Markabka sahminta shidaalka ka sameynaya Soomaaliya oo la sugayo inuu gaaro Muqdisho

Xigashada Sawirka, SNTV
Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa soo dhaweyntiisa waxa ay ka socotaa dekadda Magaalada Muqdisho.
Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaana ka qeyb galeysa munaasabadda soo dhaweynta.
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Wasiiru-dowladaha Gaashaandhigga Dowladda Dederaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed iyo Cumar Cali Cabdi ayaa gelinkii dambe ee shalay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi heer sare ah oo ka socda wasaaradda gaashaandhigga iyo batroolka Turkiga.
Wafdigan ayaa qeyb ka ah soo dhoweynta markab oo la sugayo inuu maanta kusoo xirto Dekadda Muqdisho.

Xigashada Sawirka, SONNA
Wafdiga ayaa qeyb ka noqon doona saraakiisha soo dhoweynaya markabka sahminta shidaalka ka sameynaya Soomaaliya eeOruç Reis, kaasoo ku wajahan Soomaaliya.
Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaana lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga.
Ujeedka loo sameeyay ayaa ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.
Sidee buu shaqeeyaa markabka Oruc Reis?
Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.
Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.
Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.
Tan iyo markii la sameeyay waxa uu fuliyay howlgallo sahmin ah, waxa uuna uruuriyay xog guud oo bedkeedu yahay 23,000 kiiloomitir laba jibaaran ah.

Xigashada Sawirka, SONNA
Markabkaan ayaa horay howlo sahmin ah loogu diray badda Mediterranean-ka, isaga oo ka dhaqaaqay dekedda lagu magacaabo Antalya oo ku taala koonfurta dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday bariga Mediterranean-ka.
Safarkaas sahminta ah waxaa ku wehlinayay laba markab oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han.
Ujeedkii xilligaas loo diray ayaa ahayd sahan juquraafi, iyo raadinta khayraad dabiici ah.
Xilligii uu howlgalka billaabay markabkaan wixii ka danbeeyay Turkiga ayaa dirayay maraakiibta qodista shidaalka si ay u sahamiyaan kheyraadka tamarta ee bariga Mediterranean-ka, iyagoona howlgallo kale ka sameeyay waqooyiga Qubrus.

Xigashada Sawirka, SONNA
Wixii xilligaas ka danbeeyay waxaa soo baxayay dalal daris la ah Turkiga oo uu kamid yahay Giriiga, kuwaas oo diidanaa howlgallanaad iyadoona dowladda Turkiga ay ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah danaha dalkooda oo ah midka ugu xeebta dheer Mediterranean-ka.
Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.
Aagaggaan shatiga loo heysto ayaana laga sameyn doonaa sahanno, cabbirka goobahaan ayaana lagu sheegay qiyaastii 5,000-kiilomitir laba jibbaaran iyo 1,930 mayl laba jibbaaran.

Xigashada Sawirka, Recep Tayyip Erdogan/Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horraantii bishan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ay wehlinayaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga iyo wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay markabka Oruç Reis, oo Soomaaliya ku wajahnaa.
Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ka hadlayay bixitaanka markabkaan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, waxa uu ku yiri: “"Oruç Reis, oo adeegyo muhiim u ah dalkeenna ka qabtay tan iyo 2017, hadda waxa uu Soomaaliya ka samayn doonaa hawlo seismic ah oo dhan saddex goobood oo shati leh".
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay Soomaaliya oo muddo dheer ku jirtay colaado iyo xassilooni darro “in hadda kadib ay noqon doonto mid ku tillaabsata hormar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad,” waxa uu intaa ku daray in ay war wanaagsan ka filayaan howlaha cilmi baarista seismic, oo ay ka bilaabayaan xeebaha Soomaaliya.
Markabka sahminta ayaa ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga.
Oruç Reis oo uu marinkiisu yahay badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbi doonaa kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacayaa Badda Cas si uu ugu soo xirto meel u dhaw biyaha Soomaaliya.













