Maxaan ka ognahay doonta sidday muhaajiriin kusii jeeday Britain ee ku qalibantay Faransiiska?

Faransiiska

Xigashada Sawirka, PA MEDIA

Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen doontii yareyd ee saakay ku quustay Kanaalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Gérald Darmanin, oo haatan kusii jeeda xarunta samata-bixinta ee Boulogne-sur-Mer, ayaa sheegay in labo qof oo kale la la'yahay, isla markaana dhowr qof ay u baahan yihiin daaweyn.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP oo soo xigatay il aan la magacaabin ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaareyso 13 qof, ayna ku jiraan saddex carruur ah.

Waa dhacdadii ugu khasaaraha badneyd ee ka dhacda Kanaalka tan iyo billowgii sanadkan.

Waxay tirada ka dhigeysaa ku dhowaad 40 muhaajiriin ah oo dhintay iyagoo isku dayayay inay u gudbaan Ingiriiska sanadkan 2024. Saraakiisha Faransiiska ayaa khasaaraha dhimashada dusha u saaraya mukhalasiin manaxayaal ah oo dad aad u badan ku guraya doomo aan u diyaarsaneyn inay badda jibaaxaan.

Wax ka qabashada tahriibka sharci-darrada ah ayaa ahmiyadda koowaad u lahaa dowladaha Britain iyo Faransiiska. Kumannaan tahriibayaal ah ayaa gaaray Britain sanadkan dhexdiisa iyagoo ku tegay doomo.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo raysal wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa codsaday in si dhow la iskula shaqeeyo si wax looga qabto marinnada laga soo gudbiyo tahriibayaasha.

Kanaalka waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan adduunka ee maraakiibtu maraan, iyadoo ay khatar tahay in lagu gudbo doomo yaryar.

Bishii August, labo qof ayaa meydkooda la helay kadib markii doon sidday muhaajiriin isku dayaya inay ka gudbaan Kanaalka ay dhibaato lasoo deristay.

Immisa qof ayaa ka gudba kanaalka iyagoo raacaya doomo yaryar?

Doomo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laga bilaabo 19-kii bishii Agoosto, waxaa kanaalka ka gudbay 19,294 qof. Taas oo ah tiro ka badan sanadkii ka horeeyay bishaan oo kale, inkasta oo guud ahaan sanadkii 2023 ay Ingiriiska galeen dad gaaraya 29,437 qof kuwaas oo isticmaalayay doomo yar yar, balse waxaa ka sii badnaa sanadkii 2022 oo ay dad aad u badan ka gudbeen kanaalka.

Xiligaas waxaa gudbay dad tiradooda lagu sheegay 45,755 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dalkaas gasha tan iyo 2018, xilligaas oo la sameeyay tirakoobka muhaajiriinta.

Guud ahaan tirada muhaajiriinta ah ee Ingiriiska gashay tan iyo xiligaas waxa ay ahaayeen in ka badan 130,000, kuwaas oo dalal kala duwan ka yimid.

Yaa u badan dadka doomaha yaryar ku gala Ingiriiska?

Sanadkaan sii dhamaanaya dadka u dhashay Afgaanistaan, ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ka gudbay kanaalka, waxa ayna ku dhawaan shan jeer ku jibaarmaan dhamaan dadka kale ee doomaha yaryar ku soo gudbay.

Iiraaniyiinta ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen (12%) halka muwaadiniinta Turkiga lagu sheegay (11%) waana labada jinsiyadood ee ugu soo xiga Afgaanistaan, dadka doomaha yaryar ku tagay Ingiriiska.

Tan iyo bilowgii sanadkaan tirada doomaha yaryar ee ka gudbay kanaalka ayaa lagu qiyaasay 85%, waxa ayna ahaayeen rag, kuwaas oo inta badan da'da laga diiwaan galiyay ay u dhaxeysay 25 ilaa 39 jir.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa muhaajiriinta ku dhintay kanaalka Ingiriiska ku qiyaasay 184 qof, intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa dhamaadka bishii la soo dhaafay ee July 2024.

Tiro intee la eg ayaa magangalyo ka codsaday dalalka Yurub?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2023, dalka Ingiriiska ayaa kaalinta shanaad uga jiray dalalka ugu badan ee laga codsaday magangalyada, waxaana muhaajiriintii xiligaas ay gaarayeen 329,035 qof.

Jarmarka ayaa kamid ahaa dalalkii helay codsiyadii ugu badnaa ee uga yimaada muhaajiriinta.

Dalka Spain ayaa kaalinta labaad ee ugu sareysa ku jiray xilligaas waxaana iska dhiibay dad gaarayay 160,460 qof, waxaana ku soo xigay Faransiiska oo ay galeen 145,095 qof, halka Talyaaniga ah qaabileen dad magangalyo doon ah oo gaarayay 130,565 qof.

Sanadkii 2023, dowladda Ingiriiska ayaa qaadatay go’aan ay ku qaabileyso codsiyada dad ay tiradoodu gaareysay 93,303 qof, kuwaas oo qaarkood ka koobnaa qoysas ay carruurtooda la socdeen, waxa ayna xilligaas magangalyada siisay saddex meelood laba meel oo u dhigantay 67%.

Isla xilligaas dalka Jarmalka ayaa qaabilay muhaajiriin gaaraya 217,430 qof, oo u dhiganta 62%.

Faransiiska ayaa isna qaatay qaxooti gaaraya 132,695 qof, oo u dhiganta 31% tirada dadkii gaaray.