Sharciga cusub ee shaqaalaha ajnabiga ee Canada saameyn maku yeelanayaa Afrikaanka ay Soomaalidu ka mid tahay?

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoddob lagu joojinayo qoritaanka shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meel gaarka ah ayaa ka dhaqan galaya dalka Canada maalmaha soo socda. Sidoo kale, waxa la xaddidayaa shaqaalaha ay qoranayaan shirkadaha dalka10% , tallaabadan ayaa walaac gelinaysa hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo shaqaalaha qaybtan, sida ay BBC ogaatay.

Laga bilaabo Sebtembar 27, 2024, loo-shaqeeyayaasha Canada, kaliya waxa loo oggolaan doonaa inay qortaan ugu badnaan 10% shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meel gaarka ah xooggagga shaqo ee ay u baahnyihiin.

Markii shirkadaha la ogeysiiyay go'aankan dhamaadki bishii Agoosto, wa amarkii labaad oo ay dowladda Federaalka ah ee Canada ay sidaasi sameysay muddo sannad ah, si loo dhimo kootada qaybtan oo ah shaqaalle xirfad yar oo jaban.

"Barnaamijka Shaqaalle Ajaanib ah oo ku meel gaar ah waxaa lagu saleeyay talaabooyin gaar ah, marka uusan jirin qof u dhashay Canada ama haysta deggaansho rasmi ah kaas oo buuxin kara boos banaan.

Nasiib darro, barnaamijkan waxaa loo adeegsaday si looga hortago shaqaaleysiinta shaqaalaha kartida leh ee Canada, "Dowladda Canada ayaa sidaasi ku sharraxday war-saxaafadeed.

Shirkadaha Canada oo arintan ka walaacsan

Sharaxaadahan ayaan u muuqamn kuwo dhiirrrigelinayo loo shaqeeyaha. BBCda ayaa la xiriirtay, Ururka Ganacsiga Madaxa Banaan ee Kanada (CFIB) kaas oo ku tilmaamay tallaabada dowladda mid "walaac leh". Ururku wuxuu sheegay inuu yahay difaaca ugu weyn ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) ee Canada, waxayna sheegeen in ay xubno ka yihiin 97,000 (ganacsi) xubno.

Ururkaas ayaa sidoo kale u arko in ku dhawaaqista dowladda "ay ku kordhin doonto cadaadiska shirkado badan oo la dhibaatoonaya sidii ay shaqaale u heli lahaayeen".

Marka la eego tirooyinka dowladda, shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ayaa ah 63.8% shaqooyinka dalka. Loo-shaqeeyayaashu waxay ku tiirsan yihiin qaybtan si ay u helaan shaqaallaha ay u baahnyihiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2020, tusaale ahaan, 117,000 qof oo asal ahaan ajnabi ah ayaa shaaca ka qaaday in ay dakhliga ka helaan shaqooyin ku meel gaar ah.

Marka la is barbardhigo tirooyinka laga soo bilaabo bishii June 2024, kaliya 109,000 oo qof ayaa haystay shaqooyin sida shaqaale ajnabi ah oo ku meel gaar ah, sida lagu sheegay warbixinta dawladda Canada oo ay BBCdu aragtay.

Taasi wax ay horseeday Xiriirka Canada ee Ganacsiga Madaxa-bannaan in uu yiraahdo "xoogga shaqada ee Canada kuma filna in ay daboolaan baahida jirta , gaar ahaan qaybaha sida beeraha iyo taageerada qoyska, ganacsiyada xirfadda leh iyo goobaha miyiga ah."

"Shaqaale yaraanta qaybahan muhiimka u ah dhaqaalaha Canada ay kasii dari doonta, sababtoo ah jiilka cusub ee shaqaaluhu ma awoodi doonaan inay buuxiyaan mowjadaha hawlgabka ee la filayo sanadaha soo socda," sida ay ka welwelsanyihiin.

Dhab ahanatii, sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday Machadka du Québec, ee sameeya tirakoobyada shaqada, "yaraanshaha soo galootigu waxay cadaadis ku keeneysaa qaar kamid ah suuqa shaqada inta lagu jiro xilligan muhiimka ah marka oo waalidiin badani u ay hawlgab noqdeen.

Gobolka Quebec, 86 qof oo da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 29 ayaa ku biiray suuqa shaqada marla 100kii qof ee ay da'doodu u dhaxayso 60 ilaa 69 ay ka tagaan shaqada.

Waa maxay Sharciga Shaqaalaha Ajaanibta kumeel gaarka ah?

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Barnaamijka Shaqaalaha Ajaanibta ee ku meel gaarka ah waxaa aasaasay dawlada Canada 1960-meeyadii waxaana markii hore lagu dabaqay oo kaliya shaqaalaha beeraha. Dhowr jeer ayaa dib loo eegay ilaa sanadkii 2002dii si loogu daro shaqaalaha xirfadda hoose leh.

Waxay u ogolaaneysaa loo-shaqeeyayaasha inay si ku-meel-gaar ah u shaqaaleeyaan shaqaale ajnabi ah si ay u buuxiyaan shaqada iyo xirfad yaraanta marka aysan heli karin muwaadiniin reer Canada ah, kuwaas oo qaban kara shaqada ama haysata deganaasho rsami ah si ay u buuxiyaan boosaskan.

Si ka duwan Barnaamijka Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah, kaas oo u oggolaanaya loo-shaqeeyayaasha inay si toos ah u shaqaaleysiiyaan ajaanibta shuruud la'aan. Barnaamijka shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meelgaarka ah waxa ku xiran shuruudo badan.

