Falastiiniyiinta maxay lacag ahaan u isticmaalaan, sideese wax u iibsadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaa khasab igu noqday inaan baabuurka ka dago jidka bartankiisa oo aan socdo wax ka badan nus saac sababtoo ah darawalku ma aqbalin 10-ka sheqel (lacagta Iraa’iil) ee aan haysto."
Tani waa qayb kale oo ka mid ah dhibaatada Samir Abu Samra, oo ka soo barakacay waqooyiga Khan Younis, iyo kuwa kale oo Gazan ah.
Samiir waxa uu haystaa in ka badan 700 oo sheqel oo aanu iska tuuri karin sababtoo ah way jeexjeexmeen ama waxaa ku jira 10ka sheqel ee ay iibiyayaashu diidaan. Iyadoo dagaalka uu weli ka socdo Marinka Gaza oo aysan jirin dhaq-dhaqaaq cusub oo lacag caddaan ah oo soo galaya Marinka in ka badan hal sano, ayaa waxaa jeexjeexmay lacagihii. Taasi waxay keentay in qaar badan oo ka mid ah dadka wax iibinaya iyo ganacsatada ay diidaan lacagtan, taas oo culays ku ah dadka barakacayaasha ah oo markii horeba la ildarnaa dhibta ay u qabaan bixinta lacagaha ay u baahan yihiin si ay ugu noolaadaan marka loo eego qiimaha qaaliga ah ee inta badan badeecadaha aasaasiga ah la siisto.
Xataa waxyaalaha ugu fudud laguma iibsan karo lacag duugowday. Sajida Al-Oka, oo 13 jir ah, ayaa isku dayday in ay ku iibsato buskud ay ku qoran tahay laba biil oo 100-shekel ah, laakiin iibiyuhu ma aqbalin midkoodna, sidaas awgeed waxa ay ku qasbanaatay in ay baxdo iyada oo aan iibsan wixii ay u baahnayd.
Iibiye Mohammed Al-Dawla oo taagan meherad ku taalla suuq ku yaalla Khan Yuunis, ayaa ku micneeyay in sababta ay dadka wax iibiya u diidayaan lacagta 10-ka sheqel gaar ahaan ay tahay iyadoo la faafiyay warar sheegaya in ay tahay been abuur.

Hadal heyntan ayaa sababtay in dagaalo badan ay ka dhacaan suuqyada, inkastoo dadka barakacay ay ku adkeysanayaan in lacagta 10-ka sheqel aysan aheyn mid been abuur ah, isla markaana ay mar walba isku dayaan inay cadeeyaan, ayaa hadana waxaa sii kordhaya dadka wax iibinaya ee diidanaa dhinacyada kale silsiladda wax kala iibsiga ganacsiga, sida uu sheegay Muxammad al-Dawla.
Wuxuu intaas ku daray: “Mararka qaar waxaan qaataa 10 biil oo sheqel ah iyo warqado jeexjeexan, laakiin ganacsadaha aan alaabta ka soo iibsado ma aqbalo lacagtan, sidoo kale ganacsatada wax iibsata ma aqbalaan, taas oo ii keenta khasaare weyn. Ma jiraan bangiyo wax ka beddela, xitaa haddii aan isku dayo inaan hagaajiyo qaar ka mid ah waraaqaha, koollada gabi ahaanba lama heli karo” ayuu yiri.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayaa lacagtan ka qaata dadka wax iibinaya balse markii dambe ma awoodaan inay beddelaan. Iyad Abu Dhar oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Khan Yuunis ayaa haysta in ka badan 1,500 oo sheqel oo uu baahi weyn u qabay, balse sinaba ugama faa’iidaysto maadaama ay tahay warqad jeexan ama lacag baaba’day.
"Waa wax iska caadi ah in warqaddu ay ku jeexjeexanto wareegga badan, annaga ka bini'aadam ahaan waan daalanahay," ayuu yiri Moatasem Al-Zaytuuniya oo ka barakacay, isagoo lacagta la barbar dhigay xaaladda dadka ku nool Marinka Gaza, iyadoo la eegayo barakaca iyo la'aanta joogtada ah ee baahiyaha aasaasiga ah.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar sii horeysay, Maamulka Lacagta Falastiin ayaa bayaan uu soo saaray ku faahfaahiyay in la burburiyay laamo iyo xarumo ganacsi oo kala duwan, ayna suuragal noqon weyday in la furo laamihii u haray si guud ahaan looga fuliyo howlgalada la bixista iyo lacagaha dhigaalka ee marinka Qasa, sababo la xiriira duqeynta, xaaladaha adag, koronta la'aanta, iyo xaaladda ammaanka, taasoo keentay in dhibaato aan hore loo arag ee ah helitaanka lacag caddaan ah.
Dhibaatadu way ka sii dartay iyadoo inta badan ATM-yada aysan shaqaynayn. Si arrintan wax looga qabto, Maamulka Lacagta Falastiiniyiinta ayaa ku dhawaaqay bilaabista lacag-bixinta degdegga ah iyo nidaamka wareejinta ee u dhexeeya bangiyada iyo shirkadaha adeegyada lacag bixinta si ay uga caawiyaan muwaadiniinta Marinka Gaza inay bixiyaan waajibaadkooda oo ay u fuliyaan macaamilkooda maaliyadeed si elektaroonik ah. Tani waxaa haysta dhibaatooyin dhowr ah inta lagu guda jiro hirgelinta.
Dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Gaza waxa uu ku xiran yahay saddex lacagood; Sheqelka Israa'iil waa lacagta aasaasiga ah uguna ballaaran ee lagu kala iibsado iyo saldhigga wax kala iibsiga maalinlaha ah.
Doolarka Maraykanka waxa loo isticmaalaa soo dejinta, wax kala iibsiga ganacsiga ee ka baxsan qaybta, iyo iibsashada baabuurta, tusaale ahaan.
Diinaarka Urdun, waxaa dhaqan ahaan loo isticmaalaa in lagu bixiyo meherka, lagu iibsado hanti ma guurto ah, laguna bixiyo kharashka jaamacadda.













