Buundadan ma noqon kartaa mucjisadii siddeedaad ee adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddada laga dhisay badda oo dhererkeedu dhan yahay 182 KM waa xirfad injineernimo tii ugu sareysay oo cajiib. Waxaa loo yaqaan jidka weyn ee sabbaynta. Waddadan oo dul sabaynaysa badda buluuga ah ama badda dusheeda ayaa wax ka bedeshay gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
U kala safrida Miami ilaa Key West Island ee Florida waxay ahaan jirtay mid adag, laakiin hadda way fududahay.
Bilowgii qarnigii 20-aad, doomaha waxay ahaayeen nooca kaliya ee gaadiidka ee goobtan loogu kala goosho. Waxa kale oo ay dadka ku qasabtay in maalin dhan ay doomo sii saarnaadaan ayadoo hirarka badda ay garaacayaan.
Laakiin, farsamada la yaabka leh ee injineernimada ayaa meesha ka saartay dhibaatadaas. Jid biyoodku waxa uu ku fidsan yahay 113 mayl cirifka koonfureed ee dhul weynaha Florida ilaa 44 jasiiradood oo leh 42 buundo.
Taas macnaheedu waxa weeye inay la mid tahay fogaanta Nampalli ee Hyderabad ilaa Kodada ee waddada Vijayawada.
Waddada weyn ee loo yqaaano oceanfront waxay ahayd maskaxdii uu lahaa injineer Henry Morrison Benderaler. Henry Morrison waxaa loo yaqaan 'Aabbaha Florida casriga ah'. Waddada weyn ee badda korkeeda waxay u billaabatay sidii "Dadka tareenka ka sarreeya badda".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1870-kii, Flagler waxa uu aasaasay Shirkadda Shidaalka ee Standard waxaana mashruucan ay shirko ku ahaayeen ganacsade John D. Rockefeller.
Shirkaddu waxay noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn uguna awoodda badan adduunka qarnigii 20aad.
Ka dib markii uu booqday Florida oo uu ogaaday fursadaha dalxiiska ee halkaas, Flagler wuxuu maalgeliyay hanti badan oo ka mid ah gobolka, isagoo dhisay hudheelo qaali ah. Tani waxay ka dhigtay Florida, oo ka mid ah gobollada ugu saboolsanaa Mareykanka, meel ay u dalxiis tagaan waqooyi-bari.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirin waddo ku habboon oo lagu gaaro huteeladan qaaliga ah ee ku yaalla meelaha fogfog ee uu Flagler dhisay.
Sannadkii 1885-kii, Flagler waxa uu dhistay waddo tareen oo ku teedsan xeebta Atlantic ee Florida laga bilaabo Jacksonville ilaa Miami.
Waddada tareenku waa mid ku dhamaanaysa Miami. Laakiin markii uu Maraykanku bilaabay dhismaha Kanaalka Panama 1904-tii, Flagler waxa uu gar-waaqsaday qiimaha calaamaddan reer galbeedka ee muhiimka ah.
Dhulka Maraykanka ee ugu dhow kanaalka Panama waa Key West. Intaa waxaa dheer, sidoo kale waa dekedda ugu qoto dheer ee Koonfurta Ameerika.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay sameeyeen wax ay u maleeyeen inaysan macquul ahayn
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saldhigga Key West iyo warshadda sigaarka iyo warshadaha kalluumeysiga ayaa horey u shaqeynayey. Laakin in la gaarsiiyo alaabta jasiiraddan fog waxay ahayd mid adag oo qaali ah.
Sidaas darteed, Flagler waxa uu go'aansaday in uu ku fidiyo jid tareenk badda, 156 mayl koonfur ilaa Key West. Waxa loo yaqaan 'Keywest Extension' . Dad badan ayaa dareemay in Flagler dhismihiisa uu yahay mid aan macquul ahayn.
Saddex duufaan oo u dhexeeyay 1905-1912 ayaa waxyeeleeyay dhismaha. In ka badan 100 shaqaale ah ayaa dhintay.
Laakiin, Flagler ma quusan. Waxay qaadatay todoba sano in la dhiso jidkan tareenka. 50 milyan oo dollar ayaa xiligaas ku baxay. Si kastaba ha ahaatee, muddada, lacagaha la isticmaalay xilligaas waxay u dhigantaa 1.56 bilyan oo doolar oo maanta ah.
Afar kun oo muhaajiriin Afrikaan ah, dad reer Bahama ah, iyo Yurub ah ayaa ka shaqeeyay dhismaha waddadan. Dhammaantood waxay ku shaqeeynayeen xaalad adag iyagoo la dagaallamaya dabaqalloocyo iyo masaska.
Mucjisada 8aad ee adduunka
Markii jidka tareenada la dhammeeyey 1912, waxa loo bixiyey yaabka siddeedaad ee adduunka. Tareenkii ugu horeeyay ee ka soo safray Miami kuna sii jeeday Key West waxaa waday Flagler, isaga oo ahaa 82 sano jir. Dhacdadan, wuxuu u sheegay saaxiibkii, "Hadda waxaan dhiman doonaa anigoo faraxsan." Riyadaydii way rumowday," ayuu yiri.
Taariikhyahanka Florida Brad Bertelli ayaa yiri, "Flagler waxa uu jeebkiisa ka bixiyay in ka badan $30 milyan oo qarashka dhismaha ah waqtigaas. Jeff Bezos, Bill Gates, Elon Musk ayaa taas sameyn kara maanta."
Jidka tareenku wuxuu sii jiray ilaa 1935-kii, markaasoo dhowr mayl oo ka mid ah khadadkan tareenada ay qaadeen duufaan lagu tilmaamay inay ahayd tii ugu xumayd qarnigan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dib-u-curashadii waddooyinka tareenada
Halkii laga heli lahaa waddooyinka tareenada, Ameerikaanku waxay dib u abuureen farshaxankii Flagler. Waxay ahayd waqti ay Maraykanku u jeesteen dhanka baabuurta. Dowladda Mareykanka ayaa rajaynaysa in ay dhisto marin biyoodka ugu dheer caalamka si ay baabuurta u maraan.
Dowladda Mareykanka ayaa bilaawday dhismaha wadadan ugu dheer buundooyinka uu Flagler ka dhisay biyaha si ay ugu adkeystaan dabaylaha jaraya saacaddii 200 oo mayl.
Waddooyinka tareenada ayaa loo beddelay waddooyin caadi ah si ay baabuurtu ugu safraan. Jid weyn oo cusub oo badweynta laga dul dhisay ayaa ka dhigtay gobolka fog ee Florida meel loo dalxiis tago.