Gaar ahaan, waajibka saaran loo-shaqeeyayaasha in ay codsiyo shaqo u gudbiyaan hay'adaha ansixinaya oo go'aaminaya in shaqaalaha ajnabiga ahi ay saameyn togan ama mid dhexdhexaad ah ku yeelanayaan suuqa shaqada ee khuseeya.

Haddii saameyntu xun tahay, mas'uuliyiintu waxay diidaan codsiga qorista shaqaalaha iyaga quseeyo. Go'aankii ugu dambeeyay, mas'uuliyiintu waxay ku qiyaaseen in shaqaaleysiinta shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meelgaarka ah ay gacan ka geysatay sare u kaca heerka shaqo la'aanta 1.4 muddo sanad gudaheed ah.

Waa kuwee qaybaha shaqaaleeyo shaqaalaha ajnabiga ee aan rasmiga ahayn ee Canada?

Laga bilaabo Bishii June 2024, Canada waxay lahayd 109,840 shaqaale ajnabi ah oo ku meel gaar ah. Inkasta oo tiradani ay tahay bartamihii sannadkan, haddana tiradan ayaa durbadiiba noqotay tii labaad ee ugu sarreysay 9-kii sano ee la soo dhaafay.

Sida lagsoo xigtay tirakoobka, dowladdaQuebec ayaa ilaa hadda ah hormuudka gobolka Canada marka loo eego ku tiirsanaanta shaqaalahan, iyada oo ah ku dhawaad 32% baahida loo qabo, marka loo eego warbixintii ugu dambeysay ee dowladda ee ay BBCdu aragtay.

35,220 ka mid ah shaqaalaha gobolkan, waa shaqaalaha beeraha oo ah 12,000 oo shaqaale ah. Tani waxay ka dhigan tahay in ka badan seddex meelood oo meel dadka shaqeeya ee gobolka.

Gobolka Ontario, oo ah kan labaad ee ku tiirsan shaqaalaha ku meel gaarka ah ee ajnabiga ah oo leh 31,000 shaqaale, in ka badan kala bar, ama 16,000, ayaa ka shaqeeysa goosashada wax soo saarka beeraha.

Waa kuwee dalalka Afrikaan ah ee Canada siiya shaqaale ku meel gaar ah, sideyse saameyn ugu yeelan doontaa

Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

109,800 oo shaqaale ku meel gaar ah oo Canada ka shaqaynayay tan iyo bishii June ee sanadkan, kaliya 9,555 ayaa ka soo jeeda Afrika, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay BBC qeybta Afrika kaas oo ku salaysan xogta masuuliyiinta ee warkii ugu dambeeyay ee dadweynaha ee soo baxay bishii June 2024.

Ma jiro waddan Afrikaan ah oo ka mid ah 20-ka waddan ee ugu sarreeya ee keena shaqaalaha beeraha ee Canada, iyada oo shaqaaluhu ay ka yimaadaan Koonfurta Ameerika iyo Aasiya, Aïsha Laperrière, oo ah isku-duwaha arrimaha sharci-dejinta ee Xiriirka Ganacsiga Madaxa-bannaan ee Canada, ayaa sidaasi u sheegtay BBC.

Markaas, xitaa haddii ay jiraan shaqaalle yari qaybtan ah, ma aha akuwa ugu badan. Sidaa darteed waxay u dhaqaaqeen qaybaha kale ee hawlaha, sida cuntada, caawinta guriga, dalxiiska ama xitaa IT, sida da'yarkan Moroca u dhashay oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Taleefoonka ayaan kula xirriiray, wiilkan da'da yar ee deggan Montreal kaas oo sheegay in uu welwelsanyahay . Waxa uu sheegay in dhawr bilood ay ka harsantahay dhamaadka qandaraaskiisa, kaas oo aan dib loo cusboonaysiin doonin.

"Ma garanayo waxa aan sameeyo, kuma laaban karo Morocco, qoyskeyga waxa haysta dhibaato dhuleed, lacagta aan halkan ka helo ayaa ii saamaxeysa inaan iyaga daryeelo, waxaa laga yaabaa inaan ka tago Montreal" ayuu BBC-da ugu sheegay khadka taleefoonka.

Tirada shaqaalaha Marocco oo ah 1,730, waddankiisa Morocco waa waddanka labaad ee Afrikaanka ah oo shaqaalle ku meel gaar ah siiya Canada, marka loo eego 48-ka waddan ee Afrikaanka ah ee uu diiwaangashan mas'uuliyiinta Canada, waxaa ay kadanbeysaa Tunisia oo ay guud ahaan ka shaqeeyaan 2,105 shaqaale ku meel gaar ah.

5-ta waddan ee Afrika ugu sarreeysa ee shaqaale ku-meel-gaarka ah ay ka joogaan Canada waxa ka mid ah Cameroon, oo kalainta seddexaad ah taas oo leh 1,210 muwaadiniina, Algeria, oo afar ah oo leh 1,115 iyo Madagascar oo leh 415 muwaadiniin ah oo u ku shaqeeya si ku meel gaar ah, marka loo eego xisaabta dokumentiga dawladda.

Marka laga soo tago barnaamijka shaqaalaha ajnabiga ah, dowladdu waxay isticmaashaa laba barnaamij oo kale si ay wax uga qabato shaqaale yaraanta. Waxaana ka mid ah barnaamijka dhaqdhaqaaqa caalamiga ah iyo barnaamijka qalin-jabinta. Ka dambe wuxuu siinayaa ogolaansho shaqo ardayda ajnabiga ah ee dhameystay Tababarkooda iskuulada Canada iyo kywa doonaya inay dalka degaan.