkiisa ayaa soo dhammaaday markii xabsi loo dhigay sababo la xiriira gabay uu tiriyay oo ay ku jireen eryadan: "Masaajiddu waa tiirarkeenna, dhismooyinku waa koofiyadaheenna, minaaraduhu waa seefteenna iimaankeennuna waa ciidankeenna."
Kaddib markii afra bilood xabsi uu ku jiray, wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasadda. Balse xisbigiisa ayaa laga mmanuucay carqaladeynta shuruucda adag ee cilmaaniga ee Tukriga casriga ah.
Bishii August 2001, wuxuu Abdullah Gul la aasaasay xisbi cusub oo Islaami ah. Sanadkii 2002, AKP ayaa aqlabiyad ka helay baarlamaanka, sanadkii xigayna Mr Erdogan waxaa loo magacaabay raysal wasaare. Weli waa guddoomiyaha xisbiga AKP ama Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka.
Tobankii sano ee ugu horreeyay xukunka
Laga soo bilaabo sanadkii 2003, wuxuu saddex xilli soo noqday raysal wasaare, isagoo dalkaasi soo gaarsiiyay koboc dhaqaale oo fiican isla markaana caalamka looga aqoonsaday nin isbeddel sameynaya.
Waxaa kordhay bulshada dabaqadda heerka dhexe ee nolosha ah iyadoo malaayiin qofna ay sbaoolnimada ka baxeen, iyadoo Erdogan uu ahmiyadda siiyay mashaariicdakaabayaasha si uu u casriyeeyo Tukriga.
Balse dadka cambaareeya siyaasaddiisa ayaan ku raacsanyen sida uu wxa u wado.
Sanadkii 2013, dibadbaxyo ayaa ka dhacay waddooyinka, waxaana qeyb ahaan looga cabanayay qorshooyinka dowladdiisa ee dib u habeynta loogu sameynayay beer aad loo jeclaa oo bartamaha Istanbul ku taalla, balse sidoo kale waxaa qeyb ka ahayd wax ka beddelka maamulka.
Dibadbaxyada Beerta Gezi ayaa udub dhexaad u ahaaxukunkiisa. Dadka isaga ka soo horjeeda wuxuu u yahay suldaan ka tirsanaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Dib u soo celinta Islaamka
Kaddib 10 sano xukunkiisa, xisbiga Erdogan ayaa xayiraadda ka qaaday haweenka xiranaya xijaabka, taasoo la soo rogay kaddib afgembigii milatari sanadkii 1980. Xayiraadda ayaa si tartiib tartiib ah looga qaaday haweenka booliiska ka tirsan, milatariga iyo garsoorka.
Waxay dadka qaar ku dhaliileen inuu meesha ka saaray shuruucdii cilmaaniga ee Mustafa Kemal Ataturk. Halka, Erdogan oo nin diinta ku adag ah qudhiisa, uu mar walba beeniyo inuu doonayo inuu soo rogo shuruucda Islaamka, isagoo ku adkeysanaya inuu taageersan yahay xaqa ay Turkidu u leeyihiin inay si waadax ah uga hadlaan diintooda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Si kastaba, wuxuu dhowr jeer taageeray in dembi laga dhigo gogol dhaafka. Isagoo leh afar carruur ah, wuuxu yiri "qoys Muslimah" maaha inuu isku dayo kaniiniyada dhlamada lagu xakameeyo amaba kala korinta ubadka. "Waanu badin doonnaa bulshadeenna," ayuu yiri May 2016.
Wuxuu ammaanay hooyonimada, wuuxu cambaareeyay kuwa haweenka u dooda wuxuuna sheegay in ragga iyo haweenka aanan si isku mid ah loola dhaqmi karin.
Erdogan ayaa muddo dheer u ololeynayay shuruucda Islaamka.
Bishii July 2020, wuxuu goobjoog ka ahaa dib u habeyntii xarunta taariikhiga ah ee Xajiya Sofiya looga dhigayay Masjid, taasoo caro gelisay dadka Kirishtaanka ah. Waxaa la dhisay 1,500 oo sano kahor waxaana masjud u beddelay Turkidii Cusmaaniyiinta ah, balse Ataturk ayaa u beddelay matxaf.
Mana ahayn wax iska yimid in madaxweynuhu uu taageerayaashiisa ugu khudbeeyay masjid dhexdiisa saacado kahor doorashadii dhowaan dhacday.













