Sharciga cusub ee Canada ee dhimista soo galootiga ma saamaynayaa hannaanka ay Soomaalida ku tagto dalkaas ee (Group-5)?

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Canada ayaa ku dhawaaqday in ay si weyn u dhimayso tirada muhaajiriinta ay u oggol yihiin dalka, si ay u "joojiso koritaanka dadka," taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan siyaasadda xukuumadda Justin Trudeau.

Qayb ka mid ah isbeddellada, Canada waxay dhimaysaa tirada degganaanshaha joogtada ah ka helaya dalkaas kuwaas sanadka 2025 ee socda qorshu ahaa inay deggaansho ka helaan dalkaas dad gaaraya ilaa 500,000 basle tirada ayaa hadda noqotay ilaa 395,000 taas oo ah hoos u dhac ilaa 21% ah.

Ra’iisul wasaare Trudeau ayaa sheegay in xukuumaddiisu "aanay si sax ah u helin dheellitirka" markii ay kor u qaadday dadka dalkaasi tagaya si loo xalliyo baahida shaqaalaha.

Taageerada bulshada ee muhaajiriinta Kanada ayaa hoos u dhacday, iyadoo ra’yi ururinta ay muujinayso walaac sii kordhaya oo ku saabsan tirada sii kordheysa iyo saamaynta ay ku yeelanayso guryaha iyo adeegyada bulsho.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii la shaaciyay bartilmaameedyada la dhimay ee ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meel gaarka ah.

Khamiistii, Trudeau iyo Wasiirka Socdaalka Canada Marc Miller waxay ku dhawaaqeen dhimis dheeri ah, oo markan ah tirada dadka degganaanshaha rasmiga ah ee cusub ka helaya dalkaasi.

Wasiirka socdaalka ayaa sheegay in la dejiyey bartilmaamed yar oo ah 365,000, oo loo ogolaanayo degganaansho marka la gaaro sanadka 2027-da.

Garyaqaan Maxamed Doolli, oo ah aqoonyahan bartay sharciga degganaanshaha dalka Canada kana howlgala ayaa BBC-da u sheegay in dhimistan ay imaanayso xilli dalka ay ka jiraan kacsanaanta dhanka siyaasadda ah iyo doorashada dalkaasi oo ku beegan sanadka soo socda.

“Arrimaha socdaalka ayaa ah mid siyaasaddeed, waayo labadii sano ee la soo dhaafay ama waqtiyadii danbe dadbadan ayaa dalka soo galay gaar ahaan ka soo galay dalka Hnidiya, ilaa 2020-kii in ka badan labo milyan ayaa soo gashay dalka dowladda oo aan u diyaar sanayn dadkaas faraha badan ee soo galay,” ayuu yiri Doolli.

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu intaa raaciyey in arrinta kale ee muhiimka ay tahay in xisbiyada midigta fog ay kordhiyeen inay shacabka caddaanka ah u muujiyaan in soo galootiga faraha badan ay dhibaato ku yihiin iyaga iyo dalkoodaba.

Dr. Maxamed Doolli, wuxuu BBC-da u sheegay in dhibaatada ugu badan ee dalka Kanada la kulmay sanooyinkan dambe ay tahay qalalaasaha dhanka guryaha iyo sicir bararka taas oo ay mucaaradkuna dowladda ugu dhigeen qodox ku taagan.

Dr. Maxamed wuxuu sheegay in dhibaatada guryo yarida ay ka jirto magaalooyinka waaweyn ee dalka Kanada isagoo si gaara u tusaaleeyey, “Hadda hal qol ayaa kiro maraya ilaa saddex kun bishiii halka horey guryhaas horey loogu kiraysan jiray ilaa toddobo, ama shaqan boqol”.

Wuxuu intaa raaciyey in gurya la’aanta aysan sabab u ahay soo galootiga badan ee dalka soo galay balse tahay siyaasadda dowladda ee xaddida in la dhiso guryo oo shirkadaha iyo dadka doonayaa ay la kulman shuruuc badan oo sanado qaadata.

