Lixda arrimood ee ah sirta ka dambaysa hurdo wanaagsan

Hurdo

Xigashada Sawirka, Medical News Today

Waxaa jira daraasado sayniseed oo badan, kuwaas oo muujinaya in hurdadu ay u fiican tahay Tayada nilosha ee bulshada.

Saynisyahanada ayaa hadda diyaariyey su’aalo ku saabsan faa’iidad a hurdada, waxayna bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan haddii ay jiraan arrimo aysan hurdadu wax faa’iido ah u lahayn .

Mid ka mid ah khubarada baaritaanka badan ku sameeyey arrintan waa Prof Matthew Walker oo ah macallin ka tirsan waaxda sayniska maskaxda iyo saaykolojiga ee jaamacadda California, Berkeley.

Walker wuxuu ku sheegay buug uu qoray oo uu ku eegayey xog laga soo uruuriyey malaayiin qof in “hurdada ay tahay tan ugu dimoqaraadisan, uguna raqiisan hanaanka caafimaadka ee dunida”.

Waa maxay Faa’iidada hurdada

Cudurrada asaasaqa, kansarka, wadne istaagga, cayilka, macaanka iyo isku buuqa ayaa lala xiriiriyaa hurdo-xumida.

Sababtu waxay tahay ayadoo nidaamka jirka iyo shaqada maskaxda ay yihiin kuwo keena in jirka bani aadamku uu dib isku cusboonaysiiyo inta uu qofku hurdo.

Kiisaska hurdo la’anaata ayaa waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan. Haddaba maxaa dhici kara si loo helo hurdo tayo leh. Prof Walker wuxuu soo jeedinayaa talooyin la xiriira hurdada wanaagsan ee habeenkii.

1. Seexashada wakhti joogto ah iyo soo kicidda wakhti joogto ah.

Talaabada ugu horreysa waa in la helo hurdo wanaagsan oo joogto ah, waana mid sahlan. Waxay ku xiran tahay xilli joogto ah oo la seexdo iyo wakhti joogto ah oo la soo kaco.

Tan ugu muhiimsan waa in qofku uu ka caado yeesho soo kicitaanka oo uusan ku daahin hurdada.

Sababtu waxay tahay isku xilli in aad soo kacdo maalin kasta waxay kaa caawinaysaa in hurdo ay ku qabato isku wakhti maalin kasta.

2. Qolka oo aad mugdi ka dhigto

Meel mugdi ah in la helo waxay muhiim u tahay soo saarista hormoonka Melatonin, kaasoo muhiimad weyn u leh jiifka iyo soo kicidda jirka.

Qolka aad seexanayso waa muhiim in aad mugdi ka dhigto ka hor inta aadan sariirta aadin.

Arrin kale oo si aan wanaagsanyn u saamaysa soo saarista Melatonin ayaa ah waxa loo yaqaanno iftiinka buluugga ag “Bleu light”, kaasoo ka yimaada shaashadaha telefoonnada.

Sidaa darteed waa muhiim in aad joojiso isticmaalka qalabka elektroonigga ugu yaraan saacad ka hor inta aadan sariirta aadin.

Hurdo

Xigashada Sawirka, Sleep foundation

3. Qabooji halka aad seexanayso

Furaha muhiimka u ah hurdo wanaagsan ayaa ah meel qabow oo aad seexato.

Si aad u hesho hurdo aad si fiican ugu nasato, heerkulka jirkeenna iyo maskaxdeenna u baahan yihiin wuxuu hal darajo ka hooseeyaa kan caadiga.

Sidaa darteed, heerkulka ugu wanaagsan ee xilliga jiifka ayaa ah ilaa 18 darajada Celsius.

4. Sariirta u isticmaal hurdo oo kaliya.

Haddii ay kugu qaadato in ka badan 20 daqiiqo in hurdo ay ku qabato, ka kac saririta oo isku mashquuli hawl in aad ka qabato qolka gudihiisa ilaa iyo inta ay hurdo ku qabanayso.

Bil matal, wuxuu khabiirku ku talinayaa in aad buug akhriso ama aad TV daawato, hase yeeshee wuxuu sheegayaa in aysan haboonayn in aad sariirta ku dul qabato.

In aadan waxba samayn adigoo sariirta saaran marka laga reebo hurdada, waxay ka caawinaysaa maskaxda in ay isku xirmaan goobta hurdada, taasoo sare u qaadaysa Tayada hurdada.

Hurdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

5. Yaree kafeega (Bunka) iyo maadooyinka hurdada carqaladayn kara

Dad badan ayaa isticmaala xaddi badan oo ah waxyaabaha ay ka midka yihiin Cola, Caffeine, Theine iyo maadooyinka hanaanka dareen wadka la falgala.

Prof Matthew Walker wuxuu na xusuusinayaa in maadada Caffeine ee bunka iyo shaaha ku jirta ay jirka ku jiri karto 12 saac.

Xataa haddii aad ku fekerayso in aadan bun cabin dhowr saac hurdada ka hor, caffeine-kii jirkaaga galay xilligaas ka hor ayaa weli baaqi ku sii ah.

Sidaa darteed wuxuu prof Walker ku talinayaa in qofku uusan bun cabin 12 saacadood ka hor xilliga jiifka.

6. Aalkolka oo aan la isticmaalin

Si ka duwan sida ay dad badan rumaysan yihiin, Aalkoku ma keeno hurdo.

Taa bil caksigeeda, xaddi badan oo aalkol ah oo la qaato hurdada ka hor wuxuu saamayn xun ku yeelan karaa Tayada hurdada.