Maxay Canada ku nacday qaxootigii ay sanado kahor aad ugu soo dhoweyn jirtay dalkeeda?

Canada

Xigashada Sawirka, Toronto Star via Getty Images

Muddo tobnaan sano ah, Canada waxay isu arkeysay dal u furan soo-galootiga, iyadoo siyaasadaha socdaalka lagu saleeyay sare u qaadidda bulshadeeda, buuxinta shaqooyinka isla markaana dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga kasoo cararaya colaadaha ee daafaha dunida ka imaanaya.

Balse bilihii lasoo dhaafay, Raysal Wasaare Justin Trudeau ayaa sheegay inuu doonayo inuu aad u dhimo tirada muhaajiirinta loo oggolaanayo inay soo galaan Canada iyadoo uu sii kordhayo walaaca ay bulshada ka qabaan ciriiriga ka jira adeegyada bulshada, qiimaha nolosha ee sare iyo guryaha oo ah kuwo aysan dadku awoodi karin qiimahooda.

Isbeddel weyn ayay u tahay dalka iyo Trudeau, oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2015, isagoo olole ku galay dhiirrigelinta dhaqamada kala duwan oo qeyb muhiim ah ka ah waxa ay Canada ku dhisan tahay.

Dowladdiisa ayaa ku tiirsaneyd halbeegyada sare ee socdaalka si loo sii dardar-geliyo koboca dhaqaalaha.

Raysal wasaaraha oo cambaareyn arrintaas kala kulmay, ayaa haatan sheegaya in dowladdiisa ay xisaab khaldan isku dhufsatay, isla markaana Canada ay u baahan tahay inay “dheellitirto” koboca bulshadeeda si kaabeyaasha bulshada ay u noqdaan kuwo dadka ku filan.

Khamiistii, Trudeau iyo Wasiirka Socdaalka Marc Miller ayaa soo bandhigay dhimistii ugu badneyd ee socdaalka oo ah - dhimis 21% ah oo ku aaddan tirada dadka la siinayo degganaanshaha rasmiga sanadka 2025.

Ku dhwaaqiddan ayaa daba-scota dhimis kale oo lagu sameeyay barnaamijyada degganaanshaha ku meel gaarka ah ee Canada, oo ay ku jiraan shaqaalaha ajaanibta ah iyo ardayda caalamiga ah.

Mar uu sharraxayay isbeddelka siyaasaddiisa, ayaa Trudeau wuxuu ku celceliyay in “Dadka Canada ay aad ugu faanayaan” hannaankooda socdaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxay dhaqaalaheenna ka dhigtay mid caalamka la jaan-qaada,” ayuu yiri. “Waa sida aan ku dhisno bulsho awood leh, oo kala duwan.”

Balse Trudeau ayaa qirtay in dowladdiisa “aysan sax u helin dheelli-tirka” markii ay aqbashay tiro dad la siiyay degganaanshaha ku meel-gaarka ah kadib xanuunka-safmarka ah ee Covid-19 si wax looga qabto shaqo yaraanta, isla markaana haatan ay jirto baahida ah in “la dheellitiro” hannaanka socdaalka Canada.

Tallaabada raysal wasaaraha ayaa imaaneysa iyadoo ay jirto inay sii yaraaneyso taageerada ay bulshadu u hayaan muhaajiriinta Canada.

Ra'yu ururin bishii September la sameeyay, waxaa lagu ogaaday markii ugu horreysay muddo rubuc qarni ah, ay dadku intooda badan haatan leeyihiin in muhaajiriintu aad ugu badan tahay dalkaas.

Dadkan ayaa isbeddelka dhaqankooda ku aaddan muhaajiriinta u aaneynaya walaaca laga qabo guryaha oo xaddidan. Balse dhaqaalaha, bulshada oo aad u badan, iyo sida loo maareeyay hannaanka socdaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee ka dambeeya.

Canada ayaa aad usoo dhoweyn jirtay muhaajiriinta. Xogta ayaa muujineysan inay caalamka ugu horreyso dib u dejinta qaxootiga, dalkuna uu 50-kii sano ee lasoo dhaafay sumcad ku helay qiimeynta soo-galootiga.

Sanadkii 2019, warbixin uu sameeyay Pew Research ayaa muujineysa in 10-ka dal ee muhaajiriintu jecel yihiin, ay Canada ka noqotay kan ugu wanaagsan.

Balse dhammaanba aragtiyahaas wanaagsan waxay is beddeleen sanadihii lasoo dhaafay.

Hal sabab ayaa ah kororka saa'idka ah ee ku yimid dadka degganaanshaha ku meel gaarka ah ku imaanaya Canada.

Tirada ardayda caalamiga ah ayaa gaartay 30% sanadkii 2022 ilaa 2023, sida laga soo xigtay waaxda tirakoobka waxbarashada ee Canada. Dhanka kalena, xog dowladda ay soo bandhigtay ayaa muujineysa in tirada shaqaalaha ajaanibta ee Canada ay labo jibbaarantay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Warbaahinta Canada ayaa sidoo kale ku warrantay in qaar ka mid ah ardayda dalkaas yimaada ay dal ku galkooda ku meel gaarka ah u adeegsadaan inay magangalyo uga helaan dalkaas.