Qorshahan ma saamaynayaa dadka dalkaas ku taga nidaamka (Group 5-ka)?

Sharci yaqaan

Xigashada Sawirka, Maxamed Doli

Qoraalka sawirka, Dr Maxamed

Canada ayaa waayadii dambe kor u qaadday furfurnaanta soo galootiga iyadoo dalkaasi ay dad badani ay ka heleen deggaansha rasmiga ah.

Soomaalida ayaa ka mida dadka si faraha badan u aaday dalkaasi sanadihii la soo dhaafay kuwaas oo badi ku tagay hanaanka loo yaqaano(Group-5).

Hadda dhimistan ay ku dhawaaqday dowladdu sidee ayey u saamaynaysaa kooxdaas?. Su’aashaas oo an waydiinayey sharci yaqaan Maxamed Doli ayaa sheegay “inuusan filayn in taasi wax weyn iska baddeli doonin.”

Wuxuu sheegay in arrinta culayska ugu weyn dhalisay aysan ahayn dadkaa nidaamkaas ku imaanaya balse ay yihiin dadka ka Imaanaya qaarada Aasiya.

“Horta arrimaha Group-5ka iyo dadka lagu keeno arrimaha bini’aadanimo ma badnayd, arrinta xiisada socdaalka dhalisay waxay ahayd dad arday ama shaqo ku yimid. Marka filayo inay saamaynayso Group-5, sidaan filanayo sideeda ayay ahaan doontaa” ayuu yiri Sharci yaqaan Doli

Wuxuu intaa ku daray in dadka ku yimaada dalkaa nidaamka midowga qoyska ama Group -5 aysan aysan ahayn tiro dhib ku ahayd arrimaha socdaalka oo sanadkii qiyaas ahaan ay yihiin tiro aan ka badnayn shan iyo labaatan ilaa labaatan kun sanadkii.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in "Canada ay si xaq ah ugu hanweyn yihiin" nidaamka socdaalka ee ay ku soo dhaweynayaan, taasoo uu sheegay inay gacan ka geysatay xoojinta dhaqaalaha dalka iyo dhisidda bulshooyin kala duwan.

"Nidaamkayaga socdaalka had iyo jeer ayaa mas'uul ka ahaa dabacsanaan," ayuu yiri Trudeau.

Inta badan kobaca dadweynaha Kanada sannadkii hore ahaa - ilaa 97%, marka loo eego xogta federaalka.

Isla mar ahaantaana, heerka shaqo la'aanta Kanada ayaa kordhay 6.5% waxayna taagan tahay in ka badan 14% dhalinyarada.

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tallaabadan ayaa ka dhigan ka bixitaan tobanaan sano oo siyaasadda socdaalka furan ee Canada ah.

Tan iyo markii Trudeau la doortay 2015, dawladdiisu waxay kor u qaadday bartilmaameedyada degganaanshaha joogtada ah ee sannadlaha ah min 272,000 ilaa 485,000 sanadkan.

Trudeau iyo dowladiisa ayaa lagu dhaleeceeyay in ay kordhiyeen socdaalka iyaga oo aan xoojin adeegyada ama dhismaha guryaha, dhaqaalayahanadu waxa ay ka digeen in dadka Canada ee sida xawliga ah u koraya ay culeys saareen guryaha iyo adeegyada bulshada sida daryeelka caafimaadka.

Horaantii bishan, ra'yi ururin uu sameeyay machadka deegaanka, oo la socday hab-dhaqanka dadka Kanadiyaanka ah ee ku wajahan socdaalka ilaa 1977, ayaa daaha ka qaaday in 58% dadka Kanadiyaanka ahi ay hadda dareemayaan in heerka socdaalku aad u sarreeyo.

Machadku waxa uu sheegay in natiijooyinka ay soo jeedinayaan in ra'yiga dadweynaha ee heerarka socdaalka ay "si wax ku ool ah uga leexdeen in la aqbali karo (haddii aysan qiimo lahayn) ayna noqdaan kuwo dhibaato leh".