Xabsiga layaabka leh ee dadku ay iskood u tagaan si loogu xiro

Xabsi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xabsi ku yaalla gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa laga billaabay arrin aan horay loo aqoonin si looga hortago dhibaatooyinka bulshada qaarkood.

Maamulka xabsigan, oo ka shaqeeya magaalada Haldwani ayaa hirgeliyay barnaamij uu xabsiga leeyahay oo dadka caadiga ah u fasaxaya in lagu xiro halkaas, iyagoo aysan maxkamad soo xukumin.

Qof walba oo codsada in lagu xiro xabsigan ayaa halkii habeenba laga qaadayaa lacag dhan Rs.500 oo u dhiganta wax ka badan 8 doolar iyo bar.

Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

Dad badan oo ku nool Hindiya ayaa xabsigaas u taga si ay uga hortagaan wax yaabo ay aaminsan yihiin in ay ku dhici doonaan mustaqbalka, kuwaasoo ay u sheegeen dadka wax faaliya oo ay kala tashadeen mustaqbalkooda.

Faalka oo ah dhaqan ka jira Hindiya ayaa dadka qaar loogu sheegaa in ay noloshooda waqti ka mid ah xabsi ku qaadan doonaan, sidaas awgeedna ay u habboon tahay inay waqti cayiman si iskood ah xabsiga u galaan.

Horay ayey u jirtay in dadka faalka sameeya ay macaamiishooda kula taliyaan inay xabsi galaan.

Barnaamijkan cusub eel aga billaabay xabsiga ayaa loogu talogalay in qof kasta uu xor u yahay inuu lugihiisa ku tago xabsiga, lacagna looga qaado maalmaha uu halkaas ku xirnaanayano.

Xabsi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xabsiga Haldwani, oo ku yaalla meel u dhow buurta loo dalxiiska tago ee Nainital, waxaa la dhisay sanadkii 1903.

Waxa uu leeyahay lix qol oo loogu talogalay shaqaalaha xabsiga ka howlgala. Balse qolalkaas ayaa hadda loo diyaariyay dadka soo booqanaya xabsiga, ee aaminsan in ay dambiga iska dhaqayaan.

Satish Sukheja oo ka mid ah mas’uuliyiinta xabsigan ayaa warbaahinta u sheegay in ay helaan amaro uga imaada dhinaca taliska sare ee booliska oo loogu sheego in dadka magacyadooda loo soo gudbiyo ay xabsigaas ku hayaan muddo gaaban.

“Inta badan saadaasha ku saleysan faalka iyo xiddigaha la fiiriyo wey dhacaan, dadka wax faaliyana waxay u sheegaan macaamiishooda in ay maalmod gudahood xabsi ku galaan. Hadda waxaan dhiseynaa qeyb bannaan oo ka mid ah dhulka xabsiga, si aan u ballaarinno meelaha dadka noocaas ah lagu xiro. Halkii habeenba waxay bixinayaan shan boqol oo rupees,” ayuu yiri.

Wargeysyada Hindiya qaarkood ayaa soo xigtay nin wax faaliya, oo magaciisa lagu sheegay Murtyunjay Ojha, oo sheegaya in xogta uu isticmaalo uu u kaashado meerayaasha ay ka midka yihiin Mars iyo Saturn.

Sababta uu dadka xabsiga ugula taliyo ayuu ku sheegay in ay tahay si ay dhowr maalmood u xirnaadaan iyagoo rajeynaya in uusan wax xun ku dhicin mystaqbalka.

Dalka Hindiya aad ayey ugu badan yihiin dadka rumeysan fikradahan. Inta badan qoysaska, gaar ahaan kuwa maalqabeennada ah waxa ay ku xiran yihiin wadaad diimeedyo iyo kuwa dhinaca faalka, iyagoo talooyinkana ka qaata.