Tahriibka iyo Liibiya "Haddii aad Liibiya u socotaan waxaad doorateen cadaab" Siciid

Dhalinyaro Liibiya laga soo celiyay oo Muqdisho ka soo degay

Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo hay’addaha IOM-ta iyo UNHCR ayaa dhalinyaro Soomaali ah oo tarhriibayaal ah dib uga soo celisay dalka Liibiya, waxayna maanta kala gaareen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhalinyaradan oo gaaraysa 164 qof ayaa 55 kamid ah waxa la geeyay magaalada Hargeysa, halka 109 kale la geeyay magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan oo markii Garoonka Muqdisho ay ka soo dagayeen waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo reyn-reyn.

Ergyaga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha hijrada,soo galootiga iyo xuquuqda caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo BBC la hadashay ayaa sheegtay in muddo bilooyin ah ay ku qaadatay howsha soo celinta dhalinyaradan.

"Waxay nagu qaadatay muddo saddex bilood ah hadii aysan qaarkood ka badnayn sababtoo ah hay'adaha caalamiga ah iyo deeq bixiyaha oo ah midowga Yurub oo aan u mahadcelinayno marka diyaarad la diyaarinayo waxaa loo baahan yahay tiro inaad gaarto si duulimaad laguugu diyaariyo" ayay tiri Maryan.

Waxay intaa ku dartay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Liibiya ay caawin karaan uun marka ay soo gaaraan caasimadda Tripoli maadaama meelaha kale ee ay adag tahay in la gaaro.

"Marka hore waxaa weeye qofka in marka hore uu soo gaaro Tripoli intaas-na inta ay ku qaadanayso ilaah ayaa og, waxaa laga yaabaa in qof 6 bil inay ku qaadato in gacanta magafaha uu ka soo baxo, qofna ilaa 2 sano marka ay Tripoli yimaadaan ayay safaaradda u tagaan ka dib safaaradda ayaa diiwaangalin u sameysa"" ayay tiri Maryan.

Qaar ka mid dhalinyarada maata Muqdisho yimid

"liibiya waa Cadaab"

Dhanka kale qaar ka mid ah dhalinyaradii laga soo celiyay Liibiya, oo BBC la hadlay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa ay qaarkood ka shekeeyeen dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Liibiya, iyaga oo sheegay in ay hadda iyagu doorteen in dalka dib loogu soo celiyo.

Cabdirisaaq Cali oo ka mid ah dhalinyarada maanta Muqdisho laga dajiyay ayaa BBC u sheegay in dhibaato badan ay kala soo kulmeen Liibiya. waxaa uu markii hore ka baxay magaalada Hargeysa isaga oo muddo ka badan bil ay ku qaadatay in uu Liibiya gaaro.

Waxaa uu sheegay in la geeyay dhowr xero oo dadka Tahriibayaasha lagu ciqaab isla markaana xero walba laga qaadayay lacag ilaa 29,000 oo dolar ay gaartay lacagtii ay magafayaasha ka qaateen.

"Wallaahi kama sheekeyn karno dhibkii aanu soo marnay waad ooyeysaa haddii aan ka sheekeyno 3 sano ayaanu ku jirnay go'doon, xero markii 15 kun oo dolar la iiga qaado, xero kale unbaa nala geynayay hadana 8 kun ayaan nagala qaadanayay, xero kale ayaa nala geynayay 5 kun ayaanu ku bixinaynay, xeryahaasi magafayaal baa iska leh," ayuu yiri Cabdirisaaq oo ay qiiro ka muuqato.

Waxaa uu intaa ku daray in xerada marka hore uu qofka cagihiisa ku tago, balse marka dambe ay xaaladu isbadasho oo meesha dadka lagu ciqaabo.

"Lagtaadii aad halkan kaga baxday ayaad ku galaysaa(Xerada) adiga oo ogol oo lacagtana ogol, xerada inaad gasho-na ogol hadhow-na wax aadan filayn ayaa kaaga soo baxaya," ayuuu intaa ku daray.

Diyaaraddii sidday

Saciid Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada maanta Muqdisho laga dajiyay ayaa waxaa uu Liibiya ku xidhnaa muddo sanad iyo bar ah, isla markaana waxaa uu la kulmay dhibaato badan sida uu sheegay.

"Waa talo xummo iyo qadar ayaanu ku tagnay markii hore, waxaan is lahayn waddan dhaama wadankiina taga dee cadaab baan cagaha la galnay waxaanu ka shekeyn karno ma aha ama TV iyo idaacad kaga shekeyn karno ma aha," ayuu yiri Saciid.

Saciid ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay tahriib, gaar ahan in ay xilligan naftooda ku biimeeyaan Liibiya oo uu sheegay in ay "cadaab taalo".

"Haddii aad liibiya u socotaan waxaad doorateen cadaab. Liibiya waa cadaab ifka ka mid ah, ninka Liibiya doonaya waa cadaab ifka ka mid ah oo taalla" ayuu intaa ku daray.

Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan dhalinyaro kale oo wali Liibiya ku xayiran balse aysan sheegin kari tirada rasmiga ah ee halkaasi ku sugan.

Dhawaan ayaa dhallinyaro BBC la soo xiriirtay waxay sheegeen in ay magafeyaasha iska sii daayeen, meel ay aadaanna aysan garanayn, sidaa darteedna ay jeclaan lahaayeen in dalkooda lagu celiyo.